Tix Gabay ah Oo Ka Hadlaysa Khiyaanadda Muqdisho by -

0
Tuesday 13th March 2018 08:08:17 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tix Gabay ah Oo Ka Hadlaysa Khiyaanadda Muqdisho by -

    Tix Gabay ah Oo Ka Hadlaysa Khiyaanadda Muqdisho by -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tix Gabay ah Oo Ka Hadlaysa Khiyaanadda Muqdisho by - Maansadu qiyaasli'i Uma qaybo socotee Qotadeedu sii dheer

Tixdani Caawa oo ay tahay 11-03-2018 ka ayay soo baxday. Mawduuceeduna wuxu yahay oo ay la hadlaysaa Inta Walaalnimada Afka ka sheegata Haddana Xumaanta cadaawadeed fogaan iyo Sida Munaafaqnimadaasi aanay u shaqaynayn !

QUN U SHEEG
_________________



Maansadu qiyaasli'i
Uma qaybo socotee
Qotadeedu sii dheer
Qabarkiyo warkeeduna
Yaanu kula qadhaadhan

Qardajeex ilduufkiyo
Qawlaysi nimadii
Quluumbaha sidii sii
Qaafilkaa laf raamsaday
Inuu qaamud kii galay
Waa jawaab qiraallehe
Miyuu qawl ka joogaa?

Xuunshada qasirantiyo
Qalqallooca muuqdaa
Waa tilmaan qiyaasloo
Waxay qeexaysaa tani

Inkastoo la qariyoo
Qorshe lagu hadoodilo
Laga dhigo qusuusiga
Mayalada qorshaynkara
Inaan qaanso waranluhu
Qofkaleeto noqon karin!

Qun u eegga xaajada
Qarqarsiga istaagga ah
Qufac beenta dhawrtale
Qobtol



daah ka dhigashada
Iyaduna qiyaas kale
Qeexiddeedu waxay tahay

Qusur boholo dhaadheer
Qawyada talfiiqa leh
Qodxan leeyda buurahu
Haba qaayo togan tee
Weligood qarqoorradu
Qumanaanta deegaan
Qal bannaana laga waa!

Qarandidu sideedaba
Inqodaala mooyee
Quwadeeda taamka ah
Qiiro kale kumay gelin
Tukuhuna wax qaadiyo
Laf quddayso mooyee
Qasti kale mabuu dhalin

Qaabkaas waxaa dhigan
Kuwa ay qalbiga iyo
Quluub tooda maankaba
Qandi madhan la meerkiyo
Qalamsiga u taagane
Qorshe kale ka haajiray

Qodob kale wuxuu yahay
Hayskaba qaldhabatoo
Marba qiil ha keentee
Ma kolbay qiyaanadu
Qaab guusha kuudhala
Qormo kuugu keentaa

Qawl tamar la aaneed
Xaasidnimo ku qorantahay
Kuwo quwad u haystoow
Qader kiinu wuxu yahay
Qaawanaan qof jeestada
Suuqyada ku qaabila
Misna qaabad yaabbadan
Quruumaha maryaa xidhan
Qabsadoo xarraga fara !

Qisadiyo cajiib keed
Markalena qiyaasteed

Qool adag qof laguxidhay
Lagu meershay qodad iyo
Qaltafiiqyo aan jabin
Qawsaynna ku af jaran
Qamuunyada qalbiga taal
Halkuu qoorta laga xidhay
Xornimada ka qaaliban
Quustiyo halgaaddada
Halkuu talo qormayn laa
Hadduu qiiro ximisno
Qafqaf ugu calaacalo
Allaylehe qalfoof iyo
Waa qaabka ebernimo !

Qarannimada boocda ah
Qaranimada been ta ah
Qarannimo shisheeyuhu
Qoryaha u sifeeyaan
Qolqolkana u joogaan
Qarannimada qoonta ah
Qarannimada qoonkeed
Qiyaaliga ku shawraan
Qarannimo qadaadkiyo
Qarqar keedu jiifsaday
Qarannimo kuwii qalay
Weli sii qatalayaan

Qarannimada sheegga ah
Balse aan qolka u talin !

Qarannimada quudkiyo
Qarjajabada lagu rabo
Qarannimada qiil qiil
Qaxwe loogu sahantago
Qarannimo yaboohsiga
Soddon sano ku qawlalan !

Qodxo been ku toyoshada
Qarannimo Af laga qabo
Balse aan indhuhu qaban !

Qarannimada qalin madhan
Isagoon qad lagu shubin
Saxeex lagu qareensado
Qoritaan markuu gabo
Qaylada hayaay da ah !

QADAR iyo agteediyo
Dalal kale la qaayibo
Sidii ay wax kuu qaban
Marba laga qadhiidhsado
Shilimaad la qaybsado

Qarannimada qarawga ah
Qabka iyo sharcigu jabay
Qarannimada quluxda ah
Qaw qawda laga rabo
Qarannimo habeen dumay
Qorrax looga dhigo toosh

Qarrannimo Abaaraha
Dhulka oo qoyaan gabay
Qulqul daad ka buuxiyo
Qajeel looga dhigo doog

Qarannimo walaalnimo
Lagu qaasho ehelnimo
Misna qodobka beenta ah
Qoomiyad la daydayo !

Qarannimo midayn quba
Misna qodobka beenta ah
Qoollaali hadal madhan
Qaran loogu waco meel !

Qarannimo xigaalsiga
Qurux looga dhigay door
Qarannimo sharcigu qabo
Qardoofada cadliga sugan !

Qarannimada qaadhaan
Shilimaad lasoo qoday
Quful lagu adkaystee
Marba tuuggu qaataay

Qarannimo jiraal keed
Qabbaan looga dhigay qaar
Qaarado ka soo tegay
Dabadadeed qudhqudhiyaan
Wixii qayr ku duugnaa

Qarannimo wax lagu qaban
Misna qawda-maqashii
Qarammada midoobay
Qayb baan ku leenahay
Qaw qawdu lagu guro

Oo haddana qalwiyo edeg
Qadaw xagar ka hoosbaxay
Inta qoobad laga dhigay
Qotin lagu adkee yee
Qallaxaadda loo xidhay !

Iyadoo qadoodiga
Shicibkeedi qadayaan
Qaxa iyo dagaal kana
Ay qaati joogaan
Qallibaadda noloshuna
Ayku tahay mid qaxar iyo
Quus gelisay aayii
Halkii loo qaddimi laa
Qidimaadka shacab rabo
Qarannimada dooshee
Qarka kale ka hadashaay !

Qooraansi dhugashada
Ummad qaayib nololeed
U qablaysay waa hore
Qarannimda xagataay !

Qarni hore warkiisii
Qaryaan keenni Dhoodaan
Mar uu Fadhato qoonsaday
Qiyaas tuu u dhigay waa
Waanadii qalbiga tiil
Qushi waa kuwii yidhi
Qaderaado dabadeed
Waakii wiishku qaalibay
Maantana qarniga cusub
Waddadii qarriban bay
Qalwo sii qulqulaysaa



Farxaan Maxamuud Maxamed "Galaydh"
LATEST NEWS