INTAADAN BUUGG QORIN IS QIIMMEEH Qalinlayda Cusub Oo Qiimo tiray Qorista Buugaagta.

0
Friday 13th April 2018 11:42:34 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INTAADAN BUUGG QORIN IS QIIMMEEH Qalinlayda Cusub Oo Qiimo tiray Qorista Buugaagta.

    INTAADAN BUUGG QORIN IS QIIMMEEH Qalinlayda Cusub Oo Qiimo tiray Qorista Buugaagta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

INTAADAN BUUGG QORIN IS QIIMMEEH Qalinlayda Cusub Oo Qiimo tiray Qorista Buugaagta.
Mihnadda qoraaanimadu Waa hibbo iyo Hal-abuur Eebbe ku galaday Dadka Qaar ka Mid ah oo leh Xirfad iyo Xeeldheeri, ay Innoogu tusmeeyaan, Waayaha iyo Wacyiga Nolosha Weheliya oo isagu jira kuwo taban iyo kuwo togganba.
Haddaba Inta Aanan u gelin Dulucdda Dhigmadan, Waxaan aad u dhiirigelinayaa Dhalinyarada qalinlayda ah ee Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidaba, kuwaas oo u hamoonaya in ay Innoo Weeleeyaan dhigalkeenna iyo Afkeenna hooyo, ee hoddanka ah.


Haddaba beryahan waxaa soo batay Dhalinyarada qalinlayda ah ee soo bandhiga buuggaata ay qoraan, Sideedaba Mihnadda qoraaanimadu waa qayb wayn oo ka mid ah Cilmibaadhista (Research). Sababatuna Waxa weeye Marka qofku u Yeel qaato in u buug qoro wuxuu u baahanyahay In uu Soo Ururiyo Xog iyo Aragti baddan oo ku Saabsan Mawduuca u buugga ka qorayo.

Haddaba Marka aad booqatid goobaha dhigaalka Sida Laybareeriyada (Library) iyo Magtabadaha Waxaa markiiba inadhahaagu qabanayaan buugaag tiro baddan oo yaalla goobaha Akhriska, buggaagtaa waxa inta baddan qoray dhalinyaro, u hamuun qabta qoraalnimada lkn Marka aad wakhti u hurto in aad Akhrido Waxana ka faaii'do Indhuhuna ku daallaan buuggataa faraha badan ee Yaalla goobaha dhigaalka waxaa kuu Soo baxaya dhaliilo waa wayn iyo goldaloolooyin baddan oo ka Muuqata Xirfad iyo garaadka qorayaasha da,yarta ah.
Inta baddan dhalinradu waxay wax ka qoraan arimaha bulshada, Sida Suggaanta, Jacaylka, guurka, dhaqanka iyo Wixii lamid ah.

Ugu horrayn In u qofka wax qoro waxaay ku xidhantahay awoodiisa Xirfadeed iyo Waayo aragnimo ee qoraagu leeyahay,
Daaahfurka buug Cusub waa Mid ku baddan indhaheen iyo dhagaheena lkn dhadhanka qoraalka iyo dhaxalka buuggu Waa Mid Caato ah oo aan u qalmin In la Soo bandhigo. Sababtuna waxa weeye buugga waa la qorikaraa Xafladna waa loo qabankaraa lkn waxa ku qoran Mayihiin kuwo Mucjiso ah u qalma in la'la shir Yimaaddo.

Sidoo kale Qofka qoraalka Samaynaya waxa lagama Maar maan ah in u galo Safarro iyo Suuddaal dheer oo ku qotoma Xog raadis, taasina waxay Xaqiijinayasaa Milgaha iyo Macquulnimadda buugga.
tusaale ahaan Marka taariikh la qorayo waxaa loo qaybiyaa labbo, tagto iyo joogto, waxaana afka qalaad lagu dhahaa (primary and secondary sources)
 

Marka Wax laga qorayo tagta hore waxaa Muhiim ah in aad raadis dadkii goob jooga ka ahaa Mawduuca aad wax ka qorayso, Sidoo kale waa in aad raadisaa dhiganihii iyo dhaxalkii laga reebay haddii ay jiraan.
Sidoo kale Haddii aad wax ka qoraysid Milanka la joogo waa in aad la wadaagtaa dhigaalkaaga Cid kasta oo aqoon iyo Waayo aragnimo u leh Mawduuca aad wax ka qoraysid Wana in aad Soo Xigatid dhiganayaal lamid ah buugga aad qoraysid. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aad Waraysiyo layeellato Lana waddaagto Qoraalkaaga kana qayb geliso Xeeldheerayaash lagu qaderiyo dhiganaha aad qalinka u qaadatay.


LATEST NEWS