Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Wuxuu Qaaday dhabbihii Horumarka ee Loo Jeellanaa!!!!

0
Saturday 6th January 2018 11:35:34 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Wuxuu Qaaday dhabbihii Horumarka ee Loo Jeellanaa!!!!

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Wuxuu Qaaday dhabbihii Horumarka ee Loo Jeellanaa!!!!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Wuxuu Qaaday dhabbihii Horumarka ee Loo Jeellanaa!!!!!!

Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay gacanta ku haysaa isla markaana maamushaa dhaqaalaha dowlada,canshuuraha,laga qaado bulshada iyo kharashka wadanka. Intaas waxaa dheer, wasaaradani waxay masuul ka tahay habaynta, dejinta iyo diyaarintasiyaasada dhaqaalaha iyo maamulka miisaaniyadadowlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaarada maaliyadu waa halbawlaha uu qaranku ku horumaro ama uu ka dib dhaco,waa Miqyaaska laga cabbiro kor u kaca ama hoos u dhaca qaranka,waa Muraayadda qarankan u jihaysa dhabaha horumarka iyo horu-socodka hadii ay ku dadaasho illaalinta iyo dabargoynta musuqmaasuqa iyadoo si wada jira u kaashanaysa haayada dawliga ah.

Sidaynu ka wada dheragsanahay waxa dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay Wasaaradda Maaliyadda Jsl,Wasiir Yuusuf oo ah dhalinyarada aqoon-yahanka ah ee sida fog ugu xeel dheer nidaamka Maaliyadeed(puplic finace), isagoo waayo-aragnimo badna u leh Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqqadeedaba.Haddaba dhawaan Markii uu wasiirka cusub xilka la wareegayay waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Horumarin ballaadhan ku samayn doono Wasaaradda Maaliyadda,waqtigan oo ay taagantahay sixir-barar,xadhkaha goostay musuq-maasuq iyo wax is daba marin,waxa uu wasiirku kaga dhawajiyay inuu xiddidada u saari doono musuq maasuqa lanna dagaalami doono,sidoo kale shaqalaha wasaaraddana ku Maamuli doono nidaamka ah sarraynta sharciga (Right person,right posion),waxaana qorshihiisii ugu horreyay (first plan strategy) Waxaana Haddaladiisii ka mid ahaa.

üWaxayanu Hirgalin doona,barnaamijka dib u habaynta maaliyada(puplic financial management)

üSarraynta sahrciga, iyo is texgelinta sida loo laka sarreyo nidaamkeenu wuxuu dhisnaan doonaa wada shaqayn Isla xisabtan daahfurnan yo is daba gal.

üWaxaynu ku shaqayn doonaa inany xulno ururino dadka aqoonta leh.

üNidaamka Maaliyadda waxaynu ku sallayn doonaa Hab raaca maaliyada (Capital and performance budgeting).

üWasaaradda maaliyada waxaynu samayn doonoo (physical policy),Bangigana aynu ku samayno (Monitoring policy) si aynu ulla dagaalano sixir bararka.

üWaxaynu la dagaalami doono sixir bararka(infilation).

 

 

Haddaba si loo suurtagliyo qorshayaashii uu wasiirka cusub ku dhawaqay Islamarkaana isku-shaandhayn ballaadhan ku sameeyay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda,isagoo soo xushay shakhsiyaadkii ugu habboonaa ee suurta gelin lahaa,qoryaasha wasaaradda Maaliyadda waxa wasiirka maaliyaddu Magacaabay Agaasimyaashay iyagoo lagu tilmaamay shakhsiyaadkii ugu habboonaa shaqada maaliyadda.

Idiris Xasan Diiriye, Agaasimaha Waaxda Kastamaha

2- Asad Maxamed Maxamuud Faarax, Agaasimaha Waaxda Maamulka

3- Xuseen Xasan Cabdi, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Maamulka

4- Daa'uud Siciid Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta

5- Xamse Cabdiqaadir Sheekh Xuseen Agaasime ku-xigeenka Waaxda Qorsheynta

6- Bahja Xasan Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha

7- Maxamed Axmed Wayrax Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Shaqaalaha

8- Cabdirakariin Ibraahim Saleebaan, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda

9- Cali Sheekh Axmed Sheekh Cali, Agaasime Waaxda Miisaaniyadda

10- Kayse Axmed Cismaan, Madaxa Hanti dhawrka guddaha

11- Xasan Cabdi Yuusuf, Madax Arkiifiyada

12- Khadar Maxamed Cabdi, La Taliyaha Wasiirka ee Arrimaha Hanti Dhawrka Guddaha

13- Maxamed Axmed Ducaale, La Taliyaha Wasiirka ee Arrimaha Kastamada

 

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf wuxuu qaaday dhabbihii loo jeellanaa,waxaanu cagta saaray waddadii horumarka.

 

Cabdi Ahmed

Hargeisa Somaliland.

[email protected]


LATEST NEWS