Kurdiyiinta :- Boqolaal Sano Oo Dagaallo,fashilaado siyaasadeed Iyo Rabshado [War-Bixin cajiiba]

0
Saturday 6th January 2018 12:58:57 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kurdiyiinta :- Boqolaal Sano Oo Dagaallo,fashilaado siyaasadeed Iyo Rabshado [War-Bixin cajiiba]

    Kurdiyiinta :- Boqolaal Sano Oo Dagaallo,fashilaado siyaasadeed Iyo Rabshado [War-Bixino cajiiba]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kurdiyiinta :- Boqolaal Sano Oo Dagaallo,fashilaado siyaasadeed Iyo Rabshado [War-Bixino cajiiba]

Hargeysa (Karin)- Ugu yaraan markan waxa ay Kurdiyiintu ku guulaysteen in taageerada ay siiyeen reer galbeedka ay guul ku gaadhaan, waayo waxaa meesha ka baxay nidaamkii ay is hayeen ee Saddaam Xuseen, waxa aana jilbaha u dhacay guud ahaan dawladnimadii Ciraaq, taas oo ahayd fursad ay uga faa’idaysan karayeen in ay kaalin xooggan ku yeeshaan dalka Ciraaq.

Mar kale ayaa uu sannadkii 1994 kii dib u soo noqday dagaalkii u dhexeeyey Kurdiyiintu, waxa aana colaad hubaysan iskaga horyimi labadii garab ee Kurdiyiinta oo ay kala hoggaaminayeen Barasaani iyo Daalibaani. Dagaalkani waxa uu socday illaa sannadkii 2003 da markii uu bilowday dagaalkii ay Maraykanka iyo xulafadiisu ku qabsanayeen dalka Ciraaq. Mar kale ayaa ay Maraykanka iyo Kurdiyiintu isu soo dhowaadeen, waxa aanay ogolaadeen qorshe Maraykanku keenay oo ahaa in ay iyagu heshiiyaan kadibna horgale u noqdaan ciidamada huwanta ah. nasiibwanaaggooda markan Maraykanka iyo xulafadiisu waa ay guulaysteen, Saddaam Xuseen ayaa xukunkii laga tuuray, Maraykanka ayaana la wareegay taladii Ciraaq, taasi waxa ay fursad u siisay Kurdiyiinta in ay dhulkooda maamul fiican ka dhistaan, isla markaana ciidamadoodi u dhaqaan sida ciidamada Qaranka kuna ilaaliyaan xuduudaha iyo ammaanka gudaha ee gobalka Kurdiyiinta Ciraaq. Sida oo kale waxa ay Kurdiyiintu noqdeen xoog siyaasi ah oo u midaysan dhacsashada xuquuqdooda siyaasiga ah ee ay ku leeyihiin dawladda dhexe ee Ciraaq.

Doorashooyinkii baarlamaanka ee dalka Ciraaq ka dhacay sannadkii 2005 waxa ay Kurdiyiintu ku guulaysteen 77 kursi oo boqolkiiba 23 ka noqonaya tirada guud ee baarlamanka Ciraaq oo ah 328. Labadii hoggaamiye ee garabyada Kurdiyiintu isu dilayeen ayaa iyaguna ka mid noqday madaxda ka faa’iday ridistii dawladdii Saddaam Xuseen, iyada oo uu Jalaal Daalibaani noqday madaxweynaha ku meelgaadhka ah ee dalka Ciraaq, halka uu Mascuud Barasaani noqday madaxweynaha Kurdistaanta Ciraaq oo noqday maamul gobaleed awood badan oo dawladda Ciraaq ka mid ahaa.

Mascuud Barasaani waxa uu dhisay maamul dawlad madaxbannaan u eeg oo ay u habradaan dhammaan xukuumadihii kala dambeeyey ee Ciraaq, sababtuna ay tahay, kuraasta Kurdiyiintu ku leeyihiin baarlamaanka iyo dhulka uu gacanta ku hayey ay ku yaallaan ceelasha saliidda ugu badan ee Ciraaq laga dhoofiyo.

Xidhiidhka Kurdistaan iyo Israa’iil

Xidhiidhka ay Kurdiyiinta Ciraaq la leeyihiin Israa’iil oo sida aynu hore u soo xusnay muddo dheer soo jiray, waxa ay si aad ah u sii xoogaysteen intii ka dambaysay sannadkii 1992 kii, oo ah markii ay Kurdiyiintu heleen ismaamulka. Kurdiyiintu waxa ay u baahnaayeen saaxiib la mid ah Israa’iil oo iyadu si badheedh ah mar kasta u sheegaysay in ay taageersan tahay, gooni isutaagga Kurdiyiinta Ciraaq.

Taageerada siyaasadda iyo milaterigaba leh ee ay Israa’iil siiso Kurdiyiinta Ciraaq, waxaa ay ku ilaashataa danaheeda dhaqaale iyo siyaasadeed, waxa ay ka dhigataa saaxiib dhow oo ay ku leedahay gobalka ay ku dhextaallo oo dhammaantii ay aad u kala fogaayeen. Boqolkiiba 75 shidaalka ay Israa’iil isticmaasho waxa ay ka soo dhoofsataa gobalka Kurdiyiinta Ciraaq. Tobannaan shirkadood oo Israa’iil laga leeyahay ayaa balaayiin doolar ku maalgashaday Kurdistaanta Ciraaq. Shirkadahaas ayaa u badan kuwo ay dawladdu leedahay ama xidhiidh fiican la leedahay, badankoodana waxaa maamula janaraallo kayd ah oo ka tirsan wakaaladda sirdoonka Israa’iil ee MOSSAD.

Kurdiyiintu si ay u gaadhaan riyadooda ah in ay yeeshaan dawlad u gaar ah, oo dhulka uu Alle ku dhaqay ay maamusha, waxa ay la xulafoobeen dawlado iyo quwado tiro badan, laakiin dhammaantood waa ay ku wacadfureen. Ingiriiska ayaa shan sano gudahood saddex jeer ku wacadfuray xilligii uu Kurdiyiinta hoggaaminayey Barasaanji. Midowga Soofiyati ayaa sannadkii 1946 kii ku wacadfuray. Waxa uu ku taageeray in ay dawlad kaga dhawaaqaan dhulka ay ku leeyihiin Ciraaq iyo Iraan, haddana iyaga iyo dhimasho ayaa uu u kala tegey kaddib markii uu heshiis shidaal oo u dan ah ka helay Iiraan. Midowga Soofiyati oo u jeeda ayaana la burburiyey dawladdii hoggaamiyaheediina la daldalay. Suuriya ayaa ku wacadfurtay sannadkii 1999 kii oo uu madaxweynihii xilligaas ee Xaafid Al-Asad Turkiga u dhiibay hoggaamiyihii ugu magaca dheeraa Kurdiyiinta oo isagu ahaa Kurdiyiinta Turkiga, Cabdalla Ujlaan. Xaafid Al-Asad ayaa hoggaamiyahan dhiibay kaddib markii uu Turkigu u sheegay in uu ciidamadiisa gelin doono Suuriya. Iiraan ayaa ku wacadfurtay oo inta ay Saddaam Xuseen heshiiskii Aljeeriya la gashay 1975 kii, faraha ka laabatay garabkii ay Kurdiyiinta siin jirtay. Maraykanka ayaa laba jeer cidlo kaga dhaqaaqay oo isaga oo arkaya Kurdiyiinta sun lagu xasuuqay deegaanka Xalabjah, ilaalintii uu u ballanqaadayna aanu u soo dirin.

 


LATEST NEWS