Taariikhda Madaxwaynaha shannaad ee Somaalilaan Mudane Muuse Biixi Cabdi Xildiid , Caqabadaha Hor Yaala Iyo Sidii Lagaga Bixi Lahaa.

0
22 November 2017 13:02 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Madaxwaynaha shannaad ee Somaalilaan Mudane Muuse Biixi Cabdi Xildiid , Caqabadaha Hor Yaala Iyo Sidii Lagaga Bixi Lahaa.

    Taariikhda Madaxwaynaha shannaad ee Somaalilaan Mudane Muuse Biixi Cabdi Xildiid , Caqabadaha Hor Yaala Iyo Sidii Lagaga Bixi Lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda Madaxwaynaha shannaad ee Somaalilaan Mudane Muuse Biixi Cabdi Xildiid , Caqabadaha Hor Yaala Iyo Sidii Lagaga Bixi Lahaa.


Madaxweyne , Muuse Biixi Cabdi Xildiid waa siyaasi reer Soomaalilaan ah. Muuse Biixi wuxuu ku dhashay kayn u dhaxaysa Faraweyne iyo Arabsiyo sannadkii 1948-dii. Wuxuu waxbarashadiisii hoose ku qaatay dugsiyada biyo dhacayga hoose iyo biyo dhacayga sare ee magaalada Hargaysa iyo Camuud oo ku yaala magaalada Boorame intii u dhaxaysay 1948-kii ilaa 1970 kii . Intaas kaddib wuxuu waxbarasho dibadeed u tagay Midawgii Soofiyeeti ee Ruushku hoggaaminayay isagoo ka qallin jabiyay Akaddamiyaddii Djembe oo uu ku soo bartay hagidda diyaaradaha dagaalka.

Sannadku markuu ahaa 1984-kii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ka soo qaatay shahaadada meletari sayniska kulliyadii ciidamada ee Fort Lee ee Gobolka Florida ee carriga Maraykanka.

Sannadkii 1985-tii Mudane Madaxwayne :-Muuse Biixi wuxuu iskaga tagay taliskii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre isagoo ku biiray dhaqdhaqaaqii SNM ee dib u xoraynta Soomaalilaan.

Waxaana uu mudane Muuse biixi CabdI xubin ka noqday sannadkii 1987-kii Golihii dhexe ee SNM. Waxaana sannadkii 1988-kii loo magacaabay inuu noqdo madaxii sahanka ee SNM, waxaana uu isla sannadkaasi uu ka qayb qaatay dagaalki u dhaxeeyey SNM iyo ciidamadii Siyaad Barre kaasoo halkaasi ka socday muddo lix bilood qaadanaysa , waxaana uu markaasi qaabilsanaa deegaanada wajaale iyo kalabaydh.

Taariikhdu markii ay ahayd December 1988-kii waxa uu muuse Biixi Cabdi uu ahaa maskaxdii iyo fikradii ka dambaysay aasaaaskii golaha guurtida ee somaliland, waxaan uu ka mid haa hawl wadeenadii shirkii SNM ee ka dhacay Deegaanka Madawayn .

Sannadku markuu ahaa 1998-kii waxa uu Muuse Biixi Cabdi ahaa gudoomiyihii shirkii SNM ee kadhacay degmada Balli-gubadle waxaana shirkaasi lagu doortay alle hawnaxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) inuu noqdo madax weynihii ugu horeeyey ee soomalilaan , waxaana shirkaas ka bacdi loo doortay mudane Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo madaxii nabbad gelyada iyo taliskii ciidanka ee ku yiilay Daroor , Kaam-abokor , Balliyalay iyo Dulcad.

Kolkii ay Soomaalilaan dib u heshay xornimadeedii sannadkii 1991-kii waxa uu muuse door muuqda ka qaatay shirarkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaalilaan ee 1991,1992 iyo 1993-kii, ka dhacay magaaloyinka Boorame, Berbera iyo Burco .

Bishii May ee Sannadkii 1993-kii ilaa ogost sannadkii 1995-kii Muuse wuxuu noqday wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dawladdii AHU Maxamed Xaaji Ibraahjn Cigaal.

Waxyaabaha lagu xasuusto ee wakhtigaasi uu qabtay Muuse Biixi Cabdi waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay aasaski labada golle ee wakiilada iyo guurtida markii dib loo unkayay isaga oo noqday wasiirkii daakhiliga ee igu horeeyey ee teggey magaalada Laascaanood sannadkii 1995-kii, halkaasoo uu soo gelbiyey ergadii gobolka sool uga qayb geleysay golaha guurtida oo wakhtigaasi khilaaf ba’ani ka taagnaa .

Sidoo kale intii uu aha wasiirka daakhiliga waxa uu qayb laxaadleh ka soo qaatay qaramayntii maleeshiyaadka iyo hubka dhigistiii ciidan beeleedyada iayagoo aasaasay ciidamada Booliiska, asluubta iyo meletariga .

