Amin-yahay Waxaad Tahay Hiilka Geesiga Dhigaagii Huleelayna Haakah Iyo Qushi Buu Nagu Dhaafey.

0
Sunday 14th January 2018 10:07:38 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amin-yahay Waxaad Tahay Hiilka Geesiga Dhigaagii Huleelayna Haakah Iyo Qushi Buu Nagu Dhaafey.

    Amin-yahay Waxaad Tahay Hiilka Geesiga Dhigaagii Huleelayna Haakah Iyo Qushi Buu Nagu Dhaafey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amin-yahay Waxaad Tahay Hiilka Geesiga Dhigaagii Huleelayna Haakah Iyo Qushi Buu Nagu Dhaafey. Qalinka: C/Raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).


Qormadani waa duur-xul xambaarsan dareen hada taagan oo waaqici ah, Iga raali ahaada akhristayaashaw hadaad fahmi weydaan Ciwaanka waayo waan yara duur-xulay ama waan sogordohay. Xaga kale waxaan yara muujiyey awooda aan u leeyahay dawaada ama qalinka, oo ah hibadda gaarka ah een qaybta u helay. Beer kastoo oogada sare ku uumani waxa uu leeyahay hidaayo gooniya taasi oo la xidhiidha mihnadiisa, Halkaa waan ku yara baanaye raali iga ahaada akhristayaashaydow, Dhinac kalena waa arertii aan ku bilaabayey qormadan sogordoha ah ee ku saabsan Arimaha Siyaasada ee hada waaqaceedu taagan yahay, Hada aan si gaara u abaaro halkaan u socday.

Bulshada reer Somaliland iyo dawladooduba waxay



soo mareen wakhti-siyaasadeed aad u culus Isla markaana hogaamin dirqiya lagaga soo gudbay, Hadaba qormadan waxaan ku faaqidi doonaa wakhtiyadaa kala duwan siyaasadihii la soo marey. Yadoon sawiri doono nooca ay ahayd amintaasi waliba ku darsoo amintan haatan taagani waxay xambaarsan tahay amaba sida ay uga gadisan tahay dhigeedaasi la soo dhaafey, Qodobada ugu muhiimsan ee Aminahan kala duwanaashahoodu waxay noqon doonaan, Dhinaca ash-khaasta, adeega siyaasada iyo guud ahaan wax kastoo muhiim ahaa oo ku aroora nolosha iyo Hab-dhaqanka bulshada, ka hogaanka, ka awooda, ka dawladnimada iyo ka shicibka caadiga ah.

 

Aminahan is-baddelkooda waxa jaan-gooyey Madaxweynaha cusub ee jamhuuriyada Somaliland, sababtuna waa is-baddelka hogaanka iyo xaalada siyaasiga ah madaama ay dalkii Somaliland dawlad cusubi qabsatey taasi oo aad uga duwan tii ka horeysay, Hadaba waa tan barta aan maanta u gol leeyahay inaan qaaraa-dhigo, Umada reer Somaliland dhamaanteed waxay soo waajahdey amino culus kuwaasi oo badhkood ay ahaayeen qaar wata curfi iyo dabeecado aad u liita oo ku cusub gayigan iyo umada ku dhaqanba, Waxa u mudnaa waxyaabaha ugu la yaabka badnaa ee na soo dhaafey ( Kal-ceebeed iyo doqontoo talisa umadana hage u ah ) , Waa tiirerka ugu waaweyn ee lagu xasuusan doono dharaarihii ina soo dhaafey iyo xukuumadii xilkeedu dhamaadey ee xilka wareejisya.

Amintii aan soo dhaafney waxay shacabka dhaxalsiisey inuu hogaamiyo dadka raydka ah cid aan u qalmin ama habac liita oo doqon ah kaasi oo garab balaadhan iyo gaashaan ka helayey , Naaquudayaasha nidaamkani oo badankoodu ahaa ( Dumar Iyo Wadaado), Dantoodu aaney aheyn in umada la hogaamiyo oo horumar iyo hiigsigooda la gaadhsiiyo balse ay ka door-bidayeen iney xamaashaan oo ay iskood u shaqaystaan si ay yagu u helaan gaadhida danahooga gaarka ah, Waxaaney u sii dhex mari jireen danta guud iyo ta shacabka si tooda ay ugu dabaqaan meel markeeda, Sidoo kale amintaasi xuni waxay xasuusteedu tahay in ay talada hayeen dad-yaw ku ceeb ah dawladnimada iyo wanaageeda.

