[DEG DEG:-] Cabdiwali Gaas Oo Ka Horyimid Go'aankii Dawladda Muqdisho, Imaaraadkana Ku Tilmaamay Saaxiibka Ugu Wanaagsan Ee Puntland

0
Monday 16th April 2018 13:19:41 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG DEG:-] Cabdiwali Gaas Oo Ka Horyimid Go'aankii Dawladda Muqdisho, Imaaraadkana Ku Tilmaamay Saaxiibka Ugu Wanaagsan Ee Puntland

    Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhoweyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhoweyd

 shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay wararka sheegayey in dowladda Imaaraadku ay joojinayso tababarka ciidanka badda Puntland ee PMPF.


Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xadhiidhka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xadhiidhkaasi Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.




 

 

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xadhiidhka dhanka ammaanka ah uu si gaar ah uga dhaxeeyo Imaaraatka Carabta, gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada, la dagaalanka Burcad Badeeda, La dagaalanka Tahriibka iyo La dagaalanka Kalluumeysiga Sharci daradda ah, isagoo sheegay in shaqadaas baaxada weyn ay qabtaan ciidamada uu gacanta ku hayso dawladda Imaaratka Carabta.



 

Dhanka kalena madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadan ayi yihiin ciidamada ugu qalabka, tayadda iyo waxtarka wanaagsan ee guud ahaan Soomaaliya, ayna yihiin cudud aan cidna ku heysan gudaha Soomaaliya.




 

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale ka codsaday dawladda Imaaraatka Carabta in ay sii wado taageerada ciidamada Badda Puntland, si loo kor loogu qaado la dagaalanka Argagixisada, Burcad Badeeda, Jariifka & La dagaalanka Tahriibka.

LATEST NEWS