Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland Oo Muujisey Qaan-Gaadhnimada Dimuqraadiyada, Soona Nooleysay Rajadii Ictiraafka

0
01 December 2017 17:28 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland Oo Muujisey Qaan-Gaadhnimada Dimuqraadiyada, Soona Nooleysay Rajadii Ictiraafka

    Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland Oo Muujisey Qaan-Gaadhnimada Dimuqraadiyada, Soona Nooleysay Rajadii Ictiraafka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland Oo Muujisey Qaan-Gaadhnimada Dimuqraadiyada, Soona Nooleysay Rajadii Ictiraafka
Doorashadan, oo mid hab dimuqraadi ah ku dhacday waxa kormeerayey goobjoogeyaal caalamiga ah waxaaney amaaneen

13kii November, ayaa Shacabka Somaliland waxay u dareereen doorashadii saddexaad ee madaxtooyada tan iyo markii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay somaliya, codbixiyayaasha ayaa 1,642 goobood ka codeeyey.

Inkasta oo Somaliland ahayn dawlad madaxbannaan oo la aqoonsan yahay haddana Somaliland waxa loo tixgeliyaa inay tahay dalka kaliya ee ay ka hirgaleen doorashooyin ku dhacay nidaam dimuqraadi ah uguna wanaagsan Dalalka Bariga Afrika ee doorashooyinku ka hir galeen iyo kuwa ugu xasiloon marka la eego amniga iyo kala dambeynta taala somaliland.



line-115%; font-family:"Arial","sans-serif"; color:black">

 

Doorashadan, oo mid hab dimuqraadi ah ku dhacday waxa kormeerayey goobjoogeyaal caalamiga ah waxaaney amaaneen qaabkii ay u dhacday doorashadu iyagoo ku tilmaamey inay ahayd doorosho xor iyo xalaal ah oo ay ka madhnayd musuqmaasuq iyo ku shubasho sida looga bartay wadamada Africa waxaaney koomiishanka doorashooyinka ku amaaneen qaabkii cadaalada ku saleysnaa ee ay u maamuleen doorashada. Haddaba intii aan la gelin doorashada ayaa waxa wadanka ka qabsoontay diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxaana la diiwaan gelinyey in ka badan 700,000 kun oo codbixiye iyadoo diiwaangelintaas loo adeegsadey qalab casri ah oo aan hore dunida looga isticmaalin, Somaliland ay nasiib u yeelato in uu noqdo wadankii koowaad ee laga isticmaalo qalabkaas waxaana cobixiye kaste laga dhigaayey faraha iyo iyadoo la sawiraayo isha buddeeda (Iris Biometric) taasina waxay gabi ahaanba meesha ka saartey in aanu qofna hal cod wax ka badan dhiiban waxaaney doorashadii ka dhigtay hal qof iyo hal cod (One Vote One Person) .

Doorashadan Somaliland ayaa lahayd dhaqan siyaasadeed oo qaan gaar ah. Waxa taas ku cadaynaysa markii madaxweynaha kursiga kasii degaaya mudane Axmed Maxamed Maxamuud "Silanyo" uu 30-kii Sebtembar soo saaray go'aan ka mamnuucaya saraakiisha dawladda in ay ololaha doorashada uga faa'iideystaan hantidda qaranka, ciidamada amniga iyo warbaahinta dawladdana ku amray in ay dhex ahaadaan si loo siiyo caddaalad iyo si isku mid ah dhammaan dhinacyada tartamaya.

Tusaale kale oo kuu cadeynaya qaan-gaadhka iyo bisaylka siyaasadeed ee Somaliland ka hana qaaday ayaa la arkay 19kii Oktoobar markii saddexda musharax ee u tartamaayey jagada madaxweynenimo ay goob fagaare ah loogu qabtay dood. Munaasabadda, oo lagu soo bandhigay caasimadda Hargaysa, ayaa loo oggolaaday in kasoo qeyb galaan warbaahinta iyo dadweynahu, Dooddan ayaa lagala socday dalka gudihiisa iyo caalamkaba, taas oo loogu talogalay in ay caalamka usoo bandhigto dimuqraadiyad caafimaad leh oo qaan gaar ah oo ka jirta Somaliland. Dadku waxay inta badan u arkaan doodahu inay muujinayaan nidaam doorasho furan, oo hufan oo dhammaan musharaxiintu ay soo bandhigi karaan siyaasadahooda iyo qorshayaashooda dalka. Waxayna codbixiyeyaasha awood u siisey in ay doodiisa ku qiimeeyaan murashaxa ay codka siinayaan.

