[Wararka Caalamka] Qof Noocee Ah Ayuu Ahaa Cali Cabdale Saalax Iyo Taarikhdiisa Oo Laga Sheekeeyay

0
06 December 2017 08:18 in Wararkii Maanta by Head Office
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Wararka Caalamka] Qof Noocee Ah Ayuu Ahaa Cali Cabdale Saalax Iyo Taarikhdiisa Oo Laga Sheekeeyay

    Hargaysa (Karin) Qof Noocee Ah Ayuu Ahaa Cali Cabdale Saalax Iyo Taarikhdiisa Oo Laga Sheekeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (Karin) Qof Noocee Ah Ayuu Ahaa Cali Cabdale Saalax Iyo Taarikhdiisa Oo Laga Sheekeeyay

Musuqmaasuq baahay ayaa gacan ka gaystay in ay sare u kacdo saboolnimadu intii uu talada hayay, bishii Luulyo ee 2005tiina tobanaan ruux ayaa la dilay ka dib markii ay dhaceen mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday dawladda oo joojisay qiimihii ay ku kabi jirtay sicirka shidaalka.

Saalax ayaa mar kale loo dhaariyay xafiiska bishii Sabtembar ee 2006dii ka dib markii uu helay 77% ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Laakiin markii uu ku guuldarraysatay in uu keeno isbadalladii dhaqaale iyo kuwii siyaasadeed ee aadka loogu baahnaa ayay Yemen ku sii bateen dadka mucaaradka ah.

Mudaaharaaadyo waawayn oo caan noqday oo ay sii huriyeen kuwii ka dhacay Masar iyo Tunuusiya ayaa ku qasbay in uu ku dhawaaqo in uusan isu soo taagi doonin doorashadii 2013kii.

Xil kadagistii Saalax

Markii uu ka laabtay ballanqaadkii bishii May ee 2011 oo uu sheegay in uusan is casilaynin dibad baxyo hor leh ayaa billawday.

Bil ka dibna si xun ayuu u dhaawacmay ka dib markii la weeraray madaxtooyada.

Ka dib markii Saalax lagu soo daweeyay Maraykanka wuxuu Yemen dib ugu soo laabtay bishii Feebaraayo ee 2012kii dibad baxyo hor leh ayaana billawday.

Bishii Feebaraayana 27keediina si rasmi ah ayuu madaxweyne ku xigeenkiisii Cabdrabbah Mansour Hadi ugu wareejiyay awoodda, ugu dambaynna wuu is casilay.

Xataa markii uu xilka ka dagay sawirrada Saalax wali caan ayay ka ahaayeen wadooyinka YemenLahaanshaha sawirkaEUROPEAN PHOTOPRESS AGENCY
Image captionXataa markii uu xilka ka dagay sawirrada Saalax wali caan ayay ka ahaayeen wadooyinka Yemen


Wixii 2014kii ka dambeey Saalax iyo ciidammadii daacadda u ahaa waxay taageereen jabhadaha Xuutiyiinta ah kuwaas oo qabsaday magaalada Sanca madaxweyne Hadi-na ku qasbay in uu Sacuudiga u firxado.

Xulafadan isu haboonida darnaa ayaa dagaaal la galay Sucuudiga iyo xulafadiisa oo qorshahoodu ahaa in ay dib u soo celiyaan madaxweyne Hadi, balse dagaalkaas ayaa burbur baax leh u gaystay Yemen sannadkii 2015kii.

Si kastaba ha ahaatee Saalax waxaa dilay xulafadii hore ka dib dagaal maalmo socday oo dhex maray Xuutiyiinta iyo ciidammadii daacadda u ahaa.


LATEST NEWS