Ha tashadaan bulshooyinka ku dhaqan Gobollada Bariga Somaliland (Togdheer,Sool iyo Sanaag)

0
07 February 2018 20:45 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha tashadaan bulshooyinka ku dhaqan Gobollada Bariga Somaliland (Togdheer,Sool iyo Sanaag)

    Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka bulshooyinka ku dhaqan Gobollada Bariga Somaliland (Togdheer, Sool iyo Sanaag) ee uu ururka DAMAL BARI u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka bulshooyinka ku dhaqan Gobollada Bariga Somaliland (Togdheer, Sool iyo Sanaag) ee uu ururka DAMAL BARI u
ololeeyo helitaanka xuquuqdooda dastuuriga ah, waxaan marka hore halkan ka salaamayaa guud ahaan shacbi waynaha reer Somaliland dal iyo dibed meel kasta oo ay kala joogaan, si gaara waxaan u salaamayaa dadyowga aan had iyo goor afkooda ku hadlo ee uu Alle ku unkan saddexdaa Gobol ee aan sare ku soo xusay.

Salaan kaddib, aniga oo ah Guddoomiyaha DAMAL BARI waxaan rabaa inaan daaha idiinka faydo oo aan farta idiinku fiiqo dayaca iyo darxumada nololeed ee ka jira guud ahaan saddexda Gobol ee Bariga Somaliland, kuwaas oo ay bulshooyinkoodu muddo 27 sano ah ay la deris yihiin caddaalad darro siyaasadeed, oo ilaa intii dib loogu dhawaaqay xornimo la soo noqoshada Somaliland dalku wuxuu ka dhismayay jiho qudha (Galbeed).


Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, mar waa caasimaddii labaad ee qarankan, mar na waa hooyadii Somaliland oo waa magaalada ay taallo xudunta JSL ama waa halkii lagaga dhawaaqay xornimo la soo noqoshada Somaliland. Gebi ahaan ba magaaladaasi waxay ka arradantahay sansaankii dawladnimo oo haba yaraatee kuma dhex arkaysid wax kuu xaqiijinaya inay Burco tahay caasimaddii labaad ee dalkan. Majiraan xarumo dawladeed ama goobo shaqo oo ay Burco ka hir galiyeen xukuumadihii talada dalkan u soo kala dambeeyay muddada 27 ka sano ah, taasi na waxay keentay oo laga dambarsaday inay gebi ahaan ba tahriibaan dhallinyaradii reer Burco oo aanad magaalada qof keliya ka garan. Dhallinyarada reer Burco qaybta labaadi waa in shaqo la'aan la tuban makhaayadaha shaaha laga cabbo ee magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Magaaladaa laynoogu sheegayo caasimaddii labaad ee dalkan, nasiib darro kuma arkaysid wax gaadiid dawladeed ah marka laga yimaaddo baabuurka uu Guddoomiyaha Gobolku wato iyo dhawr isku rogo oo nooca loo yaqaan shaanbooga ee ay Dawladda Hoose qashinka ku qaaddo oo uu dukhsi daba yaacayo. Burco intaas keliya ayaa jooga wax gaadiid dawladeed ah. Si dhaqaale curyaamin loogu sameeyo Gobollada Bariga, waxa muddo ba xidhan Madaarkii Burco oo ah kii keliya ee ay ka soo degi jireen qurbe joogta ka soo jeedda saddexdaa Gobol. Ka Burco ku socda ee uu qoyskiisu yaal, ka Laascaanood ku socda iyo ka Ceerigaabo ku socdaaba waxay ka soo degaan Madaarka Hargeysa, ilaa bartii ay rabeenna waxay sii galaan taraag iyo kharash kale. Garoonkii kubbadda cagta Burco wuu dunsanyahay oo kama duwana galgalintii geela.

Gobolka Sool. Reer Laascaanood dawladnimada weli khiyaali ayay u haystaan oo may wada odhan 'Aqbaltu'. Taa waxa kaaga marag ah maalinta uu Madaxweyne Somaliland Laascaanood gaadho sida loo ilaaliyo iyo waxa tigtiko iyo inta hub dhuunta ka onkodda lala garab yaacayo oo uu Alle tacajab kuu keenayo. Middaasaa kaaga maraga inaanay dhulkaana dawladnimadu gaadhin.

Magaalada Caynaba waxa ku soo barakacay oo dul tuban in ka badan 10,000 oo qoys, kuwaas oo ay abaartii ka idlaysay xoolihii ay dhaqanayeen. Dadkaasi ma haystaan galaan bariisa iyo koob biyo ah oo ay nafta ku qabtaan , ilaa imikana garan maayo Alle sokadii cid u maqan iyo ceel u qodan toonna.

Gobolka Sanaag, isaga waxa khayrkii iyo khayr xigihiiba ka reebay colaado sokeeye, fogaan iyo waddo xumo. Waataa maalin kasta laga soo sheegayo dhimashada in ka badan 20 qof oo aanan garanayn ilaa imika waxay dadkaasi ku dhinteen.

Marka laga reebo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ilaa imika aynaan kala ogaan tiin iyo timmir midka uu inoo beeri doono, Somaliland tiro ba waxa soo maray afar Madaxweyne oo isaga ka horreeyey. Saddex ka mida afartaa Madaxweyne waxay ka soo jeedeen Gobollada Bariga Somaliland, taasi markaa waxay keentay iyaga oo xishoonaya oo ummadda reer Somaliland ixtiraamaya inay gebi ahaan ba ka gaabiyaan horumarkii saddexda Gobol ee Bariga (Togdheer, Sool iyo Sanaag), sidaana ay gobolladaasi uga hadhaan kuwii galbeedka. Intaas oo dayac iyo dar xumo ah marka laga yimaaddo, waxaan islahaa Muuse Biixi waa Madaxweynihii dalka isa soo gaadhsiin lahaa ee Gobollada Bariga u yeelan lahaa tudhaale iyo daryeel, waxaan islahaa Madaxweynayaashii ka horreeyey haddiiba ay Bariga ka gaabiyeen iyaga oo xishoonaya, isaguna Galbeedka ayuu ka gaabin doonaa oo Bariga ayuu ka hor marin doonaa isaga oo isna xishoonaya, laakiin Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa 'goroyo la hubsayoo haad bay noqotay'!. Taasi may dhicin oo waxa kaaga marag ah sida loo qaybiyay Sanduuqii Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund). Halkan kaga bogo caddaalad darrada dalkeenna taalla iyo sida loola dagaalamay horumarka saddexdii Gobol ee Bariga Somaliland (Togdheer, Sool iyo Sanaag)

1. Maroodi-jeex 46 % (29 million)
2. Togdheer 16 % (10 million)
3. Saaaxil 14 % (8.96 million)
4. Gabiley 9 % (4.14 million)
5. Awdal 5 % (3.2 million)
6. Sanaag 5 % (3.2 million)
7. Sool 5 % (3.2 million)

Sida kuu muuqata, caddaalad darrada weyn ee halkaa ka dhacday waxa weeye in Gobolladii Galbeedka loo qoondeeyay 74 % oo u dhiganta (45.3 million), halka la siiyay Gobolladii Bariga 26 % oo u dhiganta (16.4 million). Mar labaad waxa gef iyo godob qaranka laga galay ah in Gabiley oo ah Gobolkii Madaxweyne Muuse Biixi uu ka kab bato Gobollo ka miisaaniyad badan, ka dad badan, kana dhul badan.

Waan cambaaraynayaa godobta intaa leeg ee qaranka laga galay, marna bulshooyinka Gobollada Bariga waan ka tacsiyadaynayaa dulmiga intaa leeg ee lagula kacay. Ma aqbali doonno xaq darrada intaa leeg ee ay kocantahay dawladda reer Galbeedku. Waa hubaal oo lama rabo inay Gobollada Barigu madaxa la soo kacaan, laakiin waxaan ballan qaadayaa inaanay sii tanaadi toonin tuuganimada intaa leegi. Guddida heer qaran ee sanduuqan maamusha (National Planning Commission) waxaan leeyahay si caddaalad ah waxba umaydaan maamulin ee halkaa dib haloogu noqdo inta aanay cabashada bulshooyinka Gobollada Barigu gaadhin hay'adaha sanduuqaa lacagta ku soo shuba sida; DFID, DANIDA iyo International Community ga kale oo dhan. Ugu dambayn. Reero Togdheer, Sool iyo Sanaag waxa la gudboon inay dib isugu tashadaan, oo ay ka wada xaajoodaan waxa ay ka yeelayaan dawladdan gu' kasta u irmaan reer Galbeedka ee aanuu dambarkeeda waxba inaga soo gaadhin.

NG. DAMAL BARI, waa urur aan dawli ahayn (NGO) oo ka shaqeeya horumarinta Gobollada Bariga Somaliland (Togdheer, Sool iyo Sanaag), kaas oo u ololeeya xuquuqda dastuuriga ah ee ay dalkooda ku leeyihiin bulshooyinkaa ku dhaqan saddexdaa Gobol ee aynu soo xusnay. "Si ay u sii gaammurto qarannimada Somaliland, waa in Gobollada Bari la siiyaa ahmiyadda koowaaad", waa hal-ku-dhigga DAMAL BARI.

SOMALILAND GUUL IYO SINNAAN.

Aadan Cali Bile
Somaliland Eastern Regions Volunteer Activist
Burco, Somaliland
+252 63 4325360
LATEST NEWS