Kaalintii Ay Hooyadu Ku Lahayd Noloshii Reer Guuraaga Iyo Dhibaatooyinkii Ay Ka Dhaxashay Cumar Axmed Cali. Q/2aad -

0
Thursday 8th March 2018 11:42:23 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaalintii Ay Hooyadu Ku Lahayd Noloshii Reer Guuraaga Iyo Dhibaatooyinkii Ay Ka Dhaxashay Cumar Axmed Cali. Q/2aad -

    Kaalintii Ay Hooyadu Ku Lahayd Noloshii Reer Guuraaga Iyo Dhibaatooyinkii Ay Ka Dhaxashay Cumar Axmed Cali. Q/2aad -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaalintii Ay Hooyadu Ku Lahayd Noloshii Reer Guuraaga Iyo Dhibaatooyinkii Ay Ka Dhaxashay Cumar Axmed Cali. Q/2aad - Kaalintii Ay Hooyadu Ku Lahayd Noloshii Reer Guuraaga Iyo Dhibaatooyinkii Ay Ka Dhaxashay

2) Hirgalinta aqalka Soomaaliga;Soomaalidu markii ay ku tafiirantay gayigan aynu maanta ku nool nahay, waxay kala kulmeen caqabado ka horyimidhabsami u socodka hamigoodii ahaa in ay dhidibada u taagaan nolol xasiloon oo ka hirgasho dhulkii xeebaha ah. Waxaana taa ugu wacnaa dadkii ay ugu yimaadeen dhulkanoo aan la haynxadaarad iyo ilbaxnimoay ka dhaxlaan, taa soosababtay in ay waayaan adeegyo badan oo ay baahi weyn u qabeen, sidahelida guryo la jaanqaadi kara nolosha reer guuraaga. Hadaba waxaan halkan si kooban ugutilmaami doonaa, sidiihooyooyinkii hore ee Soomaaliyeed uguguulaysteen in ay gufeeyaan baahidii guri la’aaneed ee la soo daristaymarkii ay bulshada Soomaalidu ka aas aasantay geeskan Africa ee aynu maanta ku noolanahay. Waxa kale oo aan isdultaagi doonaa haddii RABI ogolaado




sidii ay hooyooyinku ugu dhabar-adaygeen howshii aan dhamaad lahayn ee ka qabsatay taabo galintii Aqalka-soomaaliga.

 

Guryihiidugsoonaa ee Soomaalidu soo kala dhaxlijirtay fac ilaa fac,waxa injiineero iyo farsamayaqaanba ka ahaa haween Somaliyeed oo aan nuuxsiga aqoon, ku waa soo mar walba heegan u ahaa sidii ay u hirgalin la haayeen aqaladii quruxda badnaa ee Soomaalidu ku soo hanaqaaday.
Dhisida guriga-dasadu maaha hawl si dhib-yar loo fuliyo, ee waxay ku midho-dhashaa waa tacab iyo dadaal badan oo aan nasasho lahayn, waxaanahowshaa heegan u ahaa hooyooyin ku xeeldheernashqadaynta iyo samaynta Aqalka-soomaaliga, ku waa soo ka curin jiray cowska iyo dhirta oo ay si farshaxannimo lehiskugu habeeyeen.
Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalidu waxa kaalin mihiim ah kagajirey hirgalintii Aqalka-soomaaliga, kaa soo daboolay baahidii la soo daristay markii dhidibada loo taagay noloshii reer guuraaga, xiliyo aanay jirin magaalooyin camiran iyo maamul lagu tiirsadaa midna. Inkastoo abyidda Aqalka-soomaaliguahayd howl midho dhashay, hadana waxay dhiigbax iyo dhabar-jabbaku ahayd, hooyadii la kacaa-kufaysay sidii ay u hirgalin lahayd hoy laga dugsado Dhaxanta iyo Hanfiga jiilaalka. Dhisida iyo samaynta Aqal-soomaaliga maaha howl marnaba dhamaata, ee waxay u baahan tahayshaqo joogto ah oo habeen iyo maalinbaloo taagnaado, waxaanay taasi warwar badan ku haysay hooyadii jiif iyo joogba ku waydayhowshii aan dhamaadka layn ee taalay noloshii baadiyaha.

