Musuqa shaqaalaha iyo maamulka madhalayska ah' Ee Sharmaake Geelle dhalinyaradu waxay ka dheefeen

0
Monday 12th March 2018 07:25:59 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Musuqa shaqaalaha iyo maamulka madhalayska ah' Ee Sharmaake Geelle dhalinyaradu waxay ka dheefeen

    : Riyo aan rumoobin, Rajo xumo aan kasoo rayn, Tahriib iyo Taabo xumo, Qaran ka carar iyo Qax dhalinyaro, u hanqaltaaga dalal shisheeye, hulleel iyo u hayaanka yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

: Riyo aan rumoobin, Rajo xumo aan kasoo rayn, Tahriib iyo Taabo xumo, Qaran ka carar iyo Qax dhalinyaro, u hanqaltaaga dalal shisheeye, hulleel iyo u hayaanka yurub.

Musuqa shaqaalahaiyomaamulkamadhalayskaah' EeSharmaake Geelle dhalinyaradu waxay ka dheefeen : Riyo aan rumoobin,Rajo xumo aan kasoo rayn,Tahriib iyo Taabo xumo,Qaran ka carar iyo Qax dhalinyaro,u hanqaltaaga dalal shisheeye,hulleeliyo u hayaanka yurub.

1: Waa kuma sharmaake Geelle sidoo kalewaa maxaya heerkiisa Aqooneed:



Sharmaake Axmed Muxumed Geelle waa gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada. sidoo kale wiil dhalinyaro ah isla markaasina khalisay jaamacad heerka 1aad sanadii 2011-kii gaar ahaan jaamacad boorama ee camuud.





2: Sidee Ku helay ama ku hantay shaqadan gudoomiyaha haayada shaqaalaha dowlada.



sharmaarke waxa uu fursad shaqo nasiibku ka halabsiiyey xukuumadii hore ee Axmed siilaanyo isagoo ahaa xoghayihii Ex Wasiirkii madaxtooyada xirsi cali xassan, muddo markii uu hayey shaqadaas ayaa waxaa xilka wasiirnimo loo magacaabay kana mid noqday golaha wasiiradawasiirkii hore ee duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi, oo ahaa shakhsi jecel dadka ka daba guul wadeeya iyo inuu yeesho basaasiin khaasa oo isaga usoo gudbisa siraha madaxda kale ama xafiisyada kale ee dawlada. sharmaarke geelle iyo wasiir maxamuud xaashi oo ku cusbaa xilka iyo xukuumadabaayaa ay dhexmartay wada shaqayn, taasoo oo uu sharmaarke geelle xogaha, siraha, iyo axwaasha khaaska ah ee wasiir xirsi usoo gubin jirey. maadaama labadan wasiir ee isku degelka deegaanka iyo ab-wadaagtaba ah, ayka dhaxaysay hardan iyo xifaaltan dhanka siyaasada ah. geelle ayaa ahaa shakhsigii xogaha iyo siraha u kala qaadi jirey xafiisyada labadaasi masuul.



xaal wuxuu halkaa joogaba xirsi cali xasan ayaa ka degay jagadii ahayd wasiirka madaxtooyada, waxaana isla markiiba madaxweynuhu xilkaa u magacaabay, maxamuud xaashi, kadib qabadashadii iyo hanashadii xilkaa, waxaa lagu abaaliyey ama abaal looga dhigey sharmaarke geelle Xoghaya golaha wasiirada, 14/12/2015. isagoo si fiican oo hagar la'aan ah uga soo baxay hawshii basaasnimo ee uu u hayeye maxamuud xaashi, sidaa awgeed ayaa loogu magaacabay Gud: Haayada Shaqaalaha Dawlada.



3: Magacaabistii Xilkaa Kadib Maxaa Dhacay



kadib magacaabistii xilka gudoomiye nimo ee haayada shaqaalaha dowlada sharmaake geelle, waxaa rajo iyo ididiilo nololeed soo gashay dhamaan dhalinyarada aqoonyahanka ah isla markaasna ku sugan soohdinta camal la'aanta ahee Somaliland.maadaama haayadii shaqaalaha dawlada gacanta loo geliyey shakhsi dhalinyaro ah, waxaanay dhalinyarada somaliland deymada wiyisha ku milicsanayeen halka uu ka bilaabo hawsha, iyo isbedelka cusub ee uu keeno. itnaas kadib sharkmaake waxa uu la fal galay warbaahinta waxaanu bilaabay dardar aftahanimo iyo afgobaadleyn, isagoo dedaal dheer u galay hanashada quluubta shacabka isagoo media ha ka yidhaahda hadalo turxaan la'aan ah, isla markaana macaan oo bedeli kara dareenka qofka, waxaana kamid ah halku dhigyadiisa hirgalay ee mala-awaalka ah isla markaasna uu ku lab kacayiyey dhalinyarada dalka:



> sarrayn aan sinji lahayn

> qalin aan qabiil lahayn

> caddaalad aan ciil lahayn



hayeeshee xaqiiqadiisa ayaa ah shakhsi xajiin ku reebay dareenkii dhalinyarada iyo ididiiladii soo gashay magacaabsitiisa kadib, sidoo kale waa khabiir dhanka qabyaalada ah waxaanu garab iyo gar'ba la garab istaagay beesha uu ka takfiiranyahay waana qoqobaa qabyaalada la halmaala.



