Xildhibaanada Hargaysa iyo Muqdisho waa Kala Maan/// Qalinkii Abdisataar Sabri -

0
Tuesday 13th March 2018 08:04:38 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Hargaysa iyo Muqdisho waa Kala Maan/// Qalinkii Abdisataar Sabri -

    Xildhibaanada Hargaysa iyo Muqdisho waa Kala Maan/// Qalinkii Abdisataar Sabri -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Hargaysa iyo Muqdisho waa Kala Maan/// Qalinkii Abdisataar Sabri - Xildhibaanada Hargaysa iyo Muqdisho waa Kala Maan/// Qalinkii Abdisataar Sabri

Marhadii Golaha Barlamaanka Dawladda Somaliya uu umidoobay Xin xaasidnimo kasta oo lidi ku ah Gobonimada iyo Madaxbanaanida Qaranimada Somaliland Isla markaana uu iska indho tiray Xal uhelida Mushkilahaha Nololeed iyo Dawladeed ee ku Xeeran Shacabka Muqdiaho iyo guud ahaan Dalka ay metelaan ee 1991 labaxay Magaca Somaliya oo lixdankii ka hor talyaanigu uqaxay Xilligii gumaysiga . waxaa lagama maarmaan ah in Baarlamaanka Sharciga ah ee Shacabku doortay ee Somaliland Gar iyo gardaraba iyana ay Ficil Midoobaan oo ay isku meel ka istaagaan Qadiyada Caalamiga ah ee Heshiiska Maalgashi ee dekeda Magaalada Berbera Si lamida Sida Baarlamanka Muqdisho Ay isugu raaceen



Diidmada jiritaanka Dalka Somaliland , Diidmada Horumarka Somaliland, waxaa qasab ku ah Xildhibaankasta oo somalilaandar oo katirsan Baarlamaanka JSL in uu go'aansado oo Gudoonto Difaacida Danta guud iyo Maslaxadda Qaranimada Ummadda ay Metalaan.

 


Maanta oo kale Ma aha maalin Lala gor gortamo Xukuumad Cusub oo aan Boqol Dharaadood jirin marka xigtana Dhibaato Dhaqaale iyo nololeed haysato oo Guux reeraysan oo Giraanaysan oo Jeegaamaysan ku furanyahay Sidoo kalena Xukuumad ahaanna ay muuqato Xatta Madaxweyne Muuse laftiisu uu Dhawr goor Si Farshaxan leh uu Shacabka umuujiyay inuu Hundo ogyahay Xulashada Wasiiradiisa in aan lagu niyad samayn oo ay jiraan wasiiro aan Weli damcad iyo dhadhan midna aan ku lahayn Hadal haynta Carabka Shacabkooda, siyaasad ahaanna aanay intooda badani saamayn kuyeelan Naqdinta Mucaaradka Wadanka . geesta kalena Boqol dagaal oo debed iyo gudaba leh la kawsatay oo ilaa haddana ay ku Socdaan, Mudanayaal ma aha maalin la niyad jabiyo Huyuunta Dareenka Togan ee Shacabka Somaliland ee jecel in aad lajirtaan Jiritaanka Qaranimada iyo Dareenka M/waynaha Jamhuuriyadda Barakaysan S/land

Golaha Baarlamaanka JSL Waxaan Dareen siinayaa Oo aan leeyahay hadii aad wax diideen oo saluugteen La macaamilka Siyaasadda Kulmiyaha Cusub ee Talada Dalka haya Hadda Shacabka kama qarsoona in Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi labaduba laabanyihiin balse Keliya Mudanayaal Wax walba Ku ilaaba Doonista Shacabka oo Ficil raacay Muqdisho iska dhicinta Madaxweynaha JSL Inkastoo ay marwalba waajib tahay Ilaalinta Gudashada Damaanadiina hadana Marka Qadiyadda Taagan la eego Shacabkuna Xilligan yahay Mid Xamaasadaysan oo ka kacsan Xasarada Kashidan Xamar aloostay iyo Waxaad Haysataan Daliil cad oo Sababaya Fududaynta Filashada Doorka Sharci ee Heshiiskan oo ay tahay inaydinaan sidaa Xukuumadda ugu adkaynin .

Waxaa iska cad in Shacabku liqi waayay Wixii shalay aad badeen Wasiirka Arimaha Debedda Sacad Cali Shire oo aan Aftahanimo isbixinayn Kana tirsan Dawlad Hayn leh balse "Hoo" aan ubaran Inkastoo la Xisaabtanka dawladnimo uu marwalba Yahay Furalaha ilbaxnimada iyo Furfurnaanta Dimuqraadiyada hadanna Maanta waxaa waxwalba ka horaysiisan Hiil Qaranimo oo ummad ahaan iyo Dawlad ahaan iyo weliba dawlado aynu saaxiib nahay ay marti idiinka yihiin

Xildhibaanada Golaha wakiilada Waxaan ugu Baaqayaa Isasaxa Gudaheenu ha inoo Danbeeyee Balse Ficil la'aan yaan Rabbi idinku Cadaabin

Fadlan Sheregaree oo aragtidaada nagu kab hadii Deelqaaf qoraalka kujira na Waa rayigayga ee yaynaan isku Ceeb San

Qalinkii Abdisataar Abdilaahi Ali " Sabri "

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS