Qisada Heesta (Daalo Aragtideedaay) Ee Cabdi Qaadir Xirsi "Yamyam".

0
Friday 13th April 2018 11:48:18 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisada Heesta (Daalo Aragtideedaay) Ee Cabdi Qaadir Xirsi "Yamyam".

    Qisada Heesta (Daalo Aragtideedaay) Ee Cabdi Qaadir Xirsi "Yamyam".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qisada Heesta (Daalo Aragtideedaay) Ee Cabdi Qaadir Xirsi "Yamyam". Halkaas markiii ay hawshu marayso ayaa waxa hadalkii qaatay Cabdiqadir Xirsi Yamyam oo odaygii ku yidhi adeer maxaa kugu dhacay? Sidee lagu hayaa?

Heestani waxa ay dhagaha umadda soomaaliyeed soo gaadhay bilowgii sannadkii 1970-kii. Goor sheekgtu waa 7:30 subaxnimo. Cabdiqaadir Xirsi oo ku magacheeraa (Yamyam) oo fadhiya xafiiskiisa uu ku dhex leeyahay Akadamida Calmiga Fanka iyo Suugaanta ee Umadda Somaaliyeed, waxa si kadis ah xafiiskiisa u gu soo galay fannaankii caanka ahaa Salaad Maxamed Shardi oo ku magac dheeraa "Salaad Darbi”, kana mid ahaa kooxdii hobolada Waaberi. Salaad Darbi waxa uu u sheegay Yamyam in uu jiro nin sakaaraad ah oo xanuusanaya, islma markaanA xanuun aad u darani hayo. Waxaanu ka codsaday abwaanka in ay is raacaan oo ay soo wada eegaan ninka xaalada daran ku jira si ay xaaladdiisa iyo sida loo hayo wax u ga soo ogaadaan. Hawraarsan






ayuu yidhi Abwaanku waanay is raaceen.

 

Markii ay u tageen waxa ay madashii kula kulmeen nin oday ah oo ay da’ ahaan ku qiyaaseen inta u dhaxaysa 57 sano ilaa 65 sano, isla markaan ubadkiisu, ubad kale sii dhaleen sida uu u sheegay. Odaygu wuu haystaa xafiis wayn oo babuurta iyo guryaha la gu kala iibiyo. Waa nin hawlo adduun isugu qoofalan yihiin. Salaad Darbi ayaa uu is baray labadii nin: Abwaankii iyo ninkii odayga ahaa ee sheegtay in uu xanuusanaayo. Ninka magaciisa waxa uu ku sheegay in uu loo gu yeedho Cismaan Kulmiye Fagaas.

Odaygu aad ayuu u ooyayaa oo indhihiiso ilmo ayaa ka tibiqle. Kolba duufka iyo siinka ayuu iska tirayaa. Indhihiisa midabkoodu waxa ay isu badaleen dhiig casaan ah ama guduud ah qofba siduu u yaqaano. Wajigiisa waxaa ka muuqda daal iyo tamar daro aad moodo in aanay in mudo ah hurdo is arag. Kolba maro ayuu la soo baxayaa si uu duufka iyo dareeraha sankiisa ka soo burqanayo iskaga tiro. Odaygu waxa uu ku calaacalayaa ereryo amakaag, af kala-qaad iyo argagax ku abuuray abwaankii iyo fannaankii soo bookhday. In uu tol-beelay oo u baahan yahay in si degdega loogu hiiliyo loona soo gurmado ayuu ku celcelinayaa.

Halkaas markiii ay hawshu marayso ayaa waxa hadalkii qaatay Cabdiqadir Xirsi Yamyam oo odaygii ku yidhi adeer maxaa kugu dhacay? Sidee lagu hayaa? Xagee lagaa hayaa? Bal noo warran?. Intaa kabacdi waxa hadalkii qaatay odaygii oo hadalku dirqi ku yahay. Waxa aanu dhawaaq hoose ku sheegay in uu Jacayl darani hayo una baahan yahay caawimo degdega iyo in waliba hawshiisa si qotodheer loo galo. Isla markaana xal waara la la soo gaadho si wax looga qabto duruufaha jacayl ee uu ka cabanaayo inta aanu la god gelin.

