Ra'iisal Wasaariha Soomaaliya Oo Ka Seexan Waayay Hadalkii Imaaraadka Iyo Bahdilaaddii + Olole Cusub Oo Uu Bilaabay

0
Wednesday 14th March 2018 08:37:24 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaariha Soomaaliya Oo Ka Seexan Waayay Hadalkii Imaaraadka Iyo Bahdilaaddii + Olole Cusub Oo Uu Bilaabay

    Ra'iisal Wasaariha Soomaaliya Oo Ka Seexan Waayay Hadalkii Imaaraadka Iyo Bahdilaaddii + Olole Cusub Oo Uu Bilaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaariha Soomaaliya Oo Ka Seexan Waayay Hadalkii Imaaraadka Iyo Bahdilaaddii + Olole Cusub Oo Uu Bilaabay




Muqdisho (Karin News)Warar laga helayo Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo olole ka dhan ah dowlada Imaaraadka Carabta.

Ololaha ayaa xoogiisa ka socda Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka soomaaliya  Xasan Cali Kheyre, waxaana lasoo sheegayaa in ololahaasi uu Hoggaaminaayo RW Kheyre.

Ololaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro, Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo gabi ahaan ka mideysan sida dalka looga saari lahaa dowlada Imaaraadka.





Ra’isul wasaare Kheyre ayaa qeybaha kor ku xusan ku tashkiilinaaya sida ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayen soo afmeerida faragalinta uu Turkiga ku hayo Somalia iyo in Shirkada DP World laga eryo dalka oo idil.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheye dhinacyadaasi ka tirsan dowlada ku dhiiri galinayaa in Somaliland ay qeyb ka tahay maamulada ka jira dalka, sidaa aawgeed aysan waxba kasoo qaadeynin go’aan waliba oo ay ku buunbuuniso xiisada Dekadda Berbera.

Waxa uu sheegayaa in cida ay xifaaltanka kula jiraan ay tahay dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu adeegsaneysa Shirkada DP World, hase ahaatee ay labaduba weyn doonaan qorshooyinkooda Somalia.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaabada iyo mas’uuliyiinta kale ku dhiirigalinaaya inay ka dhiidhiyaan qadiyada ay dowlada Somalia ku difaacaneyso Dekadda Berbera oo Hanti Umadeed ah.

Tallaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxda ugu sareysa ee dalka ay isku raaceen in Dekadda Berbera ay u baahan tahay badbaado, waxa ayna arrintaani muujineysaa in xaalku yahay mid cakiran.

LATEST NEWS