Taariikhda Af Soomaaliga. Qormadii 6 aad.

0
Wednesday 10th January 2018 10:14:25 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Af Soomaaliga. Qormadii 6 aad.

    Taariikhda Af Soomaaliga. Qormadii 6 aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda Af Soomaaliga. Qormadii 6 aad. Sidaas darteed, wax dhibaato ah lagalama kulmin inay xubnaha guddigu qoddobadaas ansaxiyaan, sababtoo ah midna ma garaneyn inay fartiisu gudbi


Dawladdu arrintaas wax siyaasad ah kama aysan lahayn, ee iska qas iyo nidaam daro un buu ahaa. Xubin kasta oo guddiga ka mid ah waxaa loo diyaariyey inuu qaato casharo ku saabsan qoraalka faraha, codeynta bilowga ah iyo hab –dhismeedka af Soomaaliga iyo codadka, iwm, si uu faraha u kala saaro, isagoo eegaya sida ay u waafaqsaaneyso farahaha casriga ah. Inta aan far kasta baadhitaan iyo deraasaad lagu sameynin, waxay guddigu ku heshiiyeen in 17 qoddob oo aasaasi ah in saldhig looga dhigo kala saaritaanka farahaas. Arrintaas waxaa loola jeeday inay adkaan lahayd in qoddobadaas lagu heshiiyo, haddii deraasaadka mar hore la sameeyo.




Waayo, taageerayaasha faraha kala duwani waxay ogaan lahaayeen meelaha farta ay taageersan yihiin ay ku liidato.
Sidaas darteed, wax dhibaato ah lagalama kulmin inay xubnaha guddigu qoddobadaas ansaxiyaan, sababtoo ah midna ma garaneyn inay fartiisu gudbi doonto iyo inay qoddobadan ku dhici doonto toona. Marka waxyaabaha kale laga reebo, farta aan mustaqbalka qaadan doono waa inay astaamahan soo socda leedahay:
Waa inay xuruuftu cod leedahay
Waa in qoraalka xurufteedu sahlan yahay
Waa in aysan lahayn calaamado gaar ah oo codka kala saara (diacritics)
Waa in aysan lahayn calaamado hal wax ka badan loo isticmaalo
Waa in aysan lahayn laba ama caalamado ka badan oo codadka keliya kala saara
Waa in aysan lahayn calaamado laftoodu cod u taagan ama leh
Waa inay leedahay qalabka wax lagu daabaco oo hada waddanka laga heli karo
Waa inay nidaamka Calaamadaha Caalamiga ah waafaqsan tahay
Waa inay habbeysan tahay (standarised)
Waa inay hab xuruufeed ku salleysan tahay
Waa inay dhaqaale ahaan loo awoodi karo
Waa in far la isku dardari karo lagu qori karo
Waa in aysan jirin wax la mid ah (unique)
Waa in lagu qori karaa dhammaan lahjadaha af Soomaaliga
Waa in aysan adkayn in dib u habbeyn lagu sameeyo
Waa in dugsiyada lagu dhigaa
Waa inay xuruufteedu leedahay cod joogta ah oo loo yeqaano (Linguistic Report, 1961, p. 11-12)
Kedib markii uu guddigu dersaad ku sameeyey far kasta wax ay ku fiican tahay iyo waxa ay ku liidato, guddigu waxay soo jeediyeen in farta Shire Jaamac ee "Laatiinka” ee dib-u-habbeynta lagu sameeyey inay tahay "tan ugu wanaagsan” iyo Kaddariya oo noqotey "tan labaad ee ugu wanaagsan”. Inta aan go’aanka la gaadhin waxaa guddigii iska casilay oo ka baxay Ibraahim Xaashi Maxamuud iyo Maxamuud Jaamac Afballax, sababtoo ah ma aysan taageersaneyn in af Soomaaliga farta Laatiinka lagu qoro. Waxaa booskoodii lagu beddelay rag kale.
Sidaas darteed, go’aankii ugu dambeeyey waxaa saxiixay:
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Guddoomiye
Shire Jaamac Axmed Guddoomiye Ku-xigeen
Xuseen Sheekh Axmed Xoghaynta Farshaxanka
Cali Sheekh Axmed Qutbi Xoghaynta Farshaxanka
Abuukar Joodaadex Xubin
Caddo Sheekh Cali Xubin
Arrimaha khuseeya dhinacyada siyaasada, diinta iyo bulshada waxaa loo daayey inay go’aan ka gaadhaan dawlada, golaha shacabka iyo dadweynaha (Linguistic Report, 1961).
LASOCO.
Qore: AXMED CISMAAN MAXAMED.
LATEST NEWS