Odaygu wuxuu sheegay inuu jecel yahay gabadh uu Aamina Magaceeda ku sheegay isla markaan dhigan jirtay kuliyadii tababarka Macalimiinta ee Jaamacadii Lafoole, oo ay isbarteen mudo laba sano ilaa saddex sano ku siman sida uu sheegay. Waxa kale oo uu sheegay in ay gabadha haasaawe-wadaag lahayeen, isla markaana ay guur ku balameen marka ay jaamacadda ka baxdo. Odaygu waxa uu ka dhawaajiyey in uu gabadha Aabaheed soo xajiyey, baabuurna iyada u iibiyey, xataa uu dhisay gurigii ay ku aqal gali lahaayeen, qalabakiisiina iyo maacuunkiisiina u dhameeyey.

Intaa ka bacdi gabadhi waxa uu kala kulmay wax aanu filaynin, oo dareenkiisa bedelay naftiisana halis ku noqday islma markaana u horseedi gaadhay in uu geeriyoodo, oo aduunka ka caraab. Waxa aanay ku tidhi "kuma rabo oo Abahay ayaad iga tahay imana guursanaysid hawshiina waan ka baxay ee wadadu kuu furan.”

Mar waxaan damcay in aan is dilo, marna waxa aan damcay in aan Bastoolad soo iibsado oo iyada dilo shan xabadood oo darandoori ah aan madaxa iyada kaga dhufto. Inta aanan talaadaa ku dhaqaaqin waxa aan go’aansaday buu yidhi in aan tashi badan sameeyo oo dad badan oo khoboro ah la tashado.

Waxaanay igula taliyeen ayuu yidhi; hawshan wuxuunbaa wax lagaga qaban karaa suugaan iyo heeso gabadha loo tiriyo si maskaxdeeda marlabaad loo hantiyo. Anigu abwaan ma ihi heeso iyo gabayo toona ma tirin karo gabadha aan ku soo xiro-gashado. Xataa warbaahinta aduunka waxba kalama socdo, mana aqaan sida Raadyoowga Mawjada loogu hagaajiyo. Waxa aan aqoon u leeyahay oo kaliya Cilmiga ganacsiga waliba sida Guryaha loo dhiso, Baabuurta loo kala iibiyo iyo sida lacagta oo sameeyo. Waxa aan u baahanay ayuu yidhi abwaano khoboro ah oo cilmiga Fanka iyo Suugaanta heer sare ka gaadhay oo sugaan iigu hiiliya. Odaygu intaas ayuu hadalkiisii ku soo xidhay.

Abwaan Cabdiqadir Xirsi Yamyam ayaa ay taladi ku soo ururtay, waxa aanu go’aansaday in ay saddexdooduba is raacaan oo meel wada fadhiistaan kana wada shaaheeyaan ama kawada qadeeyaan si uu sameeyo heestii uu odaygu ka codsaday. Waa ay is raaceen, waxa aanay fadhiisteen meel jawi degen oo aan buuq badan lahayn. Markii ay degeen abwaankii waxa uu sameeyey hees uu u ga magac daray "Samirkii Ayuubley”. Heesta waxaa laxanka saaray Abdikariim Faarax Qaaray (Cabdi Kariin Jiir) waxaana qaaday Hanuuniye. Heestii gabadhii inta cajal loogu qabtay ayaa loo geeyey waanay dhagaysatay, laakiin nasiib darro gabadhii waa soo dabci wayday oo go’aankeedii hore ayey ku sii adkaysatay.

Marale abwaankii Heesta sameeyey ayay talo ku caddaatay mar haddii gabadhii heestii ku soo dabci wayday, odaygiina halis kale sii wajahay lagana baqo qabo in ay noloshiisa saamayso. Abwaanku waxa uu talo marlabaad ku gaadhay in uu hees kale sameeyo si loo soo xero-galiyo gabadhii, odaygana loo badbaadiyo. Waxa uu sameeyey heesta "Daalo Aragtideedaay”. Odaygiina waxa uu kula taliyey marka heesta labaad gabadha loo geeyo in uu wadanka iskaga baxo oo uu meel aan la aqoon tago. Odaygi waa uu qaatay taladii Awbwaanka. Cismaan Kulmiye waxa uu u baxsaday magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga. Heestu waxay ku bilaamatay:

