Xirsi Nasiib badanaa//Qalinkii Abdisataar Sabri

0
Monday 12th February 2018 21:48:09 in Aragtida Dadweynaha by Burco Office
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsi Nasiib badanaa//Qalinkii Abdisataar Sabri

    Deegaanada uu alle Ku Beeray kuna tarmiyay Beelaha Gaashaanbuur Axmed Farax waxaa ku yaal 72 Goob doorasho Kuwaas oo Tirada Faraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanada uu alle Ku Beeray kuna tarmiyay Beelaha Gaashaanbuur Axmed Farax waxaa ku yaal 72 Goob doorasho Kuwaas oo Tirada Faraha

Codadkoodu qiyaas ahaan udhigmaan ama udhaw yihiin Isbarbardhig ahaan Tirada Codka doorasho ee had iyo goor ka Codaysa Guud ahaan Gobolada Gabilay iyo Saaxil .

Markaati ma doon ah GABILAY IYO SAAXIL Sadka iyo Saamiga laga Siiyay Siyaasad ahaan Xukuumadda M/Wayne Muuse Biixi Cabdi Waa Rikoodh Cusub oo Ku Taaliikhaysan Taliska Madaxweyne Biixi

inkastoo Siyaasadu Dhaqan iyo Dabeecad ahaan Xurmo Daran tahay
Haddana Waa iska Caado Soo jireen ah in Hogaamiyaha Taladu Wakhtigaa ka go'daa uu ku kala Xusho Garashadiisa Laba Deegaan oo aan kala sarayn Faro, iyo sawrac midna balse Sumadda iyo Magaca ku kala duwan


Isagaa ka duulayaa Sabab jirta oo ay ugu kala Muhiimsan yihiin iyo hadba siday ugu kala Mudan yihiin Siyaasad ahaan waana Sababta Xilalkii Qaranka Ugu Mudnaa iyo dikreetooyinkii Ugu Magaca waynaa Qalinka Madaxweynuhu uu uqabtay Ciddii uu Maan ku bad u arkay , halka Beelaha Axmed Faarax oo siyaasad ahaan dhaqaalo ahaan iyo Doorasho ayaanba Saamayn ku leh Kala saraysiinta Tartanka Xisbiyada Xilliga Doorashada ay Xukuumadda Muuse ugsratay laba Dikreeto oo lagu Sifeeyay geedo sare Waab . Xatta ragga loo magacaabay ayaan ku niyad samayn . Xilalkaasi waxay kala yihiin Badhasaabka Hargysa Iyo Maareeyaha Qandaraasaadka Qaranka.

Sidaas oo ay tahay %90 kulmiye ayaa Codka Gaashaanbuurta waxaa ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee Udanbaysay Taas oo uu Madaxweyne Muuse Madaxweyne Ku noqday hasayeeshee Madaxweyne Muuse ayaan lagarankarin meeshu wax uwado balse waxaa Cad in uu ku badhi Furay Tacabkii Bilaa shuruuda ahaa ee deegaanadaasi ku dhiseen kulmiye horayso iyo danbaysaba.

Madaxweynuhu Xisaabta kuma Darsan in Dimuqraadiyadu ay qiimo Siiyay Codadka deegaanadu sida ay ukala Badan yihiin Majoorati lagu kala sadqaato

Doorashadii Baarlamaanka ayaa dhawaan Lafilayaa inay Dalka ka qabsoonto Taas oo aad garankarto Saamaynta Ay ku yeelankaraan Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye 72 Goob Doorasho oo Codka kasoo baxa lagu qiyaaso 50kun oo Cod.

Dadka Deegaanataas kasoo Jeeda ee Saaxadda Siyaasadda iyo Midda Bulshoba Ku dhex jira ee isugu jira Aqoonyahanka, Xeerbeegtida, Madaxdhaqameedka, Ganacsatada Dhalinyarada Haweeenka ayaa iyana Badan kuwaas oo ku Badh maqan ama kawada maqan kana rajo dhigay Qalinka Gadhwadeenka Qaranka Intaas oo nooc oo dad ah Wax tar leh kama ay helin Xurmo iyo karaamayn midna Xisbigii ay ku Nafbexeen Xatta waxa ay umuuqdaan dadyaw Madaxtooyada aan ka Filayn Dareen Togan oo Ku sii haynkara Maanta iyo Berriba Sii agjooga kulmiyihii Bilnaa Boqranaa.

