Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?? By: Cali Xaruuri

0
04 December 2017 14:11 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?? By: Cali Xaruuri

    Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?? By: Cali Xaruuri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?? By: Cali Xaruuri Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilliga ololaha doorashada (campaign season ).


Waa wax ilaahay loogu mahadiyo ahin aynu haysanno nabad iyo xasilooni aanay haysan dalal badan oo jaarkeenna ah,iyo Dimuqraadiyad aynu kaga tashanno Aayaheenna oo aan ku soo xulan karno Madaxda Hoggaanka Dalka, taas ooaanay haysan waddammo badan oo qaaraddeenna ama adduunka saddexaad ka mid ahi.

13 November 2017, waxa inoo qabsoontay doorasho taariikhi ooxambaarsanayd qodobbo muhiim ah:

-inMarkii ugu horreysaysomalilandla iska diiwangeliyo, laga ololeeyey laganacodeeyo dhul aanay hore doorashado uga dhici jirin.

- inMarkii ugu horreysay Madaxtooyada uu isu soo taago murashax ka soo jeeda Gobolada Bari oo uu Xisbiga UCID Madaxweyne ku-xigeen uga tartamo.

- lagu codeeyo Hannaan casri ah ooaan lagunoq-noqon karin codeynta.

- iyo ugu dambeyn iyadoo




siNabadgelyo ahinoogu dhacday.

 

Waxa Xusid mudan in Cadowga Somaliland ay saadaalinayeen oo ay jeclaayeen in aynu isku dhacno oo iskaga hornimaadno.Waxay lahaayeen "way is dilayaan oo waa lagu kala tegeyaa”. May noqon oo ilaahay kama dhigin".

Rag uu ka dhexeeyo geel,

Hadduu kala geeyo damac,

Waxaa isu gaysa dane,
Allow garansii nin moog!

Waxay hilmaansanaayeen Dimuqraadiyada Somaliland in ay tahay mid guun ah (gaamurtay)ooka soo unkantayururkii halgankaSNM (ooahaa Jabhadda Dimuqraadi ah)taasoo ay soo mareen amaiskaga dambeeyeen5 guddoomiyeoodhammaantood ku wada yimidqaab doorasho dimuqraadiah.

Doorashadani 2017waxay noqotay midindhihii Caalamka soo jiidatay, waxana Somaliland lagu tilmaamaySIRAADKA AFRIKA.Waxayna Somaliland noqotay mid la majeerto oo Role Model u noqon doonta gobolkan aynu ku nool nahay, Afrikana uga muuqata sidaUBAX meel abaar ah ka baxay uu u muuq dheer yahay.

Waxaa quruxda doorashada sii bila, Madaxweyne Siilaanyo oo ah (a popular president) oo isagoon doorasho lagaga adkaan, sharciguna u ogol yahay in uumar labaad sii tartamo uu isgu ikhtiyaarkiisa uga degay xukunka, halka madaxda waddamada qaar kursiga ku dheggan yihiin lagana rogi la’yahay.

Runtiiqaabkiidiiwaan gelinta codbixiyayaasha, hannaankii olalaha doorashada, dooddii Tv-ga ee murashaxiinta iyohabkii codbixinta intubawaxay u dhaceen oo inoogudhammaadeenjabwi wacan ooilbaxnimo,bisayl siyaasadeediyo isu dulqaadasho leh.

Kursigu laba ma qaadee mid baa la iska qeybshaa,

horaa loo yidhi(Gari laba nin ma wada raacdo)

Hase yeeshee go'aankii natiijada codbixinta doorashda waxa saluug ka muujiyey Xisbiga Waddani inkastoo uu markii dambe tanaasulay oo aanu wax dacwad ah u gudbinin Maxkamadda Sare oo iyadu natiijada Rasmiga ahayd ama kama dambaysta ahaydku dawaaqday.

Adoo wax ka gaws qabsaday
Mar baa gefka loo liqaa

Inaan danta guud murkacan

Waa dabciga dimuqraadiyada inbulshadu qeybsanto xilliga ololahadoorashada(campaign season ).Waxase ugub ahayd ooxummadda iyo xaraaradda doorashada kor u qaaday Madax-dhaqameedkii dhex boodayeyee aadka uga dhexmuuqdayololahaha doorashada,kuwaas oo dhabqiyey milligiii iyo macnihii doorashada, muujiyayna sawir ka duwan kii Xisbiyada oo aad mooddaysay in Qabaa’ilo ay tartamayaan.

Waxa habboon wixii khaladaad farsamo ah ee dhacay in guddida doorashooyinka iyo Akadamiyada nabaddu ay ka diyaariyaan Warbixin rasmi si waayo aragnimo iyo cashar looga barto isla markaan xeer looga soo saaro.

waxaa la yidhi doqonimeel lagu xafiiltamayin lagu kala tegay mooddaa

(Hiirtaanyo xasuuste walaal ma xidhiidhsho)

Ha giijin xadhkaa ha jarin!
Ha goyn waxa laysku yahay
Magliga gacan loola baxay
Gudaha uma dhaadhacdee
Ha gaadhin laftoo ha jabin
Afkaagana godob ka dhowr!

Haatan iyo gababowaaMas’uuliyad Wadareed (collective Responsibiliy)in guud ahaan Murashaxiintii, gaar ahaanMadaxweynaha la doortayka shaqeeyaan wadajirka iyomideeynta ummaddaiyosidii loo tirtiri lahaa xanaftii iyo xagtimihii tartanka doorashadu keentay.Run ahaantii waa arrin u baahan in

si dhab ah ay uga wada-hadlaan isla markaana uga wada-hawlgalaan hoggaamiyayaasha Xisbiyada qaranka.Madaxweynaha cusub waa inuu maanka ku hayaa inkuwii u codeeyey,kuwii ka codeeyey iyo kuwii aan codeyn intabauu isagu Madaxweyne u yahay.

Gedday tahay dheesha taal

Inuu hebel guul heliyo
Inuu gudbiwaayo hebel
Galaasku halkaa ma yaal
Nimaan garanoow u toos!

Wa billaahi tawfiiq

Somaliland Guul iyo Gobanimo

Cali Xaruuri

Holland

e-mail [email protected]

LATEST NEWS