Durdur iyo xareedeey

Doog iyo ugbaadeey

Dalaalnimada cadarkiyo

Dhibic iyo daruureey

Ubax daraya muusoo

Waabari dilaacaay

Man kaymaha ka darariyo

Daalo aragtideedaay

Dayax iyo xidigahoo

Nuurka isku daray iyo

Dusha roob la dhacay iyo

Daa’uus la moodyeey

Diirimaadka laabtiyo

Dawadii naftaydaay

Taan hablaha ka doorteen

Dareenkayga siiyaay

Xubno dabacsan leeyeey

Nabi yuusuf dabadeed

Tii dumarka quruxda leh

Hal-doorkooda noqotaay

Dambar iyo labeen iyo

Dahab midabkii leeyeey

Xuurar cayntii dunidee

Daawashada u timidee

Dalka lagu manaystaan

Hadduu diido calafkeen

Aqal laba daryaaloo

Aan xariir ku daahniyo

In aan dadab wadaagno

Wakhtiguna nakala diro

Alla deeqda bixiyee

Naxariis da’a wayniyo

Ducaan kugu sagootiyey

Ninka dumacu raacee

Dookhu calanka saaree

Guur aad ka doontee

Kugu gacan dambeeyan

Aan dardaaran siiyee

Waa libin dadnimaduye

Aamina ka doortoow

Daji meel barwaaqo ah

Dihaalka gaajiyo

Dibin daabyo yey arkin

Daranyadu ma fiicnee

Yey ka noqon maryuhu duug

Ha u yeelo dahabkuna

Daris aan haboonayn

Yey dareemin qayladii

Dibada iyo gudahaba

Meelaha la daawado

Ee dalxiiska loo tago

Ha il-doogsatee gee

Dusha nabar ha taabsiin

Ha dagaalin waa gobe

Hadal doqon ma garato ah

Haku dayin ma yeeshee

Waxaa dihatay hooyadii

Dadnimada ku beertoo

Abaheedna waa diric

Ragna doorkii weeyee

Waa durriyad xalaalee

Waalidkeedna daadihi

Waxa jira nin dooroo

Dantu ceeb u yeeshoo

Waxa aamina u dana

Haday waayo diidaan

Soo doono waa gare

Anagaa u diyaaroo

Daryeelkeedu igu yahay

Xil aan duudka saaree

Hadii taa aad diidee

Duuga nolosha aamina

Dayaca noqoto waa qaan

Waanan kula dacwiyayaa

Gabadhii heestii waa loo geeyey waanay dhagaysatay. Todoba cisho gabadhii markii heestii haysatay ee ay maalin walba dhagaysanaysay, waxay bedeshay go’aankeedii hore ee diidmada ahaa. Waxaana qalbigeeda ku abuurmay raxmada iyo naxariis iyo waliba jacayl ay odaygii u qaaday. Waxa ay maalintii dambe go’ansatay in ay tagto xafiiskii odayga si ay u gu bushaarayso in ay aqbashay dalabkii odayga jecelka daranu qaaday, waa Cismaan Kulmiye’e. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay gabadhii waxay tagtay xafiiskii odayga laakiin odaygi meeshii ma joogo oo waa kii Talyaaniga u baxsaday. Waxay waydiisay shaqaalihii xafiika meesha uu odaygi qabtay.

Waxa ay u gu jawaabeen annagu ma garan karno walaal meesha uu ninkasi aaday. Xagee ayuu qabtay ayay tidhi meel ku sheega? Markale. Waxay uuga jawaabeen in aanay waxba ka garan Karin meeshuu jiro wakhti xaafirkan laakiin Talyaaniga iyo meelahaas lagu sheego, oo aanay ka warqabin in uu warkaasi sax yahay iyo in kale.

Gabadhii Taleefankii odayga waa loo raadiyey. Waa ay la hadashay. Markii ay khadka taleefanka iska heleen waxa ay ku tidhi "haddii aad taagan tahaynay soo dhaqaaq haddii aad fadhidana soo kac, oo si dedgega iigu kaalay.” Nasiib wanaag odaygii bil cusub ayaa u bilatay, farxad ayuu is hayn waayey, goor uu haye "xabiibi” yidhi ayuu is garan waayey.

