"Waxaan Aamin Sanahay In Muuse Yahay Hogaamiye Umada Isku Wadi Kara Waxaan Ku Baaqayaa In La Doorto Aniguna Dhex Ayaan Ahay…" Qudbad Xaasaasi Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Iminka Jeediyey

0
12 September 2017 13:09 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 2584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Aamin Sanahay In Muuse Yahay Hogaamiye Umada Isku Wadi Kara Waxaan Ku Baaqayaa In La Doorto Aniguna Dhex Ayaan Ahay…" Qudbad Xaasaasi Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Iminka Jeediyey

    "Waxaan Aamin Sanahay In Muuse Yahay Hogaamiye Umada Isku Wada Kara Waxaan Ku Baaqayaa In La Doorto Aniguna Dhex Ayaan Ahay…" Qudbad Xaasaasi Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Iminka Jeediyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Aamin Sanahay In Muuse Yahay Hogaamiye Umada Isku Wada Kara Waxaan Ku Baaqayaa In La Doorto Aniguna Dhex Ayaan Ahay…" Qudbad Xaasaasi Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Iminka Jeediyey



Kelmadihii Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye Ee Quluubta Shacbiga Maanta Gashay



Waxaan aaminsanahay in aqoonta, waayo aragnimada siyaasadeed, sumcadda iyo miisaanka uu hoggaamiye weliba leeyahay, ay door weyn ka ciyaari karaan kasbashada quluubta iyo maanka umaddiisa, iyo weliba kalsoonida iyo ixtiraamka uu ka heli karo Beesha Caalamka.




Haddaba anigu qof ahaan aqoonta iyo Waayo aragnimada aan u leeyahay Guddoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Waxaan si kalsooni leh u odhan karaa inuu yahay murashax waayo araga oo leh tayohoggaamiyenimo isla markaana magac, Maamuus iyo Miisaanba lu leh gobolka Geeska Afrika.

Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan aaminsanahay inuu yahay hoggaamiye Somaliland isku wadi kara, Halkaasna ka sii amba qaadi kara Hoggaaminta qaranimada jamhuuriyadda Somaliland, himilada Xisbiga Kulmiye, iyo horumarka uu dalkeenu ku talaabsaday. Muddadii dheerayd ee Soddonka sanno ka badnayd ee aanu soo wada shaqaynaynay.

Waxaan idiin sheegayaa xiligii uu kusoo biiray ururkii SNM inuu wax weyn kusoo kordhiyay garabkii Military ee ururka. "







LATEST NEWS