4: Caddaalad Darrada sharmaake Geelle iyo cadaymo la xidhiidha.



sharmaarke geelle bishii may ee sanadkii tagey 2017-kii waxa uu shaaciyeyin 30 shaqaale ah u baahantahay haayada dawladu, isla markaana si caddaalad ah ugu kala bixi doonaan imtixaan, sharmaake si uu indhaha uga shareero bulshada waxa uu ku dhawaaqay inuu ku qaban doono imtixaanka gobgolka sool waxaana daymada shabeelka ku milicsaday kuna farxay boqolaal ka mida dhalinyarada ku sugan soohdinta shaqo la'aanta ee jaamacadaha ka qalin jabisey,iyadoo ay galeen imtixaankii macalimiinta imtixaanka gashayna sodonka quraanka baalaha ku fureen (dhaarteen). kadib waxaa dhacday iney shaqaalahaasi qaar cabashooyin muujiyeen, carrabaabeena inaanu imtixaan kaasi caddaalad ahayn.



intaas kadib taariikhdu markay ahayd 19/8/2017-kii waxa uu markale sharmaake shaaciyey in 30 qof imtixaan caddaalad ah ku kala saarayaan islamarkaasna ka hawl geli doonaan wasaarada dalxiiska somaliland imtixaankii ayaa si dedega u qabatay haayada shaqaalaha dawlada, isla markaasna waxaa imtixaankii lagu dhex daray shakhsiyaad uu sharmaake iyo wasiirka dalxiisku ay wataan iyadoo arinku ahaa indho sarcaad iyo majaro habaabin loo geystay dadka laabta xaadhan ee somaliland. waxaana soo baxay shakhsiyaadkii ay wateen sharmaake iyo wasiirku , waxaana halkaas lagula kacay caddaalad darro, tacaddi, iyo takri-fal dhamaan dhalinyaradii ka kala timid gobolada somaliland.



5: Fashilkii sharmaake ee labadiisa weji lagu yaqiinsaday:



sharmaake geelle intaas kadib waxaa in badan oo shacabka somaliland ahi xaqiiqsadeen inuu yahay laba wejiile waxaana kala fog wejiga uu warbaahinta lasoo hor istaago ee ah wanaag muujinta iyo shaksiyad dad jacayl iyo caddaaladi ka muuqato.

wejiga labaad oo ah inuu yahay shakhsi yaqaan qabyaalada, qabweynaanta, una taagan quusta iyo niyad jabka dhalinyarada,



hadaba madaxweynaha wakhtigan gacanta ku haya talada dalkaMD Muuse Biixi ayaan waxaan ka codsanayaaanoo ku hadlaya Afka dhalinyarada Somaliland sharmaarke geelle inuuka qabto dadka iyo dalka, khaasatan dhalinyarada ay ragaadisay shaqo la'aanta baahsan. hadii kale waxaa suuro gal noqonaysa in dhalinyarada oo ah cududda dal ku naaloodo,ay noloshoodamarti uga noqon doonaan dawladaha shisheeye iyo kuwa jaarkaba. Ileen(Nin Sed Gaaban Iyo Awrkuba, Wey Sibiq Dhaqaaqaane, Labadaba Hadaan Seeto Celineyen Wey Sibiq Dhaqaaqaane). Waxaana dhacaysa tahriib iyo dal ka qax dhalinyaro, iyagoo u badheedhaya mahlakada, rafaadka, raxanraadka, iyo duruufaha, adag ee nololeed, isla markaasna intay jidka ku jiraan ay la kulmayaan sida, geeri dhaawacyo jidheed iyo maskaxeed, curyaamin dhaqaale,mahlakada saxaraha iyo sidoo kale badda.



6: Hadaba Waa Sidee Hawshan Cusub ee uu Ku diwaan Gelinayo Shaqaalaha Dawlada ee dhamaan gobolada dalka.



haayada shaqaalaha dawlada waxaa hoos yimaada guud ahaan shaqaalaha ka hawl-gala laamaha wasaaradaha dalka iyo shaqqlaha kalee dawlada, marka marka laga reebo shaqaalaha dawlada hoose iyo Laanta amaanka (Ciidamada). sharmaarke Geelle ayaa waxaa looga bartay ku dhawaaqid ama shaacin uu media ka shaaciyo inuu shaqo hufan u qabanayo qaranka dadkuna ka faa'iidaystaan, hayeeshee waxaa dib laga ogaaday inay hawshu tahay mid dano shakhsiyadeed oo gaara uu ku wato sharmaarke geelle tahayna shaqo gacan rimis ah, isla markaana uu wadada u xaadhayo cid gaara oo uu isagu wato

shaqadan uu hadda ku tiro koobayo shaqaalaha dawlada dhamaantood, ee ka hawl gobolada gedaha weyn ee Somaliland.waxay la ogsoonyhay lagana dheregsanyhay inay la mid tahay hawlihii hore ee uu ku dhaqaaqay sidoo kalena dhicisoobey. noqdayna (Hal Bacaad Lagu Lisay) ee uu uga faaiideeyay dadka gaarka ah. ee uu watay.

waxaa sidoo kale mudooyinka dambe intii ay curatay xukuumadan cusubi seefta galka kasaartay oo shaqo caydhin baaxadleh ku sameeyey qaar kamida shaqaalaha dalka . hadaba guud ahaan hawshan uu hada faraha kula jiro ayaa ee ah shaqaalaha tirokoobkooda ayaa loo aanaynayaa in uu wato dano gaara isla markaasna uu uga gol leeyahay shaqo caydhin.



maan qorin qoraal been abuur ah iyo takri-fal aan u geystay sharafta iyo shakhsiyada sharaamke ee waa xaqiiqo (Doqoni Garatay Ah)

 

 

 

W/Q: Aqoonyahan Fadxi garaad ciise Uk

 

Cont:[email protected]or +252 63- 4001631

LATEST NEWS