Sannadii1996–kii madax weynaha cusub ee soomaalilaan wxa uu dib ugu noqday nolosha Beeralayda isagoo dib u bilaabay geel dhaqsho waxaana uu xaaladaasi ku jiray muddo gaadhaysay afar sanno.

Muuse biixi Cabdi waxa uu hadana arrimaha siyaasada dib uga soo muuqday sannadii 2001-dii wakhtigaasoo uu ka mid noqday aasaasayaashii urrur siyaasadeedkii Sahan oo uu hormuud ka ahaa Saleebaan Maxamuud Aaadan , Gudoomiyahaa haatan ee golaha guurtida soomaalilaan . waxaana uu urursiyaasadeedkaasi uu ka hadhay tartankii waxaana soo baxay saddexda xisbi qarran ee Udub , Ucid iyo Kulmiye. Waaxana garab uu hogaaminayo muuse Biixi Cabdi ay ku soo biireen xisbiga kulmiye kaasoo sannadku markuu ahaa 2008-dii loo doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye ka dib shir weynihii xisbiga ee ka dhacay magaalada Hargaysa .

Sannadkii 2010-kii Muuse Biixi wuxuu shahaadada heerka labaad ee xalinta khilaafaadka ka qaatay Jaamacadda Hargeysa.

Sidoo kale , Sannadkii 2010-kii Markii xisbiga kulmiye uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada waxa Mudane Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxa loo doortay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Sannadkii 2015-tii waxa loo doortay murrashaxa doorashada xisbiga Kulmiye.

Isla Sanadkan 2017-ka waxa ay shacab waynaha Jamhuriyadda Somaliland u doorteen Madaxwaynaha, Dalka isaga oo ka guulaystay Musharaxiintii la tartamaysay ee ee labada Xisbi Mucaarad ka tartamaayay ee kala ahaa Eng:-Faisal Ali Hussein "Ucid" Iyo Dr:- Abdirahman Mohamed Abdillahi (Cirro) "Waddani" iyaga oo si milgo iyo maamus leh ugu qancay natiijadii kama dambaysta ahayd ee guddida doorashadu ku dhawaaqeen.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku noqday madaxweynihi shanaad ee soomalilaan , mudane muuse biixi Cabdi waa madaxweyne deggan magaalada Hargaysa isla markaan aan haysan baasaboor ajaanabiya , waxaana uu leeyahay Toddoba carruura iyo laba xaas.

Caqabadaha Hor Yaala Madaxwayne Mudane Muuse Biixi Cabdi.

1. Isku Haynta Iyo Midaynta Dhamaan Shacabwaynaha JSL.

Madaxwaynaha JSL ee la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi caqabadaha horyaala isla wakhti xaadirkan la doortay waxa ka mida siday aniga ila tahay. Isku haynta iyo midaynta beelaha walaalaha ah ee wada dega Dalka , isaga oo ay la gudboontahay inuu qaado talaabooyin wax ku ool ah midho dhalna ah oo uu ugu guntanaayo inuu dhamaan beelaha wadda dega Dalka in uu isku wado si daacad iyo cadaaladana u wada maamulo siiba ahaan gobolada cidhifka bari iyo dhamaan dalka intiisa kaleba.

2. Ka Shaqaysiinta Sharciga "Role of Law"

Waddan waxa uu waddan jira ku yahay dhawrista sharciga waddankaa u yaala iyo ka shaqaysiintiisa , hadii uu waddan sharciga iyo qawaaniinta Distuuriga ah ee u yaala ku dhaqmi maayo waxa waddankaa soo food saara caqabado fara badan oo ay ka mid yihiin .Amni daro , Caddaalad Xumo , Dhaqaalo La'aan , Sixir Barar iyo kala dambayn la'aan aakhirkana waddankaasi ma noqonaayo mid jira oo waddamada qayrkii la tartama. Caqabadahaasina way ragaadiyaaan waxaanay ka dhigaan waddan aan jirin oo aan lagu tilmaamo karinba waddan jira.

Mudane Madaxwayne waa inaad Ka Shaqaysiinta Sharciga "Role of Law" iyada oo uu hada shaqeeyo laakiin sidan uu u shaqeeyo si kasaraysa inaad ugasii shaqaysiiso ayaan rajaynayaa. Midana waa caqabadaha ugu waawayn dawladd ahaan sharcigu wuxuu dhawraa xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadinka, muwaadinkuna haduu helo xaquuqdiisa , xoriyaadkiisa iyo caddaalad wax walibay way hagaagayaan dawladduna waxay jaanis u helaysaa in si xilkasnimo u maamusho dhamaam waddanka.

