Reer Somaliland-ow Maanta Maxaan Ka Idhi Qaddiyadda Ictiraafka Somaliland Xaalkeeda Taagan (Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey)...W/Q Rashiid Sulub

0
Tuesday 13th February 2018 08:09:49 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Somaliland-ow Maanta Maxaan Ka Idhi Qaddiyadda Ictiraafka Somaliland Xaalkeeda Taagan (Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey)...W/Q Rashiid Sulub

    Reer Somaliland-ow Maanta Maxaan Ka Idhi Qaddiyadda Ictiraafka Somaliland Xaalkeeda Taagan (Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey)...W/Q Rashiid Sulub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Somaliland-ow Maanta Maxaan Ka Idhi Qaddiyadda Ictiraafka Somaliland Xaalkeeda Taagan (Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey)...W/Q Rashiid Sulub

Reer Somaliland-ow Maanta Maxaan Ka Idhi Qaddiyadda Ictiraafka Somaliland Xaalkeeda Taagan (Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey).

3 midkood ayuunbay ila tahay Rashiid ahaan, inaynu qaddiyadeena gayno:- Maxkamadda Sare ee Caalamiga ah ee Hage aanu gayno oo karbaash qaadano, inaynu u xidhano muraayaddii Faraska loo xidhay qaddiyadeena qarnigii 17-aad iyo inaynu Adduunweynaha laydhadhka u badkhtiisano oo aynu istoobaduun u shidano.

Sida ay xaqiiqdu tahay, qof kasta oo reer Somaliland ah gude iyo debadba wuxuu xog-ogaal u yahay marxaladaha ay soo martay xaaladda ictiraaf raadinta ee Somaliland. Haddii aynu soo qaadano xaaladdan imika ay marayso amma loogu gogol-xaadhayo inaynu xelno ictiraaf Caalamiya, isla markaana aynu kala gurano Soomaaliya, waxa la sheegayaa in Wada hadaladdii u dhexeeyey Somaliya iyo Somaliland ee uu martigalinayey Dalka Turkigu in labada Dowladood isla garteen in loo



soo wareejiyo Dalka Jabouti oo ay kaalintii Turkiga gasho, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inaynu halkaa ka helno waxaynu u guclaynaynay muddo dheer. Iyadoo ay arrimuhu sidaa yihiin, isla markaana aynu garawsanahay xaaladihii kala duwanaa ee Dalka iyo dadka Somaliland soo mareen, ayaa waxay aniga shaqsi ahaan ila tahay in 3 midkood uun aynu qaadano haddii aad igu waafaqdaan marka aynu ka hadlayno qaddiyadeena, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa ‘Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey’, ujeedaduna ay tahay haddii xalalkii hore ee aynu wax ku raadinaynay socon waayeen inaynu sidana ku eegno.

 

  1. Inaynu go’aan adag oo weyn qaadano oo ah, in markii aynu dhamaystirnay dhammaan shuruudihii looga baahnaa Dal madax banaan oo aanay jirin sabab la inoogu dib dhigaa oo ay iska caddahay inay ina hor taagan yihiin dadyowga iyo Dalalka ay maanta adduunka taladu ka go’do, oo ay tahay Baroortu orgiga ka weyn, in aynu tagno oo beegsano Maxkamadda Caalamiga Ah Hage oo aynu dacwaddeena gayno, oo aynu dacweyno Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midnimada Afrika AU, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Midowga Yurub, Waddamadda Eeshiya, Waddamada Bariga Yurub, Waddamadda Shiinaha, Ruushka, Maraynkanka, latin Amerika iyo Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaaysa. Waxaanan ku dacweynaynaa in dhammaanba adduunku uu garawsan waayey qaddiyadda muuqata ee Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland una ictiraafi waayeen Dal buuxa si an daw aheen. Dacwaddani 3 arrimood ka fursan mayso siday aniga ila tahay, in marka hore Ilaahay aynu talo saarano, in mar labaadka aynu qabsano sharci yaqaanadda adduunka ugu fiican qiimo kasta ha ku kacaane, ta saddexaad in kharashka ku baxaya 3 cisho oo kaliya QAAD-CUNISTEENA aynu baxino qaadka,oo loogu tabaruco xaaladda u hiilinta qaddiyadda Somaliland. Sidoo kale, xafladihii loo samayn lahaa 18 MAY iyo 26 June ee sannadkan kharashkii ku bixi lahaa dhammaanba loo leexiyo dhinaca ku taageeridda kharashka ay u baahan tahay guulaysiga soo oogidda dacwadeenu iyo kharashaadka kale ee ku baxaaya Madaxdeena iyo Qareenadda arrintaa ku hawlan.

  1. Waxa jirtay Qarnigii 17-aad dhamaadkiisii, in ay abaari xumi ka dhacday Dalalka Yurub oo aad loogu hoobtay dad iyo xoolaba oo dhib weyn laga mutaystay. Abaartaasina waxay si weyn u taabatay Fardihihii gaadiidka u ahaa oo dhaqaaqi kari waayey gaajo qaar badana ay u dhinteenba markii ay Fardihii ay cuni waayeen oo lagu kari waayey cawskii qalalnaa mid qoyanna loo waayey. Ka dib markii noloshii Farduhu ay qirinqiir gashay, ayaa nin oo waayo-aragga ahaa, Ilaahay ku ilhaamiyey in Fardaha loo sameeyo muraayad akhtar ah amma cagaar ah oo loo xidho Fardaha si marka loo galiyo maraayadda ay cawskii qalalnaa u moodaan caws qoyan. Markii farsamadaa loo adeegsadayna ay fardihii cuneen cawskii qalalnaa oo ay ka badbaadeen gaajo ay u leedaan. Tusaalahaas waxaan uga jeedaa, ka fursan mayso xal iyo feker dheer oo laysku yimaaddo oo gooni isu taageenna caawinaya oo ku tacaluqda qaddiyadeena iyo nolosha dadkeena sidii laysku waafajin lahaa inta ay wax kala miirmayaan oo xal deg-degga lagu heli lahaa si dhibaatooyinka aas-aasiga ee ina haysta aynu uga gudubno.

  1. Inaynu adduunweynaha laydhadhka u bakhtiisanno oo aynu ISTOBADA u shidano. Taasi oo ay ujeedadeedu tahay, waxa jiray markii laga soo noqday dagaalkii ay Soomaaliya la gashay Dalka Itoobiya 1977 ee ay xumaatay nabadgalyadii, ayaa marka loo kala gooshayo habeenkii goboladda Dalka Soomaaliya meelaha cidla ciirsilada ah ee la arkayo uun gaadhi xumaaday oo laga shaqaynayo amma wax la mid ah u taagan meelahaa cidlada ah oo aad arkayso uun indhaha yar yar ee baxaya, isla markaana laga shakiyi jiray baabuurkaasi wuxuu meesha u taagan yahay oo shaki awgii halkaa layska seexan jiray marka gaadhigaa loo mari waayey. Sidaa daraadeed, maadaama adduunkii garawsan waayey Dalnimadeena inaynu laydhadhka ka bakhtiisano oo aynu sida Dalka Israa’iil aynu is jeclaano, isku kalsoonaano, is qaddarino, wax soo saar u leexano oo isku filaano inta karaankeena ah, isku xidhnaano oo aynu danaheena GUUG u hilowno, muu Ilaahayna talo saarano oo aynu adduunka gacmaha ka laabano. Ka dibna adduunku inagu wareero oo iyagoo gucleynaya ay inoo yimaaddaan, sidadabadeed qasab kaga helno ICTIRAAFKA,haddii ALLEH yidhado.Waana QAWNUUN ILLAAHIYA AH in marka wax kugu adkaadan ee aad u maaro weydo ee iskaba illowdo in waxaasi mardanbe iska yimaadan!!!

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa, waa halkii Hadraawiye oo ahaa Hadal Lama Sudhnaadee amma Alla ha u naxariistee Abwaan Cabdi IIdaan yidhi ‘hadal runta ayuunbaa laga asiibaaye, argagixiso waan tirin jiray ereyo banbaane’, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa ‘Talo adigaa ku noole kuguma noola’ sidaa daraadeed danaheena aynu hagaajisano.


F.G. Qoraalkani waxa uun uu ka turjumayaa FIKIRKAYGA GAARKA.Waxa kale oo ku labamaan ma jiro,sidii aad iga barateen.!!!!!

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:[email protected]

LATEST NEWS