Waan Aamin-sanahay In Madaxweynuhu Mudane Muuse Biixi Uu Dawladeeyey Umadiisan Qaabku Ka Lunsanaa,(From Of Government). Qalinka:C.S.F(Jeesto).

0
Wednesday 7th February 2018 20:51:25 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waan Aamin-sanahay In Madaxweynuhu Mudane Muuse Biixi Uu Dawladeeyey Umadiisan Qaabku Ka Lunsanaa,(From Of Government). Qalinka:C.S.F(Jeesto).

    Waxaan aregtidayda gaaban ku cabbirayaa in maanta Madaxweynaha cusub Mudane Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan aregtidayda gaaban ku cabbirayaa in maanta Madaxweynaha cusub Mudane Muuse Biixi

Cabdi uu sameyn karo isbaddel dawladeed kaasi oo ay umadani ku diirsan karto, Waayo qaab-dawladeedku waa in la helaa kala-danbeyn, Hab-nidaamsan, Cadaalad shaqaysa, Awood dawladeed fulintiisa wata, Shacab hanoonsan, Sinaan muwaadinimo, Dawlad xuduudaheeda ilaashata, Ciidamo kala duwan oo hawl-gala, Hay,ad shirci-dajineed oo soo jeeda, Xeer iyo nidaamyo dastuuriya oo kala qeexa xuduudaha hay,adaha dawlada soohdimahooda, Iyo Waliba calankeena oo dunida ka shaqeeya tani danbe uumbaa inagu yara culus mooyee kuwa kale waa istaraatajiyadaha hada la filayo waliba kalsoonidooda la hubo.


 

 

Hadaba ubucda aan abaarayaa waa umadan reer Somaliland , Maxaa ka lumey qaab-dawladnimo????? Anoon siiba fogaan jawaabteedu waa "dhamaan umadani waxa ka lumey imkaaniyaadkii dawladnimada dabcan haatana waxaad moodaa iney badhkood soo noolaanayaan imkaaniyaadkii lumey" Xaqiiqadii kuwaasaan ku rajo-weyn nahay in bulshadan loo soo celiyo, Waxana taasi laga dheehan karaa imika qaabka ay u shaqayso dawladani oo ku salaysan Dastuurkeena ama axdi-qarameedkii qaran Somaliland lahaa ee ay wada dhisteen, Waa ta ay maanta ku timidey iney masuuliyiintu kala-danbeeyaan , kala-baqaan oo uu nin walbaaba ku mashquulo shaqadiisa taasina waa ta aynu u dooraney Madaxweynaha cusub iyo xukuumadiisa.

 

 

Waxan aaminsanahay in dalka ay ka qabsoomeyso awood shaqo oo qeexan kala-danbaynteeda wadata talaabadani wali in muddo ah Somaliland kama ay qabsoomin balse hadda ayey cadceedaasi inoo soo baxdey, Maanshaa Allah waxaad arkeysaa in ay dabayshu isu-badashey horumarin iyo la soo bixid tabcasho fara-badan taasoo la xidhiidha nidaamkan hada ka hana-qaadey dalka dhamaantii, Sidoo kale waxa yadna meesha ka muuqata fulin badan oo ah hadba talaabadii la qaado ee hawl-gal ahaaneed taasoo ku suntameysa taariikhda iyo waxan hada la taaba-galinayo isla markaana foolkiisii hore laga badalayo ama sidii loo lumiyey .

 

 

 

Waa hubaal iney inoo dhismayso nidaamka saxda ah ee aynu u baahan nahay dhinaca dawladnimada balse waxa muhiima in laysla fahmo tubta saxda ah iney talaabadani tahay, Oon la arag argagax iyo sifo arxan-daro inloo arko nidaamkan wax lagu baddalayo amaba ay timaado qaylo iyo mucaaridad taasi oo runtii inagu celin karta khatartii aan ka soo baxney isla markaana la rabo in laga gudbo, waa inaan soo dhaweynaa talaabo kastoo wax lagaga baddalayo ama dhaqan loogu soo celinayo dalkan jamhuuriyada Somaliland .

 

Ku darsoo imika wakhti-xaadirkan waxaad moodaa in dalka nin walbaaba ku mashquulsan yahay shaqadiisa, Hada waa masuuliyiinta,e oo ayna jirin masuul ku mashquulsan wax kale oo ka duwan waxa ugu badan ee xooga la saareyna waa qaybtii farsamo-yaqaanimada (Technitions) ee ma,ha siyaasada (Politcs), Halkanina waa qaybta ay ka dhisanto dawladnimadu waa in umada loo shaqeelo oo la jiheeyo yadoo laga jeedinayo wax kasta oo dhaliila oo ay haleeli lahayd, Haday tahay mid caama iyo mid gaar ahaaneed, Waan qabaa oo waan ku kalsoon nahay in Madaxweynaha cusubi umadiisii u soo celiyey haybadii dawladnimo ee laga lumiyey.

 

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax(Jeesto).

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

LATEST NEWS