Madaxweyne muusa maanso caawa soo direy

0
Wednesday 7th March 2018 14:42:55 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne muusa maanso caawa soo direy

    Madaxweyne muusa maanso caawa soo direy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne muusa maanso caawa soo direy

Muuse dareenkiyo Dabcigiyo kashiisii Wuxu daalana waa Mansoo caawa soo direy Wuxu yidhi diigtoonoow Golahayoow i daawada Marka hore dig baan idhi Dabci laabta baan idhi Dib u jeesta baan idhi Daja qoriga baan idhi Hoob jacdana daran idhi Digtoonaada baan idhi Dabadeed afkaaygiyo Dibnahay arkaan idhi Dabkay doontoo yeelkee Ninka doobya baan ahay Tuur digo ku shidayoo La dagalaaman ahay Cigaal diidaay baan ahay Rayaaliyo docsiina Hanjabaad diraan ahay Roob didib helaa jirey Iyo diriro cawleed Midna talada lagu dego Qoysku uma durbaan tumo Waxan uga dan leeyahay Nin dubaalad dheeroo Raggba dacal maran ahay Saamalana duwan ahay 



 Ninku daba galaan ahay Biixi waa darjiidhaaye Dudmaduu xal moodaye Ninka dooh idhaan ahay Didibsana faran ahay Doorashadu badnaydaa Ninka duubka xidhayee In la doorto rabayee Reerkiisuu diidaayee Wasiiradu la diriree Dadba mayada idhiyee Alle doortay baan ahay Silaanyo Iyo duudiisana Ninka shaani dirayee Khasab ugu daadaaleen Inuu doorka maantaa Dalka fuuloo baan ahay Darajada karaan kii Dirric aan baqaynoo Laga wadda danbeeyoo Marna daalay baan ahay Nin dan fuula baan ahay Duunyadu la yaablee Ma Annaa dalkeenii Wixii aan dagaal galay Iyo godabihii dura Dadka wadda dhamaantii Kaligaay duwaayoo Kuwii ii darnaa Iyo Kuwii duubka ila rabay Kuligood dalka u haya Darajana uu muuqdheer Alllow deeqsi sanidaa Dawladeey arkaan idhi Langaab ma doontoo Tali waa danbaabaye Laandheere lagu dego Xilka wadda dirsan idhi Hooyaday docdeena Inkastoon dab hore galey Dahab siisaan maayee Dakhligaa jaqaan idhi Reer daahir waa gobee Amniga ba darsaan idhi Reer yoonis duulkiyo Hinda daba galaan idhi


 Cumar waa duqoodee Iyagana xilka u direy Saanbuur soo duwan idhi Biciida na duxdan idhi Awal dooga baan idhi Cabashada ma dayaane Samaroon dulman idhi Harti daad ha qaadee Sadex dadab leh sii idhi Habaryoonis waa dudiye Sideebaan bal deeqdiyo Darajada u saaraa Niyadayda soo degee Laba dawdar oo falan Amarkaagu dirankaro Dikreetada ku daro idhi Cadaani Iyo docdiisiyo Golahii dalka ba cunney Dab caantuuga baan idhi Xisbiga na daysan idhi Jeegaanta dalabta leh Waar hooy kala dir baan idhi Dekadii ceshaan idhi Misna diidaay baan idhi Doono garoonkii baan idhi Doollar qaado baan idhi Ileen Deeq lagu qoray Daayin waayi maayee Dilaalkii hore tageey Kanna daba gashaan idhi
LATEST NEWS