Markii uu yimiba Cismaan iyo gabadhii waxa ay isu raaceen Tuulo magaceeda la yidhaa "Cagaaran” oo Magaalada Marka u dhaw si ay isu soo mehersadaan, waxaanay ku balameen marka ay jaamacada dhamaysato in ay Aqal-galaan, hawlaha wixii qabyo ka ahna markaa la dhamaystiro.

Labadii Heesood waxa ay ku faafeen suuqyada ganacsiga ee wadanka Soomaaliya oo qiimo aad u badan ayaaba lagu kala iibsaday ama lagu kala gatay. Gabadhii odaygii waxay ka codsatay in Cajaladihii suuqa galay dhamaan la soo ururiyo oo la gubo si aanay qisadu dalka u gu wada baahin ama aan bulshada si aad u gu sii dhex faafin.

Abwaan Cabdiqadir Hirsi (Yamyam), Salaad Darbi iyo Fanaaniinta heesaha qaaday iyo odayguba waxa ay kubalansanaayeen in uu casuumad sharafeed ku marti qaado dhamaantood marka uu hantiyo ruuxa dumara ee mudadada dheer ku taamaayey. Laakiin odaygi nasiib darro sidaa ma samayn oo way hoos martay malaa farxad darteed ayaabu iska ilaabay asxaabtiisii ay sababtooda gabadhu u gu timid isla markaana muruq iyo maskaxba galiyey xal u helida dhibaatooyinkii uu mudada dheer la ciirciiraayey.

In muddo ah markii laga joogay meherkii odayga iyo gabadhii, ayaa waxaa kulmay abwaan Cabdiqadir Xirsi (Yamyam) oo muddo aanay is arag. Abwaanku waxa uu odayga waydiiyey maddaamaa uu hawshiisa qayb laxaadle ka qaatay, waxa uu u casuumi waayey sidii ay hore uugu balameen. Odaygi waxa uu u sheegay abwaanka in ay gabadhii heesiihii ka codsatay in la soo ururiyo oo la gubo, wax uu kula soo hagaagana uu garan waayey. Odaygii waxa uu abwaankii ka codsaday in heesihii dhammaan la soo ururiyo oo la gubo sida ay gabadhiisu hore u codsatay.

Nasiib wanaag abwaanku hawshaa waxba kama qaban karo ayaa uu ku yidhi odaygii, mana soo uruurin karo. Marka aanu heesaha samayno ee ay bulshada u gudbaan ayagaa iska yeesha oo dhagaysta. Intii aan wax ka qaban karaayeyna way dhaaftay ayaa uu abwaanku odaygii u gu hal-celiyey. Laakiin odaygii waxa uu ku adkaystay in la soo ururiyo dhammaan heesihii suuqa galay. Laakiin abwaanku hawshaas wuu ka dhago adaygay. Orodo adigu soo ururso haddii aad soo ururin karto ayuu hadalkii ku soo koobay.

Muddo ka dib ayaa waxa gurigii laga saaray abwaan Cabdiqadir Xirsi (Yamyam) loona sheegay in uu banneeyo guriga oo uu guri kale raadsado. Abwaankii oo talo ku caddaatay, guri uu guurana hore u waayey, ayaa maalin maalmaha ka mida isaga oo meel maqaaxi ah la fadhiya Abwaan adraawi waxaa la soo hadlay nin Dekada madax ka ah oo Cabdilaahi Gacal la gu magacaabo. Cabdilaahi waxa uu u gu bushaareeyey in uu guri nin ay isla yaqaaneen oo magaciisa ku sheegay Sayid Ahmed Cabdalle Barre in gurigiisa guri kale oo ka soo horjeeda oo uu isagu leeyahay in uu banaanyahay oo gurigaa u guuro. Intaa ka bacdi Yamyam waxa uu tagay gurigii loo tilmaamay si uu usoo kiraysto una guurno.

