Ex Wasiir Xaashi Oo Maqaaxi Ka Caan Ah Ingiriiska Looga Dareeyay Iyo Odayaashii Magaalada Oo Salaami Waayey [HALIS IYO WAA CUSUB ]

0
14 February 2018 15:33 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1702
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Wasiir Xaashi Oo Maqaaxi Ka Caan Ah Ingiriiska Looga Dareeyay Iyo Odayaashii Magaalada Oo Salaami Waayey [HALIS IYO WAA CUSUB ]

    Ex Wasiir Xaashi Oo Maqaaxi Ka Caan Ah Ingiriiska Loogaga Dareeyay Iyo Odayaashii Magaalada Oo Salaami Waayey HALIS IYO WAA CUSUB

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Wasiir Xaashi Oo Maqaaxi Ka Caan Ah Ingiriiska Loogaga Dareeyay Iyo Odayaashii Magaalada Oo Salaami Waayey HALIS IYO WAA CUSUB



Birmingham (Karin News):- Maqaaxida caanka ah golis kuna taala magaalada birmingham ee dalka ingiriiska ayaa ex wasiir maxamuud xaashi cabdi mar keliya ugu soo galay odayaasha reer somaliland ee fadhiista maqaaxidaasi, waxaana maqaaxidan golis uu wasiir xaashi fadhiisan jiray inta aanu noqon wasiirka xukuumaddii silaanyo iyo waliba xiligii uu ku noolaa birmingham isla markaana laga soo nooliyey markii uu ka qeyb qaadanayey ololaha madaxtinimada madaxweyne silaanyo.





Sidoo kale odayaasha magaalada birmingham ayay isa seegeen ex wasiir xaashi intii uu xilka wasiirnimo ka hayay xukuumaddii siilaanyo, ujeedada koobaad ee ay isku seegeen ama ay isku naceena odayaasha waxay ahayd, maadaama oo uu ka tirsanaa maqaaxida golis iyo odayaasha magaalada maxamuud xaashi dhib iyo dheefna lagu wada qeybsan jiray wax kasta oo soo korda magaaladaasi ayaa wasiir xaashi noqday wasiir isla markaana uu xidhiga u wada jarey dhamaan odayaashii magaalada birmingham, sida caadada iyo dhaqanka u ahayd ex wasiir xaashi waxaa lagu wada nacay been iyo ixtiraam la'aan aanu cidnaba xeerinayn.

Geesta kale Ex wasiir xaashi waxaa uu ka dhintay xagga beelaha habar jeclo oo uu ka soo jeedo, waxaa kale oo uu ka dhintay magaaladii birmingham iyo saaxiibadiisii ay soo wada rafiiqeen, iminkana waxaa uu ka sii dhintay dhinaca madaxweyne biixi oo si toos ah uga saaray saaxadda siyaasadda somaliland, wararka kale ee ay helayso warbaahinta Karin News ee ku saabsan ex wasiir xaashi ayaa sheegaya sababta ay isku seegeen ama uu uga dhintay madaxweyne biixi ayaa ah inuu baayacay kursiga kulmiye xiligii ololaha wallow madaxweyne biixi uu xadhiga u jarayo cid kasta oo siyaasi ah oo kala hadasha kursiga xisbiga kulmiye .





Waxaase xusid mudan in danta ex wasiir xaashi ay ku jirto xisbiga mucaaridka ah ee ucid isla markaana uu iibsado kursiga guddoomiyenimada iyo murrashaxnimada xisbiga ucid maadaama oo aanay beelaha habar jeclo iminka madax ka ahayn xisbiyada qaranka gaar ahaan xilka guddoomiyenimada halkaasna uu ka heli karo maxamuud xaashi jaanidka ugu weyn ee uu maanta ku soo kori karo saaxaddii siyaasadda somaliland oo durtaba 2 bilood wax ka yar uu kaga baxay .
LATEST NEWS