Guluubyada Cagaaran Goobteed Kaga Jirtaa , (Taxanaha Geeska Cusub):- , Qaybtii:2aad. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

0
Sunday 15th April 2018 08:41:26 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guluubyada Cagaaran Goobteed Kaga Jirtaa , (Taxanaha Geeska Cusub):- , Qaybtii:2aad. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Guluubyada Cagaaran Goobteed Kaga Jirtaa , (Taxanaha Geeska Cusub):- , Qaybtii:2aad. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guluubyada Cagaaran Goobteed Kaga Jirtaa , (Taxanaha Geeska Cusub):- , Qaybtii:2aad. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).


Waxa inoo sii socda oo ay qaybtiisii labaad tahay taxanaha Geeska afrikaha cusub ee laga filayo inuu mustaqbalka dhaw si lama filaan ah Geesku isu baddelo, Ugu horeyn qormadani waxaan ugu wan-qaley Guluubyada cagaaran oo ay macnaheedu tahay qul-qulka dunida ee dhinaca Geeska-afrika waayo waxaad moodaa inuu Caalamkii ku soo Qululayo geeska-afrika, Marka abaari dhacdo xoolaha ama moodka waa la qululiyaa ilaa xeeb si loo dajiyo doogsin ama naq xoolaha iyo naflayduba ku badbaadaan, Hadaba imika Geeska u muuqda mid cagaaran oo wixii dunida laga waayey isaga laga helayo.

Geeskan-afrika dhamaantii iskuma jirro ee midba nimco gaara iyo haybad gooniya ayaa Rabbi uu ku galadey, kuwaasoo ah imkaaniyaadka lagu kala baxayo marka ay dunidu xulanayso cida ay danaheeda ka dhex dheehdaan ama ay ku arkaan istaraatajiyad lagu qanco, Sida ka muuqata diriraha ama danqaafooyinka caalamiga ah ee Xoogaga dunidu isku eryanayaan waxa kaliyaatee laysu maan-dhaafsan yahay waa kala badsashada saaxiibtinimada amaba xidhiidhka Sahaminta Geeska Cusub, Taasoo lagu kala faa,iidayo dhinacyada wadamada horumarkiisa lagu cabiro Sida Siyaasad caalamiya, Dhaqaale Saameyn leh, Wax-soo-saar, Ganacsi balaadhan, Xulafanimo aregti wadan qabo oo lala garab-galo sii xoojinteed taageero ahaaneed, Isku soo wada duuboo waa baraha laysu mari laayahay meelahaa aan kor ku suntay.

Hadaba geeska kala iyo afrikada barri inteeda kale hay danbeysee waxaan si gaara ahmiyad u siinayaa ama uu xil iga saaran yahay Wadankayga hooyo oo ah Jamhuuriyada barakeysan ee Somaliland, Oo yadu ka mid ah calan-sidayaasha Guluubyada Cagaaran waxase muhiimadu tahay inaan anagu wadan ahaan iyo umad ahaanba is-aqoonsano oo aan is-garano halkaan kaga beegan nahay cabitaanka Danbarka geela duuda jooga, Waxaaney u baahan tahay talaabadani si ay u midh-dhasho caqli saliima in lagaga fikiro yadoon lays yaseyn ama aan lays yareynayn maadaama laynoo baahan yahay sidii uu doorkeena bilaa xaqiraada ahi u muuqan lahaa yadoo aan waliba la shaleynayn.

Muuqashada iyo martabadey Somaliland ku dhex yeelanayso intaanen u galin horta aan muujiyo halkay kaga taalo Geeska Cusub, Somaliland ahaan barriga afrika wixii dawlad ka dhisan Nidaam ahaan yadaa u fac-weyn waxaana kuu cadeynaya (Governance System Copy Right, Constitutional Form, Elections Of Local Councils, House Parlament, Presidence, And Decomratically Leading SystemCopy Right), Oo waliba u dhameystiran yihiin wax kastoo la xidhiidha qaab dawladeed caalamiya oo leh kala danbayn iyo ixtiraam in ku filan sidii la doono markeedii ha lagu alkumee, Maanta waa mid caalamiya oo ka duwan inta jaarkeeda Isir ay wadaagaan, Af ay wadaagaan, Midab ay wadaagaan, Horta nidaam ahaan sidaasey u dhisan tahay anoon amaan gaara ula holan balse qeexay dhabta taala dalkan barakeysan ee jamhuuriyada Somaliland.

Wali waxa ii socota sharaxaada buq-cadaan ku noolahay , Waa baro awliyaad iyo meel aan is idhi waxa ku Uuman malaha Ehlu-baytkii , Waayo waxay leedahay calaamadihii degalada ay degan yihiin Ehlu-baytku, Waa barro nabdoon khilaafkana laga ilaaliyo Bi-Karaamati-Laah wixii kala gala yaduuni dhameysato, Waa baro leh marino muhiima kuwa dhulka ee Badaha oo (Berbera Iyo Saylac) baa tusaale kuugu filan, Iyo kuwa cirka waxa ku yaala ama mara marinka Cirka kan ugu muhiimsan aradada Soomaalida , Waa baro ka duwan dhamaan geeska intiisa kale marka la eegayo dhinaca badbaadada waayo waxay soo wajahdey amuuro cakiran nasiib-wanaagse way ka dabaalatey, Taasina waa mucjiso ama mid ay dheer tahay dhamaan duulel-caalam.

Waa baro sidii muuminiinta la cadibey oo cabudhiyey mar kaliyana naqasku ka soo baxey ilaa maantana dawgii cagta ay saartey wali haysa, Waa barada labaad ee Aduunka calankeeda ama astaanteeda ay ku taalo Kalimatul-Tawxiid waana haybada gaarka ah ee ay dheer tahay dhigeed amaba Caalamka, Waa baro aan la aqoonsanayn balse yadu is-aqoonsan waayo Aqoonsiga ayaa laba nooc ah mid gudahaagaa iyo mid dibbada ah , Waa baro ka mid ah meelaha nasiibka u helay in Qodabka koowaad ee Dastuurkooda ama axdi-qarameedka lagu xuso wixii Diinta Islaamka lid ku ah iney xaaraan maqdaca ka tahay, Hadaba baradani lagu magacaabo Somaliland waa mid ku caana dhamaan tibaaxyadaa aan soo tirinay Sirteeduna waa Tawxiidka Eebe iyo kalmada aduunkoo dhan ka qaalisan waana tabta ay ku taaba-gashey.

Intaa ka dib waa inaan hadaba u sii diyaar garawnaa nimcadaa iyo ifa-faalaha (New Global Oredka Ah, kuna salaysan Geographical Changeka),ka muuqda is-baddelka dabeeda aduunka amaba aan idhaahdo Geeska Cusub oo imika calaamadihii iyo saamayntiisiiba la hayo, Marka aad eegto dunida wax baadha ama (Cilmi-baadhayaasha Caalamka) oo indhahoodii ay kaga go,dey Geeska-afrika, Una tashanay siday is-baddelkaa door uga qaadan lahaayeen Haday tahay (Raw Materail) ama wixii mustac-marka kaga hadhey Geeska, Balse waxa ku gadaaman filitaanka in Geeskuba hogaamiyo dunida.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

La Soco Qaybaha Danbe..........................


LATEST NEWS