Gurigii waxa ka furtay gabadh ay is garteen oo ninka guriga u soo tilmaamay xaaskiisa ah, oo uu awoow u gu toosnaa. Naa bal waran? Nabad iyo nabad ayay isugu hal-celiyeen. Guriga ayaa la iga kireeyey ayuu yidhi, oo yaa kaa kireeyey ayay tidhi. Cabdilaahi Gacal iyo Ragaas ayaa iga kireeyey ayuu yidhi. Intaa markii la is waydaarsaday ayay ku qososhay oo show gabadhu ciilbabay basteed la tahay. Oo ma adigii ayaa isoo doontay ayey tidhi! oo maxaa dhacay ayuu yidhi! Waar anigu guri kiro ah ma hayee hortayda ka dhaqaaq ayay ku tiraabtay. Gabadh yar oo guriga joogtay ayaa Abwaankii u il jabisay oo furihii siisay gabadhii cadhaysnaydna waa iska tagtay.

Yamyam gurigii habeenkiiba wuu ku soo guuray oo waliba seexday. Barqadii markii uu soo toosay ayaa uu wajiga ku dhuftay gabadhii furaha u diidday oo kaabada gurigiisa ka soo horjeeda fadhida. Waar xagaad ka timid ayey ku tidhi? Dee guriga ayaa ka soo toosay ayuu yidhi. Xilima ayaad ku soo guurtay ayay ku tidhi, dee waanigii xalayba ku soo wareegay ayuu yidhi. Gabadhii intaa ka bacdi waa qososhay oo ay huruuf kaga qaad qaaday ayey dib iskaga noqotay.

Waanu ku dilaynaa ayay ku dhaheen! Oo maxaad ii dilaysaan? In aanu ku dilno oo aanu waliba dhigaaga dafirno ayaanu rabnee, ma hada ayaad waliba xaafadayadii nagu soo doonatay ayay ku yidhaahdeen. Aadeer maxaan sameeyey ee aad igu dilaysaan ama aan galabsaday? Soow ma tihid ninkii odaygagayga heesaha u sameeyey ee naagta ku daray. Oo idinku maxaad ahaydeen ayuu yidhi? Shoow waa gabadhii hore ee uu qabay, ninkii odayga ahaa ee uu heesta u sameeyey iyo gabadhii uu awoowga u aha oo saaxiibo ah isla markaana askar ah. Kana cadhaysan heesta odayga loo sameeyey. Soow adigu gabadha iyo odayga iskumaad darin oo adaygayga igamaad duufsan oo waliba naago kumaad darin ayey ku tiraabeen gabdhihii weerarka soo qaaday.

Waxa ay odaygii ka dalbadeen in uu sameeyo hees kale oo uu odaygu gabadha ku furo maaddaama uu sameeyey heestii hore ee ay isku guursadeen. Abwaan Cabdiqadir Xirsi (Yamyam) talo ayaa ku caddaatay, wax uuu sameeyana wuu garan waayey. Adeer anigu hees kale ma samayn karee oo afkii aan shalay wax ku sameeyey maantana mid kale kuma samayn karee iska kay dhaafa. Haddana waxa ay mar labaad ka dalbadeen in uu labadoodaba cay kala daalo ogaygii iyo gabadhii is guursaday.

Abwaanku waxa uu dalbaday in ay wakhti u qabtaan si uu hawshaa u galo. Waxa ay u qabteen 21 cisho. Markii wakhtigii abwaanka loo qabtay uu gabaabsi ku sii jiro wax uu sameeyana uu garan la’ayahay ayaa uu maalintii dambe yimid gurigii dumarka ay balansanaayeen. Waxa uu ku arkay foox lagu shidayo, casuumad la sameeyey iyo dad guriga ku buuqsan oo damaashaadaya. Maxaa dhacay ayuu yidhi isaga oo yaaban. Waxa ay ku yidhaahdeen odaygii ayaa gabadhii furay ilaahayna waa ka soo fardaamiyey. Markaa casuumad ayaan kuu sii diyaarinay. Waxay u sii diyaariyeen, Go’yaal shaal ah, Cumaamado, Saacado iyo waliba qaad ayey guriga u sii dheegan.

Abwaanku wuxuu waydiiyey sababta uu gabadha odaygu u furay. Waxaanay u gu jawaabeen ma naqaano ee adigu hadyadaa qaado. Halkaas ayay abwaankii iyo dumarkii ku heshiiyeen. Heestu sidaa ayay taariikh ahaan ku baxday.

Qalinkii: Mustafe M Cismaan "Ugaaska”.

[email protected]

LATEST NEWS