Amintaasi ina dhaaftey waxay kala qaadey ragii oo ay fariidka cidlo iyo ciil-gadhoodh badey, Isla markaana aan waxba la weydiin jirin waxna loo dirsan jirin, Halka habayaca iyo hacoogu uu talinayey ee uu lahaa awooda ugu badan ama ku xisaabtamida shacabka ta ugu muga-weyn si waliba ay qadarini ku jirto, Runtii waa la yaabkii ugu badnaa ee laga kulmay dawladii uu hogaaminayey, Hogaamiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isagu ahaa nin weyn oo waayo-araga balse ay ka xumaayeen gacan-yarayaashiisu kuwaasi oo uu Odeygu aaminey, Yaga koox haween ah waana kuwa dhaliyey in lagu xasuusto xukuumadiisii mid la sugo goortey (Kal-ceebeedniadu ay Haakah odhaneyso waliba Qushi loogu sii darey).

Amintaa ina soo dhaaftey waxa laga hayey Geesiga ama nin-rageedyada ay aastey een la ogolayn iney madaxa kor u soo qaadaan, Tixdan oo lahaa Mu,alif, Mulax-miiste, Maanso-yahan Abwaan Axmed Siciid (Af-gudhiye), oo sidan u dhignayd.

HADAAN HAN YARAAN LAHAA

RAGAAN UGU HOREYN LAHAA.

HADAAN HABRASHADA AQAAN

KORBAA LEY HEYN LAHAA.

XAQAYGA INTAAN KA HADHO

MID KALAAN HELLI LAHAA.

HAGAAGAAN DOONAYAYIYO

HAYAANKAA DIB II DHIGEE.

NAFTAYDAAY HOOS U HADAL

HAAKAH IYO QUSHIDA BADi.

Halyeygii ina-rageed iyo Geesigii hanadka ahaa sidaasuu ku dhameystey Amintii ay dalka ka talineysay xukuumadii Madaxweyne Axmed (Siilaanyo), taasi oo milgaheedii iyo sharafteediiba ay ku dheeleen kooxo Dhuunta ka iftiimaya oo isugu jirey (Haween Iyo Wadoodo) , Fasiraada wadaada waxa weeyaan qol-yahan Urur-diimeedyada ka tirsan ama firqooyinka, Waxaana sooyaalka u gashey ama lagu Xasuusan doona (Sabankii Doqonta) ama (Hiilkii Liitaha).

Hadaba Amintan hada la taagan yahay waxay kaga duwan tahay , Dalka waxa haysta hogaamiye ruuxiya waa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdiye, oo isagu talinaya nidaamka dawlada iyo caawiyayaashiisana ku xulanaya karti, aqoon, geesinimo, hindise, hal-abuur, iyo hanad meel ku socda, Muuqaalkaasi hadaba Amin-xaadirtan aan ku suganahay waxaa la odhan karaa ( Waa Xiligii Geesiga "Hiil-geesiā€ ) iyo waliba nin-rageedka kartida leh taasina waxay saacideysaa shacabka raydka ah oo helaya waxay u cugteen hogaanka dalka ugu sareeya, Amintan waxaan ku rajo weynahay iney ku gaba-gabeysanto hiilka geesiga iyo hormadii kartida si loo hago qarankan curdinka ah oo isagu hiil iyo tabaya ragiisii, Een u baahnayn cid ka shaqaysata.

Amintan hada la galey waxaan ku ururinayaa iney tahay (Hiil-geesi), rukunkaasina waxa uu sahlayaa in qarankan Somaliland ka dul-dago haro doomida oo barwaaqiyo raxmadba gin-giman lagagana talaabi karro dhamaan wixii la tabanayo, Hada waxaan u bushaareynayaa geesi kastoo dib loo dhigey in maanta xakamihii wakhtigu ka furey taasina waxay dan u tahay bulsho-weynta reer Somaliland, Waxana ku xidhan horu-socodka iyo horumarka dalkan Somaliland oo la daneynayo inuu ka dhex mudho mustaqbal mandaqadan geeska-afrika ee aan ku dhaqan yahay, Murtiyo al-muraad waxaan ku soo af-meeri Geesiyaw maanta waa Amintaadiiye Qarankaaga iyo Qookaagaba u guro aad maydhid wacaashii (Kal-ceebeekee).

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalism.

LATEST NEWS