Doorashadi Kahor Baan Kala Dooradsiiyay Darajo (Xil) Iyo Dollar (Xoolo) Q: ABDISHAKUR GANDE

0
Wednesday 10th January 2018 10:04:21 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadi Kahor Baan Kala Dooradsiiyay Darajo (Xil) Iyo Dollar (Xoolo) Q: ABDISHAKUR GANDE

    oorashadi Kahor Baan Kala Dooradsiiyay Darajo (Xil) Iyo Dollar (Xoolo) Q: ABDISHAKUR GANDE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

oorashadi Kahor Baan Kala Dooradsiiyay Darajo (Xil) Iyo Dollar (Xoolo) Q: ABDISHAKUR GANDE

FG: Maqaalkani waxaan qoray doorashadii kahor balse maanta ayaan dib idiin xasuusinaya, waayo waxaan doraad ka digay ama ka hadlay baa taagan. (Arin,wax kabarasho siyaasadeed leh)





--Rag iskuma jiree, maxay rag badan oo la filayay inay xukuumada kulmiye two ka muuqdaan ku waayeen xilkii in loo magacaabo la filayay?--






Ama dollar ku qaado, Ama darajo kaydso? Qalinkii: Abdishakur Gande. 27/10/2017


====================================




27/10/2017
Xisbiyahan Abdishakur Gande


Mid lamoodo inuu xisbiga ugu mudan yahay balse xisbigu aanu mahadin waa xisbiyahanka fashilan!!! Waayo?




Maal iyo halkii iin leh baa
Maanta sii sarayaa
Ka meermeeri maaye
Run baa sii mutaxaya.




Nin, kuu digay kuma dilin !!!



Run ahaantii siyaasadu waa hab maamuleed/qorshe lagu hago dan gaar ahaaneed iyo danguud... sidaadarteed, siyaasada guud ee maamul waa mid balaadhan kana qaro wayn siday dadka badankii ugu muuqato waayo cida hagaysa ayaa ah cida ku hamiday inay maamusho umad idil iyadoo cidaasi u dejisay siyaasad ama qorshe umadani ku dhaqanto cida fahantaayi waxay qayb ka noqotaa isla siyaasadani duruqsan ee la wada fahmi karin ama cidaasi fahantay waxay noqotaa dhinaca ku lidka ah ee dejisa siyaasad kale oo u babac dhigaysa tii hore waayo fahankaasi ay fameen u sahli karo inay ka guulaysataan. sidokale, dadka aan siyaasadaasi fahansanayn waxay noqdaan kuwo laga qayb galiyo siyaasada iyo kuwo iyaga ay siyaasadu saamayso dadka idilkii na waa kuwa ku dhaqma hadba siyaasada guulaysata.




Marka aad ku qiimayso habka xisbiyada dalkeena waxaad la wada mooddaa mid kastoo xiliga tartanka muuqdaa inuu yahay midka ugu mudan isla midkaasi la tuhmayaa na wuu is mahadiyaa ma se aha xaqiiqadu midhkaasi muuqda ee waa la mood!!! Dadka aragtida caynkaasi ah qabaa waa sida kuwa sidani oo kale wax u arka Ex: "Taayir/giraan, hadii dhinac lagaga qabto dab/ollol deedna la wareejiyo waxaad mooddaa in taayirku wada gubanayo" balse ma wada gubano ee wareega ayaa kaaga dhigaya in dabku taayirka wada haysto....... siyaasiyiinya iyo xisbiyahanada maanta wada muuqdaayi na ma aha kuwa ugu mudan ee waa na kuwo aan muuqan doonin marka lagaadho meesha loo socdo.




Hawl-wadeenada xisbi iyo hogaanka xisbi ee dan-wadaaga ahi waa Siyaad-wadaag ku midaysan hogaaminta talada maamul ee dalka si'ay guusha u hantaan isku darsaday muruq, maal iyo maskax ay ku hindiseen barnaamij siyaasadeed ay ku hagaan dadka oo leh himilo horumarineed balse waxaa jira kuwo maanta muuqda oo la moodo inay iyagu ugu mudan yihiin.





Xisbinimada ayaa ah mid wax iskudarsi ku dhisan si meesha loo socdo loo gaadho waayo sahay la'aan lama gali karo safar dheer. Tusaale: marka umadi cunto wada karsanayso qofba waxbuu dhariga ku ritaa!!! Mid baradho ku darsada, mid basal keena, mid biyo keenna, mid xariifo milixda keena iyo midka ugu miisaanka wayn oo hilib iyo wax lamida keenay oo dharigii wuxuu yahay la garan la'aa kadhiga maraq/faxfax oo meesha damaciisu yahay in uu kariyo wax wacan oo dadka anfaca oo wada deeqa. Lakiin ka u daran baa ah ka hagardaamada iyo waxyeelada u ah kaaso dadku na ay u haysaan inuu yahay hawlkarka libinta soo hoynaya yahay balse hogaanku fahansan yahay xisbigu na dhib ku qabo halka dadku na qabqabtiisa iyo qayladiisa uu lacagta kaga qaadanayo moodaan in miisaan uu leeyahay oo xisbiga nin u mihiima yahay wuu se ahayn ee waa sida dadka qaar ay ula muuqato.




FG: sababta raga tuhmayay loo qaayay iyo siyaasada sirta ahee dahsoon.
(Arintani meel iigu qor, mudo dhaw baad arki doontaaye) Abdishakur Gande




Xisbiga wuxuu dhaqaale ku bixiyaa laba nooc oo kala ah: 1- Adeeg iyo 2- Agab.......
Agabka xisbigu adeegsado waxaa ka mid ah: gaadiid, xafiisyo iyo qalab, calamo, boodhadh iyo sida istiikaro ay ku qoranyahiin kulmiye 2017 kuwaasi taariikhaysan oo la isticmaali doonin sanadka xiga!!! Sidaasi na waxaa ka dhigan kuwa xisbiga lacagta kula socda oo marka xisbigu doorashada ku guulaysto ee uu 2018 noqdo xisbi xaakimka aannan kadhex muuqan doonnin xukuumada la dhiso waa na sida boodh ay ku qornayd 2017 oo taariikhdiisu dhacday waayo hankoogii kaashbay ku qaateen. Dhaqaale aan xisbiga ku kabay ninka kaash ku qaata kaydkiisa guusho waa kiish madhan kursi na ma geeyo.




Labo mid uunbay noqon:
"Ama kaash qaado, ama kayd dhigo"
Labaddaa midkay noqotaa na labo mid uunbay sii noqon:
Ama xisaab kugu qoran, ama abaal laguu ogyahay.




Qof, kalsooni lumiyo
Siistay lacag xilkiisii
Abaal, looma dhigee
Hankaaga ha baayicin



Intaa kaydka iigaliya kol aan fogayn ayaad ila arki doontaane -- Abdishakur Gande --




Abdishakur Gande
[email protected]
634200882 ■ 634454882
Hargaysa, maroodijeex somalilaan.

Taariikh: 27/10/2017

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS