Hambalyo Ku Socota Gudoomiye kuxigeenka Cusub ee Degmada Balidhiig Ee Gobolka Togdheer W/Q. Ugaas Cumar Jamac Iidle

0
Wednesday 11th April 2018 09:56:41 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Ku Socota Gudoomiye kuxigeenka Cusub ee Degmada Balidhiig Ee Gobolka Togdheer W/Q. Ugaas Cumar Jamac Iidle

    Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Gudoomiye Kuxigeenka cusub ee Degmada Balidhiig.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Gudoomiye Kuxigeenka cusub ee Degmada Balidhiig.


Anigoo ku hadlaya afka Ugaaska Dhalinyarada Gobolada Bariiyo Afka Dhalinyarada Beesha Aadan Madoobe. Waxaan hambalyo u dirayaa Gudoomiye Kuxigeenkacusub jaamac raabi calioo Wasiirka arimaha gudaha SomalilandMaxamed kaahin ahmed u magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Degmada Balidhiig ee Gobolka Togdheer.

Gudoomiyaha cusubiwuxuu kamid ahaa dhalinyaradii doorka wayn ku lahayd guushii Xisbiga Kulmiye,Waxaa uu ahaa Xubin Firfircoon oo door fiican ku lahaa in Xisbiga Kulmiye codkii ugu badnaa ka helo degaanada gobolka tog-dheer iyo Degmada Balidhiig gaar ahaan tulooyinkahoos yimada sida Dhagax-dheer,Dheryaley iyo Taalo-buur.



Waxaa uu kamid ahaa madaxdii xisbiga kulmiye ee heer Gobol u qaabil-sanaa Gobolka Togdheer isla markaana u hagar baxay sidii Madaxwayne Muuse Biixi uu ugu hubsan lahaa Kursiga ugu sareeya Xafiiska Dawlada Somaliland.


Waa nin dhalinyaro ah oo ka mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee dalka .waa shaqsi aan aaminsanahay inuu qaranka iyo masuuliyada culus ee Wasiirkuu wakiishay kasoo bixi doono.

Aniga oo ku hadlaya afka Ugaaskadhalinyarada Gobolada Bari iyo aqoon-yahanka deegaanada aan sare ku xusay waxaan ku hambalyaynayaa uguna ducaynayaa in ilahay ku asturo una fudaydiyo xilka qaranka ee uu Wasiirkuu magacaabay.

Waxaan u mahad-naqaynaa Wasiirka Arimaha gudahasomaliland Maxamed Kaahin Axmedgarashada uu gartay inuu magacaabo Gudoomiye kuxigeenkacusub oo ku huboon xilka iyo masuuliyada uu u magacaabay.

Gudoomiye kuxigeenku wuxuu wakiil uga yahay Qaran Nabad galyada, hurumarinta Degmada iyo horumarintaDeegaanka .

Waxaan ku kalsoonahay in Gudoomiye kuxigenkacusub Jaamac Raabi Cali uu yahay nin karti u leh inuu sare u qaado shaqadii gudoomiye kuxigeenkii horeuuqaranka u hayay

Alaah mahadleh

Contact:063-4439712/065- 4439712

[email protected]

Ugaas Cumar Jaamac Iidle

Ugaaska dhalinyarada Gobolada Bari

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS