Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradda Qorshaynta Iyo Shirkada Daryeel + Dhismaha Dugsiga Dayaxa Oo Qabyaalad Warab Loo Galiyey Iyo Warqad Amar Ah Oo Shirkada Loo Qoray [Fadeexadda Daryeel]

0
Wednesday 31st May 2017 19:02:30 in Wararkii Maanta by Xarunta Hoose
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradda Qorshaynta Iyo Shirkada Daryeel + Dhismaha Dugsiga Dayaxa Oo Qabyaalad Warab Loo Galiyey Iyo Warqad Amar Ah Oo Shirkada Loo Qoray [Fadeexadda Daryeel]

    Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradda Qorshaynta Iyo Shirkada Daryeel + Dhismaha Dugsiga Dayaxa Oo Qabyaalad Warab Loo Galiyey Iyo Warqad Amar Ah Oo Shirkada Loo Qoray Fadeexadda Daryeel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradda Qorshaynta Iyo Shirkada Daryeel + Dhismaha Dugsiga Dayaxa Oo Qabyaalad Warab Loo Galiyey Iyo Warqad Amar Ah Oo Shirkada Loo Qoray Fadeexadda Daryeel


Shirkada Daryeel oo gacanta ku haysa Dhismaha Dugsiga Dayaxa ayaa la sheegay in warqad looga Wasaaradda Qorshaynta Qaranka gaar ahaan qaybta Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaan SDF. Taasi oo shirkada lagu amray in ay joojiso dhismaha dugsiga Dayaxa ka dib markii dhismahaasi la galiyey qalooc dhismaha ah oo aan wax ka qabasho lahayn ilaa iyo mar kale la dumiyo mooyaanee.


Shirkada Daryeel iyo Wasaaradda Qorshaynta ayaa arintan isku khilaafay dhismaha dugsiga Dayaxa uu noqday mid loo dhisay qaabkii loo nashqadeeyey mid ka duwan oo aan haboonayn.



Magaalada Hargeysa waxa gor gortan iyo wada hadal ku galay labada dhinac ee khilaaf ku ka dhex curtay iyaga oo ugu danbayn heshiis rasmi ah wada gaadhay. SDF waxa ay joojisay amarkii lagu hakinayey dhismaha dugsiga boodhinka ah ee Dayaxa sidoo kale Shirkada Daryeel waxa lagu amray in ay keento Khubaro aqoon leh oo dhismaha u hirgaliya sidii qorshaha iyo heskiisku ahaa.


Inta badan Shirkada Daryeel waxa ay warab galisaa dhismayaasha ay dhisanayaan ama laga dhisayo deegaanada Beesha Bariga Burco oo xeerka shirkadu mamnuuc ka dhigay in ay ka shaqeeyaan shaqaale ka soo jeeda beesha Habar-jeclo taasi oo aan wali la fahmin macnaha iyo u jeedada ka danbaysa waxa sidoo kale xusid mudan in shirkada dhamaan xubnaha boodhka sare ay ka soo wada jeedaan hal beel oo kali ah taasi oo muujinaysa dhaqan xumada iyo qabyaalada Daryeel ay dalka ku soo kordhisay.

LATEST NEWS