URURKA MIDNIMO : CANBAARAYN GO'AAMADII KASOO BAXAY SHIR-BEELEEDKI BURCO EE BAAL MARSANAA DISTOORKA QARANKA QODOBADIISA 8AAD & 9AAD.

0
11 October 2017 10:17 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    URURKA MIDNIMO : CANBAARAYN GO'AAMADII KASOO BAXAY SHIR-BEELEEDKI BURCO EE BAAL MARSANAA DISTOORKA QARANKA QODOBADIISA 8AAD & 9AAD.

    Guddida Fulinta,Golaha Musdanbeedkaiyo dhamaanxubnaha Ururka Midnimowaxay si mug & miisaan leh u canbaraynayaan go'aamadii kasoo baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Fulinta,Golaha Musdanbeedkaiyo dhamaanxubnaha Ururka Midnimowaxay si mug & miisaan leh u canbaraynayaan go'aamadii kasoo baxay

shir-beeleedki ka dhacay Burco tkh8thOctober,2017.Waxaanu u aragnaa xad-gudub iyo meel ka dhac lagu sameeyay Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobadiisa 8aad & 9aadoo u dhigan sidan :
QODOBKA 8AAD SINNANTA MUWAADINIINTA. Kala sarraynta , takoorka iyo xulafaysiga ku salaysan qabiilka, isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin......
QODOBKA 9AADNIDAAMKA SIYMSADEED .
1).Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ahdimuqraadiyad,hannaanka xisbiyada badan, nabad iyo talo-wadaag.
2). Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay inla doorto,waxna uu doorto.
Hadaba haddii aanu nahayUrurka Midnimowaxaanu ku boorinaynaaMaxkamaddaDistoorigaah ,Madaxweynaha JumhuuriyaddaSomaliland, iyo Hay'adaha Sharcidiginta ee ay khusayso inay sideg-degah u qaadaan tallaabooyinka soo socda:
A). In la xaraantimeeyo faafinta iyo ku-dhaqanka qodobadii kasoo baxay shirka lagu minjaxaabinyaao qaranimadda Somaliland.
B). InXilalkalaga xayuubiyoWasiiradii& Xubnahii Dawladdaee ka qayb galay shirkaas isla markaana lala horgeeyo Maxkamad Sharci ah.
Ugu danabyn, waxaanu Bulsho Waynta Somaliland u cadaynaynaa inUrurka Midnimou taaganyahay:
1) Ilaalinta distoorka, Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
2) Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ,diyaarinta daraasado ku salaysan sidii loo samayn lahaa maalgashi wada jir ahsida wax soo-saarka beeraha ; warshadaha yar-yar iwm.
3)Ka qayb qaadashada dhamaystirka mashruucyada qabyada ah siiba jidkaErigavo-Burco- Hargeisa.
4). Dhiirigelinta is-hexgalka , iskaashiga iyo isbarashada bulshada rayidka ah ,siiba dhalinyarada, Aqoonyahanka , Culimaa'diinka, Madax-dhaqameedka iyo Haweenka.
5) Samaynta Guddi Cadaadis "Pressure Group" oo Xukuumadaha Somaliland culays ku saara inay si cadaalad ah ugu qaybiyaanGobollada Bari & Galbeedka Somaliland, mashruucyadda horumarinta ,kaabayaasha dhaqaalaha, mucaawinooyinka dibedda iyo adeegyadda bulshada.
WA BILAAHI TOWFIIQ.
GUDDDIDA FULINTA & GOLAHA MUSDANBEEDKA
AF-HAYEENKA URURKA MIDNIMO.
 
AXMED JAMAC "QODAX", ALBERTA . CANADA.

LATEST NEWS