Digniinta uu Wasiirka Biyuhu u Diray Gaadiidlayda Booyaduhu waa Farriin Lagu Diirsaday By: Maxamed Faarax Qoti

0
Thursday 12th April 2018 09:07:42 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniinta uu Wasiirka Biyuhu u Diray Gaadiidlayda Booyaduhu waa Farriin Lagu Diirsaday By: Maxamed Faarax Qoti

    Digniinta uu Wasiirka Biyuhu u Diray Gaadiidlayda Booyaduhu waa Farriin Lagu Diirsaday By: Maxamed Faarax Qoti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Digniinta uu Wasiirka Biyuhu u Diray Gaadiidlayda Booyaduhu waa Farriin Lagu Diirsaday By: Maxamed Faarax Qoti

By: Maxamed Faarax Qoti

Markii uu waagu baryey ee aan soo toosay aroornimadaas ayey indhahaygu halacsadeen war farxad leh oo lagu daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo Dawan,caddadka tirsigiisii33470, oo ku taariikhaysnaa, 9-kii- April-2018-kii,Markii aan wada akhriyey warkii ku qornaa wargeyskaasi oo nuxurkiisu ahaa digniin loo diray gaadiidka booyaha ee biyaha ka dhaamiya meelaha dooxyada ah ama biyo-fadhiisimaha ah aan caafimaadkoodu fiicnayn, ayaan yara showray, ka dibna, waxa aan jaleecay wiil dhallinyaro ahoo ka qallin-jabiyey kulliyadda culuunta caafimaadka oo ku fadhiyey kursi hareertayda yaalay, waxaanan ku idhi; "Haddii aad xogogaal u noqon lahayd wax badan oo aan xogogaal u ahay ama aad akhiriyi lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska Dawan, sidaas umaad xiirateenee waad murugoon lahayd.”

Run ahaantii, markasta oo aan dad badan oo uu ku dhacay xannuunka kansarka ama wax yeelo ka soo gaadhay hab-dhiska xididada Neerfaha, beer-xannuunka, dhicinta iyo dumar badan oo ka cabanaya hab-dhiska taranka oo daawo u doonanaya dalka dibadiisa, waxa aan xasuustaamuddo haatan laga joogo afar sannadood ayaanu cabsi weyn ka qabnay inay soo qaadeen roobabkii da’ayey sunta hadhaadiga ah ee ku keydsaneyd xeradii la dagaalanka Ayaxa, soonagaadheen dooxa caasimadda Hargeysa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ka dib, markii aanu wargalinay, waxa ka hawlgalay Wasaaradda Beeraha oo kaashanaysayHay’adda FAO iyo Hay’adda Blacksmith in la soo mariyo mashruuc ay maalgalinaysay Midowga Yurub, kaasoo lagu rarayey, laguna nadiifinayey sunta hadhaadiga ah ee ku keydsan xerada sunta Ayaxa iyo in baadhitaan lagu sameynayey heerka ay gaadhsiisan tahay sunta ku jirta ciidda iyo biyaha dooxa Hargeysa.

Suntancayayaan dillaha ee loo yaqaanoDichlorodiphenyltrichloroethan e (DDT) oo uu qaabkeedu yahay dux u kala gooshi karta masaafad aad u dheer oo lakabka sare ee ciidda ah, taasookhatar weyn ku keeni karta deegaanka, xoolaha iyo noolashaba aadamaha,ayaan haba-yaraatee waxba ka fulin wax ka qabashadeeda.

Sannad ka dib, adhi badan ayaa ku sumoobay biyo ay siday booyad ka soo dhaamisay dooxa Hargeysa, ka dib markii la waraabiyey adhigaas, iyadoo ay halkaas ku bakhtiyeen adhi tiradiidu dhan tahay 116 neef oo isugu jira riyo iyo ido, arrintaas oo ka dhacday degaan u dhow duleedka Halleeya ee bariga Hargeysa, taasoo waliba ay booyadaasi dhinaca kaga xardhaneyd qoraal ah "Lama cabbi karo biyahan, waxana loogu talogalay dhismayaasha oo qudha.”

Haddaba, maadaama assaasska kowaad ee nolosha aadamaha ay tahay biyaha, isla markaana boqolkiiba shan iyo sodon 35% ay hellaan biyaha qasabada ee nadiifta ah boqolkiiba shan iyo lixdan 65% ay helaan biyaha booyadaha ee laga soo dhaamiyo ceelasha Dararweyne qoysaska degan caasimadda Hargeysa, waxa aynu halis ugu jirnaa waxyeelada suntaas ama hadhaaga kimikalka warshadaha iyo saxarada lagu daadiyo dooxa Naasa-hablood haddii ay gaadhaan ceelashaas.

 

Run ahaantii waa mid lagu diirsaday dhawaaqan iyo baaqyada isdaba jooga ah ee xambaarsan naxariista ee ka soo yeedhaya mid ka mid ah Golaha Wasiirrada xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ah Wasiirka Horumarinta Biyaha Md. Saleebaan Cali Koore oo ah masuul leh waayo-aragnimo dheer oo ay ka muuqato indheer-garadnimo ay ku dheehan tahay xeel-dheer xil-kasnimo iyo xogogaalnimo uu u leeyahay hab-nololeedka degaanka bulshada reer Somaliland.



Wasiirku isagoo ka duulaya hiigsiga lagu gaadhayo himilada iyo siyaasadda lagu horumarinayo biyaha sidii ay u helilahaayeen biyo nadiif ah oo ku filan dhammaan bulshada reer Somaliland, ayuu ku dhiirigaliyey maalqabeenadu inay ka qaybqaataan dedaalada ay xukuumaddu ugu jirto sameynta biyo xidheeno iyo dhaamam lagu qabanayo biyaha roobka ee qulqulaya dooxyada xili-roobaadyada, kana faa’iideystaan, bulshadana ay ugaga faa’iideeyaan.

Waxa kaloo uu Wasiirka Horumarinta Biyuhu soo saaray baaq wareegto ah oo lagu ilaalinayo fayo-qabka ceelasha booyaduhu biyaha uga soo dhaamiyaan bulshada, maadaama ay jiraan booyado biyaha ka soo dhaamiya meelo aanku habbooneyn, taasoo xili-roobaadyada bulshada ku keeni kara dhibaato caafimaad-darro magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, halka uu sidoo kale digiin u diray booyadaha lagu qabto inay biyo ka soo dhaamiyeen meelo biyo-fadhiisimo ah oo aan saxadoodu fiicnayn.


Maxamed Faarax Qoti

 

 


LATEST NEWS