Sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagta..

0
Wednesday 7th March 2018 14:46:40 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagta..

    Sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagta..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagta.. Sicir bararka badeecadahu waa uu ka sahlanyahay qiima dhaca ku yimaada lacagta oo sicir bararka badeecada si fudud ayaa wax looga qaban karaa kolkii la ogaado waxa keenay in uu nooc ama qayb dhan oo suuqa badeecadaha uu ku yimaado sicir korodh. Waxaana badanaa lagu qaboojiyaa sicir bararka badeecadaha iyadoo la kala jiheeyo badeecada suuqaasi taala loona raadiyo badeecado kale oo lagu jabiyo, marka ay badeecad ku filan suuqaasi timaado ayaga ayaa qiimahooda halkii loogu talo galay ku soo celiya oo sida badan waxa keenaya in ay badeecad qiimaheedo kordhaa waa xadi yaraan suuqa taala oo badeecadaas ah. Hadaba qiimo dhaca lacagta ku yimaadaa waa uu ka adagyahay xal u raadiskeedo, zaad/Edahab xadiga lagu isticmaalayo la yareeyaana ma soo celin karaan qiimihii lacagteenu lahayd, xukuumadahuna ma sii joogi karaan hadii ay maarayn kari waayaan 


lacagta dalka ay ka taliyaan. Waxa ay xukuumada kulmiye ugu meeraysanaysaa labadan sharkadoodna waa in ay iska rogaan danbigii ay ka soo galeen qiimo ridista lacagtii dalaka ay ugu yimaadeen iyada oo qiime iyo karaamo sare ka leh lacgta qalaad ee dollarka, danbiyada ay ka galeena waxa ka mid ah in ay lacag laanta dowlada ee ay masuuliyiintoda booban xal uga dooneen soo daabicista lacag xadi badan oo ay suuqyada ku soo daayaan. Ma odhan karno xukaamadaha kulmiye ogaal iyo aqoon umay lahayn lugaayada ay u gaysanayeen lacagta dalka ee sida aan ku kalsoonahay waxay ka ahayd inay isku bixiyaan laxdaadaa ay marba ku sugnaayeen, khaladka ugu waynaana waxa ay galeen markay hido iyo dhaqan u noqotay dawladii kulmiye ee hore inay kolba soo daabacdaan lacagta ay masuuliyiinteedo ku tasarufaan, taasina waxay ku keentay suuqyada dalka in ay iska taalo lacag ka badan intuu Dhaqaalaheena koobani xamili karo. ‎ ‎ Hadaba hadii xal dhab ah loo doonayo kor u soo qaadista qiimaha lacagta dalka waa in 

xukuumada maanta joogta ee kulmiye dib u tirtirtaa dhaqamadii ay ka dhaxleen dawladoodii hore waxana ku haboon inta aqoontayda ah talaaboyinkan dhawrka ah. 1. Joojinta lacagta cusub ee suuqa lagu hafinayo. 2. ‎In ay ku bedelaan warqada 500shln warqadaha 100ka iyo 50shln, oo soo kordhinaya daaqad balaadhan oo qanacsi taasoo ku fadhida sirsirka ama sarifka lacagta yar yar. 3. ‎Xoojinta iyo soo celinta awooda baanka dhexe ku lahaa wareega lacagta iyo kala jihaynteeda. 4. ‎Gabi ahaanba in laga soo celiyo sharciyayntii ay u sii say dawladii hore sarifika lacagta iyo qiimo dajinteeda ganacsata suuqayada gaarka loo leeyahay. 5. ‎Xadiyaynta wax ku kala iibsiga lacagta qalaad ee dollarka ee badeecadaha fud-fudud. 6. ‎Hir galinta sharciga isku sarifka lacagaha qalaad iyo Shillinka dalka. 7. ‎samaynta haayada qaran ee kobcinta suuqyada dalka iyo ilaalinta qiimaha Shilinka dalka, taasi oo xal u raadinaysa u samaynta sal adag oo uu ku fadhiisto qiimaha shilinkeenu. W/Q Dhaqaale Yahan: Maxamed Faarax Xirsi.
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS