Waa Maxay Dhaqanka wanaagsan? - Qofka u qaata salaada sida toosan

0
Sunday 14th January 2018 10:11:30 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Dhaqanka wanaagsan? - Qofka u qaata salaada sida toosan

    Waa Maxay Dhaqanka wanaagsan? - Qofka u qaata salaada sida toosan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Dhaqanka wanaagsan? - Qofka u qaata salaada sida toosan Qofka u qaata salaada sida toosan waxay bedelaysaa dhaqankiisa oo dhan, dhaqankaa wanaagsan ee raac salaada, waa sababta uu illaahay ku aqbalo


Ilaahay baanu ku mahadaynaa nimcooyinka uu ina siiyay,isgaanu gargaar ka dalbaynaa danbi dhaafna weydiisanaynaa.

Wanaajinta dhaqanka iyo akhlaaqdu waa ujeedada kowaad ee uu siday Nebi Maxamed (CSW) waxa uu yidhi (Waxa la isoo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan) waxa laga doonayaa umada islaamka inay ku sifowdo dhaqan wanaagsan, qof kasta oo muslim ahi waa in uu dabaqo dhaqankii wanaagsanaa ee Nebi Muxamed(CSW) sida aynu wada ogsoonahay islaamku waxa uu leeyahay shan arkaanu islaam, arkaanu islaam kasta waxa uu leeyahay akhlaaqdiisa gaarka ah, tusaale ahaan waxaa aynu soo qaadan karnaa salaadu ilaahay koreey waxa uu yidhi (U kaca salaad, salaadu waxay reebtaa xumaanta, sinada,




munkurka IWM). Hadaba muxuu yahay qofka salaada tukanaaya ee aanay xumaanta ka rebin, maxayse qiimo yeelanaysaa salaadiisu, saameen intee leeg bay salaadaasi ku yeelanaysaa bulshada dhexdooda?

 

Qofka u qaata salaada sida toosan waxay bedelaysaa dhaqankiisa oo dhan, dhaqankaa wanaagsan ee raac salaada, waa sababta uu illaahay ku aqbalo salaada taa waxa inoo cadeenaya Xadiisu Qudiskii "Ilaahay waxa uu ka aqbalaa salaada qofka isku dhul dhiga waynaanta illaahay, aan ka habaabin dhaqanka wanaagsan kuna waa bariisan xumaanta kuna qaata maalintaas oo dhan digrigayga iyo naxariista masaakiinta, musafirinta iyo carmasha una naxariista dadka dhibataysan”.

Fahanka guud ee salaada waa dhaqan iyo cibaado, Salaadu dadka waxay dhaxalsiisa

digriga eebe iyo akhlaaqda wanaagsan waxayna ka hor istaagta xumaanta iyo ku talaxtageeda, haddii aynu arkaamu islaamka rukin labaad aanu ka soo qaadano waa Sakada, sakadu maaha cashuur laga qaado dadka baahan ee waa nadiifin dadka bakhayliinta ah ee xoolohooga ka bixinaya iyagoo u celinaya dadka baahan ee bulshada ku dhex nool si ay u noqoto bulshadu mid is jecel oo naxariis badani ay ka dhaxayso isku xidhan koodune aad u adkaado, sidoo kale islaamku waxa uu ka yeelay hadalka wanaagsan iyo dhaqanka fiican sadaqo, Nebigu (CSW) wuxuu yidhi (Wa jiga furan ee aad walaalka aad ku qaabisho waa sadaqo, wanaaga oo dadka aad fartaa iyo xumaanta oo dadka aad u diidaa iyana waa sadaqo, qofka oo aad tusto meesha uu u baahan yahay iyana waa sadaqo, wadada oo aad ka qaado qodaxda iyo lafta iyana waa sadaqo, hadii aad adiga oo firaaqo haya aad u darto biyaha uu hawsha ku hayo iyana waa sadaqo, ama qof baahan oo itaal daran aad caawisid iyana waa sadaqo, qofka liita oo aad taakulayso iyana waa sadaqo).

W/Q; ibraahim iid maxamed Dad-Dhis

[email protected]

LATEST NEWS