3. Qabyaalada Iyo Qaadka.

3.1:- Qabyaaladu waa aaafooyinka naafeeya qaranimada waana sababaha keena Shaqo la'aanta , Dhaqaalo Xumada Iyo Cadaalad xumada. Waxaan kula talinayaa Madaxwagnaha cusub ee shacabwaynaha Somaliland ee aan ka midka ahay ee sida xorta ah ee xalaasha ah u doorteen in uu ladagaalamo Aafada Qabyaalada ee ragaadisay waddankeena. Haday noqoto Shaqaalaysiinta muwaadiniinta , Helida waxbarasho dibadeed Iyo xaga shaqadaba.

3.2:- Qaadku waa aafo qaran waxa uu waxyeelaa Caafimaadka , Dhaqaalaha , Wakhtiga Iyo inuu keeno bur bur qays, sida dhacday in badan oo aynu usoo taagnayn. Sidaa daraadeed Mudane Madaxwayne waxqabadyadaada ugu hareeya ka dhig inaad wax ka qabatid aafadaa qaran ee qaadku uu ku hayo qarankeenan curdinka ah ee aan lahayn dhaqaalo buuran.

4. Soo Dhisida Xukuumad Tayo Leh Tiro Yarna. ( wasaarado badan , wasiiro badan looma baahna wakhtigan)

Mudane Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Waxaan kugula talin lahaa inaad soo dhisto wasaaraddo tiro yar oo aad wasiiro uga dhigtid dad aqoontooda leh. Intii is qaadan karaysana inaad hal wasaarad ka dhigtid . Wasiiro Dawle waa boos runtii aan "Active" ahayn sida xukuumada kaa horaysay aan ku aragnayna waa dad shaqo looga dhigaayay oo mushaharkooda ku qaata uun wasaaradana aan waxba kusoo kordhin . Xaga dhaqaalo ahaan ma awoodno in wasaaradeheenu yeeshaan Saddex Wasiir ( Wasiir ,Wasiir Ku Xigeen Iyo Wasiiru Dawle ) oo dhaqaale aan saddex wasiir wasaarad kasta ugu samayno waxa inooga qiimo badan inaga oo "Basic Needs" Baahiyaha aas aasiga ah galina. Midaasna waxaan jeclaan lahaa inaad ku baraarugsanaato mudane madaxwayne.

5. Dad Ka Farxin Iyo Dal Maamulid Isma Galayaan.

Mudane Madaxwayne waxaynu ogsoonahay in go'aan qaadashadu tahay salka dawladdnimada. Go'aan qaadashaduna waa sunaha higaamiye nimada waxaanan kugu dardaraarayaa inaad yeelatid sidaad awalba ahayd go'aan qaadasho ku dhisan fikir , caqli iyo aqoon.

6. Sixir Bararka.

Sixir bararku waa sare ukac ku yimaada qiimaha lagu iibinayo maceeshada iyo adeegyada ay dadku ubaahan yihiin taas oo ay keentay qiimo dhaca lacagta wax lagu iibsanayo. Wakhtigan aynu joogno sixir bararku waxa uu waddanka marayaa meeel aanu waligii gaadhin , waxaana shilling-kii waddankeena ku yimi qiimo dhac waxaana u sabab Central Bank Somaliland Oon Active ahayn.

Sixir bararku waa caqabad taagan soona noqnoqota , una baahan taalabo wax ku oola si looga baxo qaranka iyo bulshaduna uga raysato.

mudane madaxweyne waxaan qoraalkaygan ku soo koobayaa qodabada aasaasigaa ee u baahan in deg-deg wax looga qabto , waxaan ku xusuusinayaa dhibaaatooyinka innagu gadaaman ee ay waa weyn yihiin :-

1) shaqo la,aanta baahsan ee dalka ragaadisay


2) sixirbararka iyo duruufaha qalafsan ee haysata danyarta somaliland
3) kala qaybsanaanta iyo dheeliga ku yimi wadajirkii umada intii ololuhu socday
4) qabyaalada iyo nin jeclaysiga ku baahay dhammaan xarumaha dawlada iyo dalka.
5) musuqmaasuqa baahsan ee wadanka ka jira sidoo doonaba jaw dhacee.

Ugu dambayntii waxaan qoraalkayga kuso afmeerayaa aniga oon halkan kusoo koobin gabi ahaantiiba Taariikhda madaxwaynaha iyo caqabadaha hor yaala. Hasa ahaatee waa intii maskaxdayda ku jirtay uun , jeclaystayna inaan idinla wadaagno. Waxaan inoo rajaynayaa qaran qurux badan , bulsho is jecel , walaalnimo ,midnimo iyo qaranimo aan dhinacyaha iska taagno dhammaanteen alle haynala qabtee .

Wabilaahi tawfiih

Cabdiqani Axmed Cilmi (Shimaali)

Tell:- 00252-63-4430264 / 00252-65-4430264

Email:[email protected] / [email protected]


LATEST NEWS