Marka laga yimaado Taageerada Xoogan iyo Guuxa ka dhanka ah muqtaqbal kulmiye iyo Aaminaada Madaxweyne Biixi ee deegaanadaas ka Socda iyo Garawshiisyo la'aanta ka jirta Madaxtooyada iyo Sida aanay Dabeecad ahaan siyaasad ahaan u kala hadhin Deegaanadaasi, waxaa iyana Jira Halyeeyo Badan oo Hoos uguux dilay laakiinse Dib u eegis ku jira. Iyo Saadaalinta Sahanka Maqan ee aan Berri iyo Maalinteeda aan Farxad gelin doonin Kulmiyaha maanta Talada Dalka haya.
Sababtoo ah Guud ahaan dadkaasi yar iyo waynba waxay dib uliqeen Candhuuftoodii, Inkastoo Go'aankii Doorashadii shalay Dalka ka dhacay ee ay Muuse Biixi ku dhiseen uu ahaa mid dhaqan ahaan deegaanadaasi ay Aaminsan yihiin in ay ku saxnaayeen Feker ahaan Dadka qaar ayaa udhaqmaya sidii rag ilduufay oo ku degdegay Meelmarinta Liibaanta Madaxweyne Biixi .

Sidaa si lamid ah waxaa iyana Jira qaar kale oo iskood udaawanaya Filim socda oo aan weli dhamaan kaas oo uu Atoore iyo Boosba uu ka yahay Madaxweyne Muuse filimkaas oo Reer Mariye magac Ahaan ubixiyeen Abaal laawe. Waxayse udanbeeyaa moogan yihiin in siyaasadu aanay Aabo iyo Hooyo lahayn.

Sikastoo Laysku Xeeriyo Siyaasad ahaan Waxaa deegaanadan ka raacday Gocasho iyo iswaydiin Badan Oo gudahooda Jirta Guushay Qaybta wayn ka qaateen. Iyo Sida Ay uga aradeen Filashadoodii

Hogaamiyahiihii Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kasoo jeeda Beelaha Gaashaanbuur Axmed Farax ayaa u muuqda mid uu M/weyne Muuse Biixi Uxaadhay Dhabadii uu ku wiiqi lahaa Xisbiga Kulmiye Doorashada Barlamaanka ee Soosocota kadib markii M/weyne Biixi oo ah Nin Soo jeeda uu si cad ugu Badheedhay Debedda Dhigay Ragii Naf mooyee Aan waxba kala hadhin kuwaas oo uu Kow ka ahaa Ex Wasiir Cali Mareexaan, oo la'aantii Kulmiye Aanu Guud ahaan Togdheer Cod ka soo qaadeen, iyo Aqoonyahan Khalif Xiinwaal, Cabdirisaaq Maxamed Toor, iyo 30 Nin oo Aanan wada Xusikarin iminka Magac yadooda iyo Guud ahaan Dhalinyaradii Deegaanadaas oo Quus ka jooga Madaxda Wasaaradaha Qaranka . Oo ilaa hadda Ka gaws Qabsaday deegaanadaas Ciddii ay ka dareemaan Damac Shaqo iyo Mid darajo helis iyo Dalacis

Gabagabadii waxaa sababta Tabashadan aan ku hoga yusaalaynayaa Fariintan Madaxweynaha lahadlaysa oo odhanaysa "Marka aad sxbkaa erido Bedelkiisuna Sxbkaa ka maarantay Sxbkii sii Fogayso oo ninka nin laga uriyo Diiwaanka tawbada laga saaro. Saw ma aha Madaxweyne marka aad ogaato in aad isbadhqabato

Wa billaahi Tawfiiq

Qalinkii Cabdisataar Cabdilaahi Cali "SABRI "

LATEST NEWS