3)Geediga iyo waayihiisa; Geedigu waa astaan ka mid ah astaamaha lagu yaqaano reer guuraaga, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay ka ugu dhibta iyo rafaadka badan noloshabaadiyaha, marka la eego diiftii iyo daalkii ay kala kulmijreen xiliyada ay reeruhu guurayaan.
Geedigu waxa uu ku yimaadaa siyaabo badan oo kala duwan, waxa'se ugu caansan seddex marxaladood oo keena geediga la guuro, midda koobaad waa xiliga kaliisha ee xooluhu abaarsadaan islamarkaana loo raadinayo meel ay ku yaalaan geedo qoyan oo xooluhu ku doogsadaan, midda labaad waa xiliga dayra-dhaafka oo loo guuri-jirey meelaha Biyaha agtooda ah, si ay dadka iyo duunyadabaugu dhawaadaan ceelasha laga cabo, midda sadexaadna waa marka ay beeluhu isqoonsadaan dhexdoodana colaaduhu ka qarxaan ee qolo waliba dhinac u firdhato. Si-kastabahaku yimadee waxa hubaalah indhibta ugu badan ee geedigu kudhici-jirteyhooyadiiSoomaliyeed eela daalaadhacaysay duruuftii iyo waayihii qadhaadhaa ee ku haystay noloshii baadiyaha, taa soo dhibta iyo rafaadka ay la noolayd uuka muuqan jirey oogadeeda . Hadaba marka uu roobka gugu ka ka hooro dhulka daaqsinta ku haboon, waxa loo hayaami-jirey halkaay deegaantu ka curatay, si loo gaadho kaymo rays iyo ugbaad leh oo xooluhu ka gu’yaad sadaan. Sida uu dhigayo sharciga reer guuraagu, waxa go’aanka geediga iska lehodayaasha reeraha u taliya, iyagaana cayimi jirey xiliga la guurayo iyo meesha loo guurayo. Waxa kaloo iyana qasab ahayd in la rarto guryihii ay ka dugsan-jireen dhaxanta iyo milicda jiilaalka.
Markay ay hooyodu maqasho go'aanka geediga waxay u diyaar garoobi jirtay sidii ay waabariga u raran lahayd awrteeda, iyadoo islamarkaaba bilaabi-jirtayhowsha geediga ee hortaala, waxaanay u kala horaysiin jirtay hadba sida ugu suuragalsan ee ubadkeeduna u sii dugsan lahaa guriga, iyaduna howsha iskaga sii fududayn la hayd.
Hooyadu habeenkaa may seexan jirin ee waxay la xarbiyi jirtay sidii ay iskugu dubaridi lahayd howsha geediga ee sugaysa, waxaanay raridda awrta bilaabi jireen intaan waagu baryin, caawimo mooyee hooyadu iyadaa u taagnayd rarashada awrteeda.Waxa kale oo suuro gal ahayd in hooyadu qabto duruuf iyo waayo u gooni ah oo ay la tiicayso, hase yeeshee wakhtiga iyo waahaya la joogaa u ogolaan waayay in ay hesho daryeelkii iyo caawimadii ay u baahnayd, sababta oo ah xiligaa wax waliba way xadidnaayeen mana jirin wax lagu daryeelo oo halkaa yaalay. Hooyadalafteedaway u muuqatay in aanay jirin meel kale oo ay u ciirsataa, oo aan ahayn noloshaa geediga iyo galab carowga ku dhisan.
Si-kastaba xaalku ha ugu adkaadee hadana hooyo waliba waxay salaada-hore hogaanka u qaban jirtey awrtiiayu saarnaayeenaqalka iyo ubadka yar yar ee lugayn kariwaayay.
Iyadoo hooyadu diifta iyo daranyada ka muuqata aanay cidi qiyaasi karayninayay hadana gali jirtey boqolaal mayl oo socod iyo soomal-haad ah, waxaayna maalintii oo dhansii dhex jibaaxi jirtey dhul oomana ah oo ci'da shimbiraha iyo duurjoogta mooyaane aanay jirin wax kale oo la weheshadaa.
Hooyada socodka daalka badan ee haystaywaxa u dheeraa oonka iyo gaajada ay la qama-dhacyoonayso,maxaayeelay halkaa kamay jirin hudheelo iyo dukaamo marka la gaajooto loo doonto cunto iyo biyo nafta lagu sabaa.

Waxa kasii darnaa markay reeruhu guuraan hooyadu waxay xambaari-jirey ilmaha yar ee awrta iyo lugta midna u qaban waaya, waxaanay dhabarka ku sidi jirtey maalin oo dhan iyadoo mararka qaar xanbaarsanaan jirtey cadeed-soobax ilaa gabal-dhac.

Waxay hooyadu ilmaha yar ee ay dhabarka ku sido, kala gudbi jirteydhul aad u kala fog oo ay adag-tahay in ay cidiba ku noolaato, taa soo iyada iyo ilmaha yar ee ay xambaarsan tahayba hanfiga iyo milicdu ku leefaysi-jirtey dhulka omoska ah ee ay la lugaynayso.
Inta badan markuu gabalku sii dhacayo waxa reeraha la furi jirey meel cidlo ciirsila’ ah oo aanay ka jiringoryo ay dadku seexdaan iyo xerooyin ay xooluhu u hoydaan midna.
Hooyadii xalay oo dhan la xarbiyaysay furfuridda iyo raridda aqalka, ee maanta oo dhan awrta raran gadhka jiidaysay, ee ka soo gudubtay boqolaal mayl oo gaajo iyo haraad yaalo, ee daalka iyo gaajada haysa cagaha dhulka la waa waayaysa, ayaa hadana laga sugayay in ay dhisto gurigii loo hoyan lahaa, iyo in ay kariso cuntadii la quudan lahaa, taa soo baahida loo qabaa ay tahay mid heerkeedu aad u sareeyo,sababtoo ah sabigagaajaysani ma awoodo in uu u sii adkaysto dihaalka gaajada ee uu la dubayoobay.
Waa Hooyo 24saacdood oo xidhiidh ah la ladgamaysay howl aan kala go' lahayn, oo hadana ay u bilaabmayso mid kale oo oodeheedii wadataa, oo ilowsiisay daalkii iyo gaajadii ay la ciirciiraysay. Waxa kasii daran halkaa inta badan ma oolin mahadnaq iyo hadalo beerqabiwsileh oo hooyada samirka u xoojiyaa. Waxa'se wehel u ahaaadkaysigii iyo yuhuuntii ay ka dhaxashay jiilkii iyada ka horeeyay ay ka midka ahaayeen hooyadeed iyo ayeeyooyinkeed, ku waa soo ay u garaadaysatay iyagoo la xarbiyaya howl aan dhamaad lahayn.

By Cumar Axmed Cali; cumaraxmed

[email protected]/0634244802.

LATEST NEWS