Waxa kale oo qaan-gaadhnimada Somaliland tusaale fiican u ah sidii fiicneyd ee usoo dhamaadey ololahi xisbiyadu, 21-kii October ayey aheyd markii uu bilaabmey olalaha saddexda xisbi iyadoo 21 maalmood loo oqrsheeyey in ay xisbiyadu kusoo gabogabeeyaan ololaha doorashada waxaana xisbi walba la siiyey 7 maalmood oo is weydaar sidoo kale murashixiinta saddexda xisbi ayaa ku codbixiyeyaasha usoo bandhigaayey balanqaadyo ay ugu muhiimsanaayeen raadinta aqoonsiga Somaliland , Kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurista dhallinyarada, Caddaaladda, La dagaalanka musuqmaasuqa , Tayada caafimaadka iyo Waxbarashada dalka, Kaabayaasha iyo Amniga.

Olalaha Murashixiinta xisbiyada ayaa kusoo idlaaday hanaan nadabgelyo wuxuuna kor u qaaday sumcada Somaliland iyadoo muuqbaahiyeyaasha caalamka ugu afka dhaadheer leh ay baahinayeen sida wanaagsanee xamaasadeysan ee ay Somaliland uga socdaan ololaha doorashadu taas oo sawir fiican ka bixisey sid Somaliland uga hana qaaday dimuqraadiyadu.

Qormadeydan kooban waxaan kusoo afmeerayaa qaabkii wanaagsanaa ee ay labada xisbi mucaarid WADANI IYO UCID ee lagaga adkaadey tartanka doorashada sidii wanaagsadnayd ee ay u aqbaleen natiijadii hordhaca ahayd ee ay koomiishanku ku dhawaaqeen waa cadeyn kale oo tusaale fiican u ah qaadh-gaadhnimada ay Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyadda , 21-kii November ayaa Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdulqaadir Iimaan Warsame, ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee ay saddexda murashax kala heleen, waxaanu cadeeyey in doorashadu ahayd mid ku qabsoontay nabad, xor ah oo ku dhacday si caddaalad ah.

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystey doorashadii madaxweynenimada ee Jamhuuriyadda Somaliland. Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Murashax Muuse Biixi uu helay 55 boqolkiiba, hallka uu 40 boqolkiiba helay Murashax Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdullaahi oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.
Sidoo Kale Murashax Faysal Cali Waraabe oo ka tirsan Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee (UCID), ayaa ku dhameysatay kaalinta saddexaad iyadoo uu helay ku dhawaad 4 boqolkiiba codadka. Haddaba markii lagu dhawaaqey hogaamiyaha shanta sano ee socota Somaliland shookaanta u qaban doona ayaa sidii looga bartay mucaaridka Somaliland waxey si wanaagsan u aqbaleen natiijadii hordhaca aheyd ee uu koomiishanku ku dhawaaqey waxaaney jeediyeen labad hogaamiye ee xisbiyada mucaaridku qudbad taariikhiya waxaaney taageerayaashooda usoo jeediyeen in la aqbalo natiijada ay koomiishanku ku dhawaaqeen ilaaliyaana nabadgelyada iyo xasiloonida Somaliland ku naalooneyso, Doorashadan ayaa noqon doonto mid Somaliland ku kasbato sumcad iyo ictiraaf ay ka hesho wadamada caalamka ee daneeya dimuqraadiyada waxaaney yeelan doonta saaxiibo badan oo ka mid ah dunida waxaaney doorashadani aheyd mid isha ku hayeen wadamo badan Somaliland ka taageera dhinacyada horumarka iyo doorashooyinka , akhirkiina kusoo dhamaatey guul.

Qalinkii:- Ciise Cali Haybe

E-mail [email protected]

LATEST NEWS