Madaxwayne kuxigeenka JSL (Eng Saylici) Mar Labaad Buu Kulmiye U Horseeday Guusha Doorashada ( Abdishakur Gande )

0
05 December 2017 14:12 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne kuxigeenka JSL (Eng Saylici) Mar Labaad Buu Kulmiye U Horseeday Guusha Doorashada ( Abdishakur Gande )

    Madaxwayne kuxigeenka JSL (Eng Saylici) Mar Labaad Buu Kulmiye U Horseeday Guusha Doorashada ( Abdishakur Gande )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne kuxigeenka JSL (Eng Saylici) Mar Labaad Buu Kulmiye U Horseeday Guusha Doorashada ( Abdishakur Gande )

BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM.
Qalinkii: Abdishakur Gande.

Madaxwayne ku xigaanka JSL mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Shire (Saylici), waa madaxwayne ku xigaanka kaliyee labo jeer kuguulaysty kursiga madaxwynenimo, waa murashaxi madaxwayne kuxigen xisbiga kulmiye uhorseeday guul doorashadii madaxtooye 2010 xiligaasoo ahayd markii koowaad ee kursiga uu ku tartamo isagoo xiligaa kamida ahaa tobankii qof ee u saamaynta wanaagsanaa dalka ahaana shakhsiyaadkii ugu wax qabadka badnaa dalka khaasatan gobalka awdal oo uu kadhex tilmaamna.


2015 isagoo ah madaxwayne kuxigeenka dalka wuxuu markale isku taagay oo jagada golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ku guulaystay tartankii murashaxa jagada madaxwayne kuxigeen rabi na wuu ku guuleeyay...
doorashadi xiligaa ku beegnayd oo mudo labo sano ah dib udhac kuyimi waxaa suuro gashay inuu isla jagadaa xisbiga kulmiye ugu tartamo 2017 doorashada madaxwayne kuxigeen ee jsl isagoo wata sumcadiisii hore ee ku dhigan sooyaalkiisii nololeed ee ku suntan waxqabad horumar oo lataaban karo, horseed dawladnimo, shakhsiyad wanaagsan & qofnimo sharaf & haybad hogaamineed leh oo uu ku darsaday ama dadku wada bartay himiladiisa u taagan halganka qarinamada somalilaan oo horumarsan oo gaadha heegada usarayse hadafka shacabka somalilaan yahay iyo hamashada aqoonsi ayuu markale ku adkaystay hogaaminta shacabkiisa u heelan horumarka.

Cabdiraxmaan Saylici wuxuu madaxwayne kuxigeen soo ahaa mudo todoba sano ah isagoo hore ugasoo muuqday dib udhiska qaranka iyo soo taabo galinta halka maanta aynu taagan nahay ee aynu duruufaha adag kagasoo gudubnay iskaashiga. Ayuu madaxwayne ku xigaanku mudo xileedkiisi 2010-2017 hogaamintiisii ku muujiyay lexlajeclo qaran iyo halgan dhab ah taasi ma waa sababta uu markale ugu noqday furaha guusha kulmiye.

Xili shacabka somalilaan u qaybsan yahay beelo ku dhisan haybo & dhaqan oo dalku isku haysto ama ay jiraan Khilaafyo ku salaysan saami qaybsi kiraas (xilal xukuumadeed) ayuu noqday masuulkii ugu horeeye ree laas-caanood (Sool) iyo guud ahaan beelaha "Harti" Khaasatan ugu baaqay in ay dalka somalilaan ee ay qaybta ka yihiin u hagar baxaan halganka loogu jiro taabagalinta horumarka & madaxbanaanida qaranimada somalilaan. isagoo in badan isku hawlay kuna guulaystay in uu beeshaa Harti saamigooga xileed bixiyo wuxuu xiligaa goob fagaare ah oo looga dabaal degayay munaasibada "18ka May" ku balan qaaday "Tabashadoodu, xataa haday tahay in ay kursigiisa fadhiistaan inuu ku garab galayo" taasi waa arintii keentay inuu golaha dhexe xisbiga kuladhex tartamo Wasiir Xaglatoosiye oo ahaa wasiir xukuumadiisa katirsan oo mudo xileedkiisi ku yimi siyaasadiisii kulmiye nabadaynta gobalada bari kadib tartankii xalaasha ahaa ee libintu raacday Cabdiraxman Saylici waxaa sitoosa ubarbar istaagay wasiir Xaglatoosiye iyo beeshiisii sool oo madaxwayne kuxigeenka ku raacay saamayntiisii wanaagsanayd, hogaamintiisii cadaalada ahayd & baaqiisii nabadeed ee meelmaray iskusooduuboo gobalka sool wuxuu doortay kulmiye isagoo ku garab galay waxqabadkii xisbiga ee Cabdiraxman Saylici markale murashaxa jagada madaxwayne kuxigeen utaagnaa.

Madaxwayne kuxigeenka jsl, mudo-xileedkiisi hore waxyaabuhuu sida gaarka ah usoo maamulay waxaa kamid ahaa mashruuca ay kumidoobeen dawladaha hoose ee dalku "Join Program Local Government" (JPLG) mashruucaasi waa mashruuca horumarka ugu balaadhan dalka unoqday mudo-xileedkii tegay ee kulmiye waa na midka ugu balaadhan ee xisbigu codka u badan ku helay markaad eegto meelaha kulmiye codadkii ugu badnaa kahelay taasi waxay kutimi maamul wanaagiisii & qorshe siyaasadeedkiisi xisbinimo oo shacabku doorashadii codkooga doorasho ku salaynayeen waxqabad.

Dhalinyarada iyo haweenka oo ah cod-bixiyayaasha ugu badan ee dalku waxay il-gaara ku hayeen guusha iyo soobaxa madaxwayne kuxigeenka waayo waxay hore u arkeen in da'yartu ka muuqato xubnaha siyaasadeed ee xukuumada & xilalka sarsare (Political figures) ee dalka sidaadarteed si'ay uga qayb qaataan ugana muuqdaan tallada dalka waxay codkoogii siiyeen Cabdiraxman Saylici iyo xisbigiisa kulmiye oo ay ugarteen hogaaminta talada dalka.

FG: bal iswaydii!!!
1-▶ Xisbiga kulmiye C/raxmaan Saylici (madaxwayne kuxigeenka JSL) hortii miyuu guulaysay?
2-▶ Isbedel intee leeg buu gaadhay intuu tartanka soogalin C/raxmaan Saylici?

LA SOCO...... ▶▶▶▶

Abdishakur Gande
[email protected]
634200882 ■ 634454882
Hargaysa, marodijeex somalilaan.
Goorta maqaalka: 19/Nov/2017

LATEST NEWS