Fool-Xumada Nidaamka Federaalka Iyo 4.5 Heshiiska Khayraadka Badda Ayey Ka Muuqataa...W/Q Asad Adaani Ibraahin

0
Monday 12th February 2018 06:58:39 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fool-Xumada Nidaamka Federaalka Iyo 4.5 Heshiiska Khayraadka Badda Ayey Ka Muuqataa...W/Q Asad Adaani Ibraahin

    Fool-Xumada Nidaamka Federaalka Iyo 4.5 Heshiiska Khayraadka Badda Ayey Ka Muuqataa...W/Q Asad Adaani Ibraahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fool-Xumada Nidaamka Federaalka Iyo 4.5 Heshiiska Khayraadka Badda Ayey Ka Muuqataa...W/Q Asad Adaani Ibraahin Fool-Xumada Nidaamka Federaalka Iyo 4.5 Heshiiska Khayraadka Badda Ayey Ka Muuqataa.

Intaadan Viedoga Daawan:- Shir lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho oo ay wada yeesheen maamul goboleedyada Lixda ah Banaadirland, Puntland, Jubaland, Galmudugland,Hirshabeeleland, iyo Koonfurgalbeedland ayaa lagu gaadhay heshiis Khayraadka Badda dhaqaalaha ka soo baxa sida loomaaraynayo, heshiiska marka laysku soo duubo wuxuu macnihiisu yahay, dhaqaalaha khayraadka Badda wixii dawladda dhexe xaq uyeelato waxaa wada maamulaya madaxweynaha dalka, Raysal wasaaraha iyo Lixda Madaxweyne Goboleed.



Waxay isweydiintu tahay maxaynu marka uga baahanahay Golaha wasiirada iyo Aqalka sare ee baarlamaanka iyada oo golaha wasiirada iyo xubnaha Aqalka sare aynu ognahay in ay maamul goboledyada rabitaankooda lagu soo xulay, maadaama madaxweynaha iyo golihii wasiiraddu aanay xaq u lahayn in


ay dhaqaalaha dawladda dhexe meeshuu doonaba haka yimaadee iyagu maamuli karin.

 

Heshiiskan sida la sheegay waa ku meel gaadh laakiin Soomaaliya kumeel gaadhkaa rasmi noqda, 4.5 barigii Carta waxaa lagu hirgaliyey "Xaq maaha ee waa Xal” maanta waa xaq, qoys kasta wuxuu ka dhigtay 4.5 sharciyad uu u noqdo marka uu doodayo. Maanta marka ay dawladda Federaalku ogolaatayo in madaxda maamul goboleedyadu la maamulaan dawladda iyaga oo wasiiro iyo xubnaha aqalka sareba ku leh Federaalka saw ayaan daro maaha.

Sida ku xusan qodobka 79 ee Distoorka Federaalka " Aqalka sare ee golaha Baarlamaanku wuxuu metelaa maamul goboleedyada” taas oo macnaheedu yahay wuxuu u xilsaaran yahay xidhiidhinta dawladda iy maamul goboleeyadana oo hadba wixii dhexmara iyaga loosoo marayo.

Waxaa muuqata in dawladda ay siday doonayaan maamul goboleeyadu ka yeeli karaan la jiifiyaana banaan , waa heshiis aan waafaqsanayn distoorka Federaalka ee ku meel gaadhka ah waana albaab ay xukuumada Farmaajo/Khayre fureen si uu u xidhmaana adkaan doonto, waan dareemi karaa GarabkaNolol_iyo_nabadwaxay u samayn doonaan xujjo waase dhaliisha xukuumadda XisbigaNabad_iyo_nolol.

*Taabit waxaa lagu casilay maqaamka gobolka Banaadir Yariisowna hadda wuxuu u saxeexay qaab maamul goboleed miyaanay marka sidan Banaadir ku ahayn” Banaadirland”?.

LATEST NEWS