Qorshaynta mustaqbalka fog !

0
03 January 2018 09:23 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaynta mustaqbalka fog !

    Qorshaynta mustaqbalka fog !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshaynta mustaqbalka fog !

Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu ka tallowsan yahay waxa muuqda.

Culuumta aadka u xiisaha badan ee maanta xarumaha qorshaynta iyo horumarinta bulshooyinka lagu diraaseeyo waxa ka mid ah cilmiga la yidhaahdo: Diraasaynta Mustaqbalka (Future Studies or Futurologies).

Diraasaynta mustaqbalka iyo ku talogalka dhacdooyinkiisu waa dhaqan Aadanaha abuurkiisa la soo bilaabmay, sidoo kale waa dhaqan ay la wadaagaan xayawaanada qaarkood, kuwaasoo saadaasha hawada iyo xaaladaha la xidhiidha lagu ilhaamiyo(loo bidhaamiyo), ka dibna ku talogala kaydka nololeed ee ay ku gaadhi karaan xilli roobaadka danbe.

Hase yeeshee, in ku talogalka mustaqbalka cilmi ahaan loo aqoonsadaa waa wax adduunka ku cusub marka culuumta kale loo eego.

Waxa la sheegaa ciddii ugu horreysay ee cilmi sidiisa u madax bannaan ku sheegtaa in uu ahaa taariikh yaqaan Ingiriis ah oo la odhan jirey; Herbert George Wells (1866 – 1946), waxa uu qoray 1902 buug yar oo uu ku magacaabay; "The Discovery of The Future” ([1]).

Sidaas oo kale ciddii ugu horreysay ee u bixisa magacan (Futurology), oo macnihiisu yahay diraasaynta mustaqbalka, cilmi ahaanna u adeegsata 1943 kii, waxa lagu sheegaa aqoon yahan asalkiisu Jarmal ahaa, hase yeeshee Maraykanka uga cararay taliskii Naasiga ee Hitlar sannadkii 1935, kaas oo lagu magacaabi jirey Ossip Kurt Flechtheim (1909 – 1998)([2]).

Cilmigani waxa uu la walaal yahay cilmiga qorsheynta (Planning), mana kala maarmaan.

Qorshayaasha dawladaha iyo shirkadaha waaweyn ee mustaqbalka waxa loo qaybiyaa qorshe dhow (Short - Term Planning), qorshe dhexe (Medium - range Planning) iyo qorshe dheer (Long - range Planning).

Qorshaha dhowi waa hal sanno iyo wax ka yar, qorshaha dhexena waa 1-5 sannadood, halka qorshaha dheeri ka bilaabmo 5 sanno iyo wixii ka badan oo laga yaabo in uu boqollaal sanno gaadho, taas oo ku xidhan hadba awoodda qorsheynta iyo aragtida qorshe dejiyayaasha.

Ummaduhu hadba sida ay u kala qorsheyn fiican yihiin, una kala aragti fog yihiin ayay u kala horreeyaan.

Maanta Muslimka badankiisu waxa ay ka mid yihiin dadyowga dunidan ugu danbeeya, sababtuna waa qorshe la'aanta iyo aragti dhowaanta.

Dhab ahaan waxa ay ahayd in ay dunida ugu aragti fogaadaan uguna qorshe dheeraadaan, maxaa yeelay? Quraanka iyo Axaadiista Nebiga in badan oo ka mid ahi waxa ay ka warramaan Aakhiro, waxa aanay boorrisaa in mustaqbalkaa fog loo qorsheysto oo lagu talogallo.

Aakhiro oo keliya ma aha, ee adduunyada lafteed in la cammiro oo loo qorsheysto mustaqbalkeedu waa wax ku badan nusuusta Quraanka iyo Axaadiista Nebiga –scw-.

Labadan cilmi laftooda ayaaba run ahaantii aynnu Quraanka ka soo helaynaa haddaynnu u fiirfiirsanno.

Tusaale ahaan, suuradda Annamli, waxa ku jirta qiso layaab badan oo ka warramaysa Nebi Saleebaan –cs- Aadahaya 15-44aad.

Qisadaas waxa ka mid ah, in uu Nebi Saleebaan ciidankiisa oo ka koobnaa Insi, Jin iyo Shimbiro, kormeer ku sameeyey, ka dibna waxa uu ka dhex arki waayay shimbirka la yidhaahdo Guuguulaha (Hud’hud), kolkaasuu yidhi: "Guuguulihii ma arkayo ee miyuu maqan yahay? Waan ciqaabi doonaa ciqaab daran ama waxa uu la iman doonaa xujo cad oo uu ku maqnaa”.

Waxyar ka dibba waxa yimi shimbirkii, waxaanu sheegay in uu sameeyey cilmibaadhis baaxad leh, oo uu soo helay boqortooyo ay gabadhi u taliso, waxa uu warbixin buuxda ka bixiyey, boqortooyadaas iyo maamulkeeda, dhaqaalaheeda iyo dadkaas diintooda iyo caqiidadooda.

Waxa uu ka calaacalay diin xumadooda, isaga oo sababeeyey waxa halkaas gaadhsiiyey.

Waxa uu warbixintiisa ku sheegay in aanay sidii u fiicnaan lahayd yeelin, oo halkii ay Alle caabudi lahaayeen ay cadceedda caabudaan.

Mustaqbalka marka laga hadlayo waxa loo qaybiyaa saddex nooc:

1-Mustaqbal la filayo.

2-Mustaqbal la jecelyahay

3-Mustabal suuraggal ah.

Shimbirka Hud’hudku halkan tirsiga 1aad iyo kan 2aad ayuu sheegay, oo waxa uu ka warramay xaaladda ay ku sugan yihiin, isla jeerkaasna ku sii sugnaan doonaan sida la filayo, sidoo kale waxa uu ka warramay sida uu jeclaan lahaa in uu mustaqbalkoodu noqdo.

Intaa markuu sheegay ayuu Nebi Saleebaanna warkii Hud’hudka ku dhisay qorshe Istiraatiiji ah oo uu boqortooyadaas mustaqbalkeeda kaga dhigayo mid suuraggal ah, oo hanuunsan, waa tirsiga 3aad e.

Taa macnaheedu waxa weeye mustaqbalkaagu sidaad jeceshahay iska noqon maayo, haddaanad qorshe aad ku saxayso la imannin, isla markaana aanad gelin feker iyo hawl, mana jiro mustaqbal ka muhiimsan mustaqbalka Aakhiro, isla markaana uga baahi badan ku talogal iyo qorshayn.

 

Buugga "Halbeeg, Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka”

Bogagga: 286-291

Qoraagga Buugga: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)

Email: [email protected]

 



[1] - بحث لكاتبة: منى وليد، باسم: الدراسات المستقبلية: بحثا عن آفاق مغايرة - http://www.misrelmahrosa.gov.eg/NewsD.aspx?id=201

[2] - Building a Scenario in the Light of Futurology, Mohamed J. Jarihi; http://staff.du.edu.eg/upfilestaff/789/researches/3789_1466413258__.pdf


LATEST NEWS