-SIYAASAD-WADAAGA JEEGAANTA--

0
01 December 2017 17:34 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    -SIYAASAD-WADAAGA JEEGAANTA--

    -SIYAASAD-WADAAGA JEEGAANTA--

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-SIYAASAD-WADAAGA JEEGAANTA--

Bismillah......

--SIYAASAD-WADAAGA JEEGAANTA-- Q: Abdishakur Gande
===================================
--- Gar kudiid mise gardaro kuraac ---
--- Siyaasad u arag ama sir mood ---


Guuxa & dareenada isku gadaaman ee nin ba gees u guray oo garab ka gadooday & garab gallad u gartay, oo guluf colaadeed iyo guulo loogu kala gartay. Qaar gallad ka sheegay, qaar kale na ka gaagaxoo waxay gocdeen ba gabogabadii ganafka dare. Gar & gardaro miday tahayba nabad gilgilantay oo colaadihi sokeeye gudhay markale gadhka lasoo kici gaadh intay balaayo giirka iskasoo kicisay qaranka galaafan gaadhay se shacabka gidigii gees nabadeed isku wada garabsay. Gabogabo & gunaanad, gayigu waa nabad. Sadex baa rag golle iskugu keene: gu" , gadh iyo garraad. Se anigu gar waxaan ku goynayaa:



■ Abid waa la'is garabsadaa: gaashaan-buur, waa garabyo ciidano col iyo guluf ka awood badan iska garabsada.

■ Abid waa la'is xulufaysta: oo xariif kaa xeelado badan xal lagaga guulaysto xeer lagaga badiyo xulufo laga samaystaa.

■ Abid waa la'is baahaystaa: oo hadii dhinacyo laga badiyo tartan, dagaal iwm way isbahaystaan dhinacyada laga badiyaa si'ay u hantaan libinta.
■ Abid waa midoobaa: oo dan wadaag arin iwm lamida ku midoobaa la moqdaa.

Isku tagyadaasi iyo arimaha caynkaasi waa wax dunida oo dhan ka jira waxaana kuu cadaynaya luuqadaha aduunka, waa na tabaha badanaa guusha lagu kala hanto sida ururada, dhaqamada, ciidamada, dhaqalaha, jinsiyadaha, siyaasadaha iwm.

Tan iyo lixdamaadkii, oo aynu somali-wayn kamid ahayn soomali oo dhan waxay ahaayeen kuwo kukala guulaysta iskaashi gaar'ahaan siyaasadeenu si'ay ukala guulaysato waxay salka ku haysay is-xulufaysi, garab-saar, is-baahaysi iwm oo lagusoo kala guulaystay taariikhdu na dhigayso inay dhinacyo badan midaysay xataa ay tiraabto reero ay samaysay oo ay magac wadaajisay qaarna kala irdhaysay.

Somalilaan xiligay ahayd waqooyiga isbaahaysigii ugu waynaa wuxuu ahaa midawgii Gadabuursi ee Dhulbahante (USP) kaasoo iska bahaysta ood-wadaagii Isaaq ee aqlabiyada waqooyi lahaa

Dantii la doonna ba halagu qabo oo ujeedadii la doonno ba ha loo samaystee waxaa la sheegaa in midawga (JEEGAANTA) Habar-awal & Habar-jeclo la aas'aasay kontomaadkii kaaso maanta ujeedadiisu u muuqato in la iska bahaystay Cududa Habaryoonis & Ciidagale (Garxajis) oo ah garabka ama reerka ka dhiidhinaya xulufada (Jeegaanta) una nisbaynaya sirta doorashada 2017 oo danta jeegaanta midaysayna tahay hogaaminta iyo talada dalka.

Marlay dalka somalilaan wuxu kudhismay heshiisyo reerro sidaadarteed sinaba dhismaha dalku ugama madhna qabiilaysi waayo qabiilo ayaa ba wax lagu qaybsadaa.

Doorashadii 2010 beelaha Garxajis badankii waxay doorteen kulmiye oo misana ay ku magacaabayeen inuu leeyahay shuraako waa (Hagbad)-ii ay sheegeen in sacad-muuse gacanta danbe leeyahay oo muuse biixi la dooranayo lakiin taasi gadaal bay ka garteen.

Mid baanay goortaa seegeen waana sirta ilaa imika la garan laayahay!!!

Dalkan waxaa doorasho madaxwayne gali kara beelaha codkoogu korka udhaafo boqol kun sida: Habar-jeclo, Habaryoonis, Habar-Away iyo Gadabuursi oo hal murashax kumidooba, hadaba marka labo min boqolay ahi dhinac kumidoobaan waa SIYAASAD-WADAAG guusha u dhaw ee ma aha xaaraan cad ee waa mid iska caabinteeda u baahan qorshe diciifiyo sida garab kaloo boqolay ah oo la'iskaga caabiyo kaaso ku haboona Garxajis ama habaryoonis oo 2010 codka siin lahayd daahir riyaale oo ay ku midaysnaayeen boqolaydii afaraad ee dalka gadabuursi.

Diidmo qayaxan oo jeegaanta diid ahi ma aha gar laga garaabi karo gidigeen baa reero ah, sikaste ha ahaate godod kaloo libinta lagaga heli karaa badan ee yaan sirta la garan waayin gobanimada na la garan waayin hadii la goobo marbaa la gaadhine.

NINKA LA HOGAAMIN KARAA WAX HOGAAMIM KARA. (hogaamiyuhu waa ninka hogaansami kara)

Docda kale jeegaanta lafteedu jihooyin kaloo jiritaankeega guul ku jiheeya iyo qorshayaal bay uu jeelan tahay.

Abdishakur Gande
[email protected]
0634200882 ---- 0634454882
Hargaysa, maroodijeex somalilaan.

LATEST NEWS