[Halkan Ka Eeg]:- Labo Nin Oo Marwada Koobaad Ee Venezuela Eedo U Tahay Oo Maraykanka Ku Xukumay 18 Sano Iyo Falalka ay Ka Gaysteen Maraykanka

0
Friday 15th December 2017 10:56:11 in Wararkii Maanta by Xafiiska Sare
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Halkan Ka Eeg]:- Labo Nin Oo Marwada Koobaad Ee Venezuela Eedo U Tahay Oo Maraykanka Ku Xukumay 18 Sano Iyo Falalka ay Ka Gaysteen Maraykanka

    [Halkan Ka Eeg]:- Labo Nin Oo Marwada Koobaad Ee Venezuela Eedo U Tahay Oo Maraykanka Ku Xukumay 18 Sano Iyo Falalka ay Ka Gaysteen Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Halkan Ka Eeg]:- Labo Nin Oo Marwada Koobaad Ee Venezuela Eedo U Tahay Oo Maraykanka Ku Xukumay 18 Sano Iyo Falalka ay Ka Gaysteen Maraykanka

Labo nin oo ay eeddo u tahay xaaska madaxweynaha Venezuela ayaa lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah oo ay Maraykanka ku qaadan doonaan ka dib markii lagu helay in ay si sharcidarro ah maandooriye uga ganacsanayeen.

Franqui Francisco Flores de Freitas oo 32 jir ah, iyo Efraín Antonio Campo Flores oo 31 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay maleegayeen sidii Maraykanka lagu galin lahaa 800kg oo ah maandooriyaha cocaine.

Raggan waxaa eeddo u ah Cilia Flores oo ah xaaska madaxweyne Nicolás Maduro.

Labadan nin ayaa lagu xiray Haiti sannadkii 2015kii.

Venezuela ayaana Maraykanka ku eedaysay in uu afduubtay labada nin uuna qorshahan u maleegay si uu wax ugu dhimo xukuumadda Maduro.

Raggan Maraykanka lagu xukumay waxaa eeddo u ah Cilia Flores xaaska madaxweyne MaduroLahaanshaha sawirkaGETTY
Image captionRaggan Maraykanka lagu xukumay waxaa eeddo u ah Cilia Flores xaaska madaxweyne Maduro

Flores ayaa ka mid ah guddi awood badan oo Venezuela ka dhisan, waxayna afhayeen ka soo noqotay Baarlamaanka qaranka intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2011kii.

Arrintan ayaa sii xumaynaysa calaaqaadka labada dal oo aan markii horeba wanaagsanayn.

xigasho bbc
LATEST NEWS