Ka Faa'idaysiga Nimcada Alle Iyo Ka Mahadcelinta Rahmaadkiisa. Qalinkii: Ahmed Harir Adam

0
Sunday 15th April 2018 08:42:44 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Faa'idaysiga Nimcada Alle Iyo Ka Mahadcelinta Rahmaadkiisa. Qalinkii: Ahmed Harir Adam

    Ka Faa'idaysiga Nimcada Alle Iyo Ka Mahadcelinta Rahmaadkiisa. Qalinkii: Ahmed Harir Adam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka Faa'idaysiga Nimcada Alle Iyo Ka Mahadcelinta Rahmaadkiisa. Qalinkii: Ahmed Harir Adam

Waxa inoo bilaabmay rahmaadka Eebe waxaanad arkaysaa dad badan oo hiifaya roobka sababo maan gaabnimo ku dheehan

Ugu horayn, Soomalidu waxay halhays u leedahay roobku haynoo da,o ramadaantu haynaga baxdo, aan isu soo tukano.


Taas waxa ku cad in iska daa in nimcada Eebe laga mahadnaqee, dhibaatada iyo dagaalada waxa lala sugayaa xilliga barwaaqada waana wax ay soomalidu caan ku tahay.

Sababta kaliya ee aad nimcada Alle ku siiyey, ku ilaashan kartaa waa mahadnaqa sida uu Eebe Quraanka kariimka ah inoogu sheegay, waxaanad ogataa in ay jirto markasta cid kaa sii liitada oo kaa sii hosaysa heer kasta ood marayso waa in aad Eebe ugu mahadnaqdaa.

Waxa inoo bilaabmay rahmaadka Eebe waxaanad arkaysaa dad badan oo hiifaya roobka sababo



maan gaabnimo ku dheehan tahay awgeed, kuwo kalena maaha kuwa Alle ugu mahadnaqaya ee waxay aaminen in uu roobku xilliga ku xidhan yahay oo aanu xilli kale da,i karin sida Gu,ga ama Dayrta mooyee, taas oo aanay wax macno ah la lahayn raxmaadka Eebe.

 

Haddaba waa maxay waxa laynooga baahanyahay? arinka ugu muhiimsani waa in aan Alle ugu mahadnaqnaa nimcada uu ina siiyey, kana faa,idaysanaa nimcadaas inaago ashkhaas ama bulsho ah intaba.

Waxaynu ognahay in Roobka ummad dhan lagu halaagay waa in aan alle ka magan galnaa dhibaatadiisa, weydiisanaa dheeftiisa si aan uga badbaadno khasaare inaga soo gaadha, waxana muhiima in somalidu ay iska dayso xumaanta ay ku bedelayso nimcada Alle xagii ay ku mahadin lahayd. Waxa muhiima in layska daayo nacaybka, xasadka, dulmiga, danaysiga, munaafaqnimada iyo isku dirka waana arimo naxariistiisa lagaga dheeraa do.

Ugu danbayn, waxa muhiima in aan Alle u soo noqono, isa saamaxno, isu dulqaadano inagoo walaalo ah aan wada noolaano.

Waana in aa ka faa,idaysanaa biyaha faraha badan ee ina dhaafa barina aan ka haraadanahay, ee aynaan gacmo shisheeye uun sugin.

W/Q: Ahmed Harir Adam

Hargeisa, Somaliland


LATEST NEWS