Karin News Waxay Teegaari Doontaa Madaxweyne Biixi Marka Uu Caddaaladda Ka Bilaabo Qoyskiisa Kuwii Musuqa U Saaxiibka Ahaana Uu Caydhiyo

0
14 February 2018 16:00 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Karin News Waxay Teegaari Doontaa Madaxweyne Biixi Marka Uu Caddaaladda Ka Bilaabo Qoyskiisa Kuwii Musuqa U Saaxiibka Ahaana Uu Caydhiyo

    Karin News Waxay Teegaari Doontaa Madaxweyne Biixi Marka Uu Caddaaladda Ka Bilaabo Qoyskiisa Kuwii Musuqa U Saaxiibka Ahaana Uu Caydhiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Karin News Waxay Teegaari Doontaa Madaxweyne Biixi Marka Uu Caddaaladda Ka Bilaabo Qoyskiisa Kuwii Musuqa U Saaxiibka Ahaana Uu Caydhiyo





Hargeysa (Karin News):- Madaxweynaha 5aad ee jamhuuriyadda somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayay warbaahinta Karin News barbar taagneyd tan iyo maalintii uu noqday murrashaxa xisbiga kulmiye, waxaana lagu xasuustaa oo bulshadu mar kasta is weydiisa sababta Warbaahinta Karin News mucaarid ugu noqotay madaxweyne biixi oo aan xilka haynin muddo 2 bilood ku siman.





Akhriste wakhti iyo taageero xoog leh ayay warbaahinta Karin News u soo hurtay madaxweyne biixi waxaana ay ahayd warbaahinta kaliya ee madaxweyne biixi sida ugu daacadsan ula socotay isla markaana aan ka hagran jirin wakhti iyo xoogba, balse wakhtigan la joogo madaxweyne biixi iyo karin news waa ay kala fogaadeen sababta dhabta ah ee jirta ayaa waxay tahay in warbaahinta karin news ay rabtay oo ay la doonaysay dalka iyo dadkaba is bedel dhab ah oo la mahadiyo, nasiib wanaag ma suurtoobin mana dhicin in madaxweyne biixi sidii ay karin news la rebtay uu yeelo, ujeedka koobaadna waxa weeye in madaxweyne biixi uu caddaaladda somaliland si toos ah uu uga fogaado marka laga hadlayo xukuumaddiisa cusub ee uu soo dhisay, raggii ugu musuq-maasuqa badnaa ee dawladdii silaanyo ayaa xilalka uu ku soo celiyay madaxweynuhu waxaa kale oo uu madaxweynuhu sameeyay digreetooyin uu ku magacaabayo golihiisa xukuumadda dhinacyada wasiirada, wasiiro ku xigeenada , agaasimayaasha, guddoomiyeyaal, iyo waliba badhasaabada dalka.

Maxaa Qaldamay oo Karin News Diidan Tahay?
1- Masuuliyiinta musuqa iyo boobka hantida qaranka ku suntan ee xilalka haya
2- caddaaladdii dalka oo dhinac ka raran
3- shaqaale masaakiin ah oo la wada caydhiyey
4- goob kasta oo qoyska madaxweyne biixi ay haystaan una khaas noqday sida wasaaradaha iyo ha'ayadaha caalamiga ah
5- xisbigii kulmiye iyo dadkii dhiiga u soo shubay oo bacadka taagan caddaaladna uu u sameyn waayay madaxweyne biixi halka uu ka magacaabay dad aan 1 olole ka qeyb gelin oo muuse biixi codna uga keenin ardaayada ay ka soo jeedaan.

Ugu dambeyntii ilaa uu madaxweyne biixi sameynayo caddaalad iyo sinaan dalka iyo dadkaba wada deeqda waxay warbaahinta Karin News ku ahaanaysa mucaarad xag jir ah oo aan la gaban xaqa iyo xuquuqda ay ku leeyihiin dhamaan qaranka somaliland , hanti iyo maal iyo dhaqaale ay uga baahan tahay maanta karin news madaxweyne biixi ma jitro mana dhacayso inay shuruud ku xidho madaxweyne biixi warbaahinta karinnews balse ujeedka iyo hadafka koobaad ee ay ka duulayso warbaahinta karinnews ayaa ah caddaalad sinaan iyo musuq maasuqa iyo boobka hantida qaranka iyo masuuliyiinta ku suntan ee barta madaw u saaxiibka ah in la caydhiyo.
LATEST NEWS