[Halkan Ka Eeg ]:-Lawska Oo La Ogaadey Inuu Faa'iidooyin Caafimaad U Lee Yahay Maskaxda iyo Jidhka.

0
12 January 2018 09:23 in Wararkii Maanta by Xafiiska Sare
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Halkan Ka Eeg ]:-Lawska Oo La Ogaadey Inuu Faa'iidooyin Caafimaad U Lee Yahay Maskaxda iyo Jidhka.

    [Halkan Ka Eeg ]:-Lawska Oo La Ogaadey Inuu Faa'iidooyin Caafimaad U Lee Yahay Maskaxda iyo Jidhka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Halkan Ka Eeg ]:-Lawska Oo La Ogaadey Inuu Faa'iidooyin Caafimaad U Lee Yahay Maskaxda iyo Jidhka.


Khubarro caafimaad oo ka tirsan maxadka Health and Science Institute ee dalka Canada ayaa caddeeyey inay jiraan faa’iidooyin badan oo uu lee yahay lawsku , kaasi oo faa’ido u leh dhinacyada Maskaxda iyo jidhka.

Khubaraddan ayaa natiijadda ay soo saareen ku sheegay in faa’idada Lawsku ku xidhan tahay hadba sida uu u qaato ama u cuno qofka isticmaalaya Lawskaasi , waxaanay qoraal ay ku daabaceen wargeyska caafimaadka wax ka qora ee Health Eating in qofka oo Lawska maalin walba cunaa uu faa’iidooyin badan ka helo Lawska.

Culimadan ayaa sheegtay in qofka cuna maalintii 23 midh oo Laws ah uu noqdo mid hela nafaqo dheeli tiran, waxa kale oo uu sheegay in uu helo qofkaasi Vitamin E, Calcium, Magnesium iyo Potassium, sidoo kalena waxa laga helaa Protein iyo Gaska caloosha.

Dhinaca wadnaha ayay khubarraddu sheegeen in laga helo caafimaad badan, isaga oo yareeya khatarta wadne xanuunka , isaga oo badiya caafimaadka wadnaha, waxaana taas sabab u ah Magnesium badan oo ku jirta Lawskaasi.

Waxa kale oo uu ka dhigaa jidhka mid halkiisii taagan, waxaanu ilaalinayaa culayska jidhka qofka, iyada oo uu sidoo kalena hagaajiyo dheef shiidka caloosha , waxa kale oo uu meesha ka saaraa macaanka oo uu la dagaalamo.

Dawan 
LATEST NEWS