Buugga RAAD: Taariikhdii SNM iyo Waayihii ay soo Martay

0
Thursday 12th April 2018 09:12:13 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buugga RAAD: Taariikhdii SNM iyo Waayihii ay soo Martay

    Buugga RAAD: Taariikhdii SNM iyo Waayihii ay soo Martay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buugga RAAD: Taariikhdii SNM iyo Waayihii ay soo Martay

Waa qaybo ka mid ah cutubka labaad oo ku jira buug uu dhawaan soo saari doono qoraaga Cabdillaahi Beershiya, kaasoo hadda ku jira madbacadda shirkadda ASAL, waxayna qaybtani khusaysaa warraysi uu hore uga qaaday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Qaybtii 3aad


Qaabkii loo dooran jiray Hoggaanka SNM

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka xog-warramay qaabkii loo dooran jiray hoggaanka ururkii SNM, waxaannu yidhi; "Horta SNM madaxdeeda way dooran jirtay oo waannu kaga dawanayn jabhadii kale dhinaca doorashada, markaa shirarka ayaan waqtigooda la qaban jirin oo kolba ninka madaxda ah wuu ka yar warweegi jiray inuu shirarka wax lagu dooranayo qabto.

Arrintaasina waxay ahayd tii nagu dhalisay in aanu samayno Golaha Guurtida, annaga oo degan tuulada la yidhaa Cadaroosh oo aanu isugu yeedhnay odayaashii, markaas ayaanu ka reebnay wixii SNM-ta hore u joogay oo waxaannu keenay dadkii cusbaa ee dalka ka soo baxay. Guurtidu halkaas ayey ka soo bilaabantay, waanay hagaagsanayd oo waxay naga caawin jireen wixii khilaafaad ah ee dhaca iyo heshiisiinta.

Watigaas aanu guurtida iskugu yeedhnay waxay ku beegnayd markii labada dawladood [Ethiopia iyo Soomaaliya] heshiiyeen ee maamulkayagu qasnaa, markiise ay Guurtidu magaalada soo galeen ee ay madaxdii la kulmeen ee ay bac yar wax ku riteen waxay noqotay Guurti kharibantay,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Dawladihii taageeri jiray SNM

Sida dhacda ee ay dadku ka wada dheragsan yihiin dhammaan jabhadaha la dagaallama dawladaha ka jira dalkooda waxay dabada ku hayaan oo ay taageero ka helaan dawlado kale oo ka soo horjeeda nidaamka maamul ee ka jira dalka ay jabhadu ku kacsan tahay.

Haddaba, Eng. Maxamed Xaashi oo ka hadlayey in ay jireen dawladdo kale oo SNM ku taageeri jiray halgankooda, ayaa yidhi; "Dawladdii Cadan [Yemen] ayaa na siisay woxoogaa hub ah oo aan badneyn, marka laga reebo dawladda Itoobiya, jabhadu waxa ay taageero badan ka heli jirtay dadka reer Somaliland ee may jirin dawlad si rasmi ah noo siin jirtay taageero milatari iyo mid hantiyeed toona.”

UrurkiiSNM iyo Aragtidii Dawladaha jaarku ka qabeen

"Dawladda Itoobiya waxa ay SNM siisay saldhigyo, laakiin dawladda Jabuuti umay fiicnayn jabhadda, sababta oo ah waxa jiray dad ay dhiibtay xaataa anniga (Maxamed Xaashi) iyo mujaahid Dugsi waxa la nagu xidhay Jabuuti oo waxaabay isku dayeen in ay noo dhiibaan dawladdii Siyaad Barre, hasa yeeshee, waxa aad noogu fiicnaa dadka Ciisaha ah ee deggan dalka Somaliland oo noo samayn jiray sahanka iyo adeega aannu uga baahano,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

SNM iyo sida ay dalka u soo gashay

Waxa kaloo uu Maxamed Xaashi Cilmi ka xog-warramay qaabkii ay dagaalyahannadii SNM u soo galeen dalka, waxaannu yidhi; "Markii ay SNM bilowday inay soo gasho buuraha dalka Somaliland, waxay ahayd tijaabo lagu jabay, haddana lagu reeyey, sababta oo ah markii dambe ee aannu dalka soo galnay ayaanu tegi lahayn buuraha, dabadeedna waa lagu jabi lahaa. Sidaa darteed, dagaalkii buuruhu wuxuu ahaa mid wax badan fahansiiyey xooggagii SNM.

Waxyaabo badan ayaa SNM ku dhiirigeliyey inay dalka soo galaan, innaga oo ka soo qaadan karna arrimahan soo socda:

·Iyaga oo go’aan ku gaadhay inay ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee dawladdii Afweyne lagula dagaallami karo oo keliya magaalooyinka, si ay taasi u suurtogashana waxa la isku raacay in dalka la soo galo.

·Waxa aad noo caawisay oo na dhiirrigeliysay sahankayaga oo aan fiicneyn, waayo dadku waxay noo sheegi jireen oo keliya in aanay waxba naga horreyn, ileyn Libaax nimaan aqoon ayaa Lax ka rita’e, waxyaabahaas waxay nagu dhiirrigeliyeen in aannu isku soo maqiiqno dalka.

Heshiiskii labada dhinac [Ethiopia & Soomaaliya] inuu dhacayo waannu dareensanayn, waayo waxa Ethiopia iman jiray nin la odhan jiray Ina Xaashi, magaciisa waan illowsanahaye, laakiin dawladda Ethiopia wax ogeysiis ah oo ay naga siisay may jirin, anaguna waxaannu ka maqalnay warbaahinta, arrintaasina aad ayey noo caawisay, sababta oo ah waxa in badandib-u-dhici lahaa soo gelidayadii oo waannu habsaami lahayn.”

 

Markii u soo baxay fikirika goosashada Somaliland

Goosashadu waxay nagu soo dhacday markii Cabdillaahi Yuusuf oo haystay ciidamo badan oo ku filiqsanaa degaannada Aw-barre, Gaashaamo ilaa xadka uu nagala baxsaday oo uu meesha Gallaadi la yidhaa geeyey, sababta uu sidaa u yeelayna waxay ahayd markii ciidamo ay leeyihiin reerka loo yaqaano Ciise Maxamuud (jilib ka mid ah Majeerteenku) sheegeen inay SNM-ta ku soo biirayaan, kuwaas oo lagu horjoogsaday meel Jigjiga ka sokeysa, dabadeed meeshii ayaa nagu bannaanatay oo waxaannu weynay cid dagaalka nala gasha.

Markay heshiiyeen labada dawladood, waxay u ekaatay inuu maamulkii naga dabcay, dhinaca kalena dadkeenu kuma wanaagsana shaqada. Way dhici kartaa inay jireen waxoogaa khilaaf ah, laakiin may keenin isku dhac oo sida la wada ogyahay jabhaduhu iyaga dhexdooda ayaa is laaya, taasina nagumay dhicin.

Haddaba, markii khilaafaadku dhaceen ee aynu dalka soo galnay, waxa jiray isku dayo lagu dhammaynayo khilaafaadkaas, waxa la qabtey shirar badan ka hor intii aan la qaban shirkii magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shirar lagu qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo lagu qaadaa dhigayey sidii la isugu yeedhi lahaa beelihii kale ee aan SNM-ta ahayn.

Haddii aan u soo noqdo shirkii Burco ka dhacay, dadka ka soo qaybgalay si wanaagsan ayey u soo ajiibeen, wufuudii meesha isugu timidna way is afgarteen oo waxay isla qaateen ajandihii shirka.

Haddaba, halkaas ayaa lagu go’aansaday in Somaliland lagu gooyo oo ay dib ula soo noqoto madaxbannaanideedii ay qaadatay 26 June 1960, SNM-na ay maamulka sii hayso, waxaan intaa ku darayaa marka dib loo eego shirarka aynu isugu nimaadnaa waxay ku dhammaadaan guul, waayo hadalka la dhibsado ee ah wixii daantana dabayli ha qaado, wixii daantaa ahna daad ha qaado Inta badan waa mid si niyad sami ah loo leeyahay, sababta oo ah inta aan xasuusto ma garanayo shir aynu isku afgaran weynay, taasina waxaynu kaga duwannahay Soomaalida kale ee dhibtu ka jirto.

Intii lagu jiray labadaa sanno ee ay SNM xilka haysay wax xil ah oo aan qabtay muu jirin. Shirkii Burco waxa ku xigay kullankii ka dhacay magaalada Boorama oo lagu soo doortay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, intii uu Cigaal xilka hayey waxa dhacay khaladaad la sameeyey oo keenay inuu bilaabmo dagaalkii sokeeye. Waxase hagaagsanaan lahayd markii la doortay Cigaal inuu Hargeysa dhaafo oo uu gobollada kale tago si uu maamulka u ballaadhiyo.” Dhammaad.Qaybaha kale waxa aad ka akhri doontaan marka u soo baxo buugga Raad, haddii Ilaahay yidhaah.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS