Taarikdii Fanandii weeynayd Sahra Axmed Jaamac AHUN

0
Thursday 12th April 2018 12:15:57 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taarikdii Fanandii weeynayd Sahra Axmed Jaamac AHUN

    Taarikdii Fanandii weeynayd Sahra Axmed Jaamac AHUN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taarikdii Fanandii weeynayd Sahra Axmed Jaamac AHUN

Waxaynu Maanta Halkan kaga hadlaynaa AHUN Taariikhdii Nololeed iyo Faneedba Fanaanadii Waynayd ee Sahra Axmed Jaamac 4-04-2018 ku Geeriyootay Magaalada Hargaysa Gaar ahaan Gargaar Hospital Barqadii iyadoo isla Galabnimadiiba lagu Aasay Xabaalaha Haleeya ee Bariga Magaalada Hargaysa Aaskedana 


Waxa ka soo qayb galay Dadwayne aad u tira badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi oo ay kusii Sagootiyeen Duco Ilaahayna looga Baryey Danbi Dhaaf iyo Naxariis Haddaba hadii aynu Dib u milicsano Taariikh nololeedkii Marxuumad Sahra Axmed iyada oo ay leedahay Taariikh intan ka badan oo halkan lagu soo koobi Karin ama aanan wada garan Karin dad iga sii aqoon badana aay jiran hadana inta aan ka garo ama ka haleelo Sahra waxa ay ku dhalatay Hal-Dhagan oo ka tirsan Gobolka Sanaag kana xigta Magaalada Cerrgaabo 35km Xaga Bariga oo hoos timaada Jiidali Sanadkii 1948kii sida ay ii sheegeen Reerkoodu waxay u so wareegtay iyadoo yar Hargaysa gaar ahan xaada Dunbuluq Sanadkii 1965 kii Hooyaddeed waxaa la odhanjiray Xaawa Axmed Dhaglow Abheedna waa Caqil Nabadoon Axmed Jaamac Libax salaax oo waxa u ku noolyahay deegankas AHUN 


Sahri waxay ahayd Qof Jecel Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka taas oo ay ciyaari jirtay yaraanteedii, kuna fiicnayd sidoo kalana waxay Jeclayd Fanka. Sahra waxay Habra wadaag ahaayen oo laba Walaalihina kala Dhaleen Abwaankii waynaa ee Fanaankana ahaa Cabdale Maxamed Sag-saag kaasi oo Gurigiis ay iskugu iman jireen Fanaaniinta iyo Abwaanaduba Halkaasi oo ay kusii Jeclaatay ama ay ku Dhiiratay inay ka mid noqoto fanaaniintii markaa jiray. Si ay hibadeeda faneed eek u jirta usoo bandhigto. Haddaba Sanadkii 1968kii Sahra waxa ay ka qayb qaadatay Riwaayadii ugu horaysay oo la odhan jiray ‘Garashaa Garab Weydey oo uu sameeyey Axmed Saleeban Bide waxanay ka mida ahaa heesaha ay wada qaadeen Maxmed Aadan Dacar ee Ma I baqday sidaa beel Baad iyo Xareediyo loo Heelay barwaqo,heestas oo aan xiligas la duubin Waxa 1969 kii dib u wada qaday oo qolka kaydka ee Muqdisho loogu qabatay iyadoo Hibo dib ula qaday Dacar. 

 Heesti labad waxa ay wada qaadeen Maxamed Nuur Giriig waxana curiyay Axmed S.Bide taas oo midhaheedii ay ka mid ahaayeen Daadna ruux ku aaminay iyo Waacad Ilaahay, haddana waxa ay qaaday heestii sadexadana waxay wada qaadaan Giriig taas oo ay midhaheedii ka mid ahaayeen: Maahee qadraay.oo u Curiyaay Ilka Casee Markaa kadib waxay Sahri noqotay fanaanad caan baxday. Haddaba 1970kii wax ay Sahri matashay Riwaayadii ugu horaysay ee ay Aktarad ka kowaad ka noqoto, waxaana la odhan jiray Waalida Ragaiyo Wareerka Dumarka oo u Sameyay Muuse Cali Faruur taas oo ay wada mataleen Maxamed Yuusuf Cabdi, heesaha ay wada qaadeena waxa ka mid ah heesta Ma Yabalana iyo , 

Weydaarso Gacmaha, iyo heesta Caqli daran naftaydaay, iyo weliba Riwaayadii labaad ee ay Aktarad kanoqotay waxa ay ahayd 1971kii waxaana la odhanjiray Kaas dumar iyo Kadaloob Rag waxa Curiyey Maxamed Aaden Dacar waxaanay wada mataleen Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Axmed Mooge Liibaan Heesha aay wada qadayeen Qaline waxa ka mid aha Gormaynu darisna iyo Bal qof yahaw.iyo ay wada qadeen Axmed Mooge 1972kii waxay matashay Riwaayadii ku xigtay oo la odhan jiray Jeel iyo Jacayl oo ay wada Mataleen Abu-raas iyo Xassan Suudi Riwaayadaa oo ay sameeyeen Axmed Saleebaan Bide iyo Huryo Heesha ku jirayna waxa ka mid ahaa Ayaa baraya cashaqa iyo maxaa ifka u roon ee la isku aamina Isla sanadkas waxay matashay ruwayd la oodhan jiray luuquni madax ma dhafto oo u cuiriyay Dacar heesha ku jiray waxa ka mid aha Igu soo roogal ceeli oo Sooran aay wada qadan 1973-dii waxa ay matashay ruwayad la odhan jiray; Jacayl waa kanee Kalay taas oo uu sameeyay Amed Saleebaan Bide, heesaheediina waxa ka mid ahaa: Jidhiidhico oo ay wada qadan Axmed Mooge iyo Soo Noq-noqosho iyo Manaxoow Jacayloow, 1974kii waxay matashashay Dab Jacayl kari waa oo Heesha aay qaaday waxa ka mid ahaa: laqanyada jacaylka iyo farskagii laga badi oo ay wada qadeen Bacalwaa iyo Cigaal oo ay wada qaadeen oo la odhanjiray Shawahaada iga daa.



 1975kii waxay Matashay riwaayad la odhan jiray Jacayl Godobtii Gabdho loo Tiri waxaanay wada Mataleen Xassan Diiriye Faarax waxaana sameeyey Ciise Warsame Faarax Heesha aay wada qadeen waxa ka mid aha Inaabti Aabayo huunoy iyo Bidix midig oo ay iyadu qaaday keligeed. Isla Sanadkii 1975-tii waxay matashay Riwaayad la odhanjiray Jin iyo Jacayl waxaa sameeyey Xassan Xaaji C/laahi Xassan Ganey waxaanay wada Heesayeen Cabdi Cali Bacalwaan oo ay wada qaadeen Waa hadad Wax garad tahay Hadii kale Wiiglada tuumo iyo heeska sida laan madheedhoo 1976 Sanadkaa waxa kale oo ay Matashay Riwaayad kale oo la odhanjiray Nin Qasbaaya Jacayl Maloo Quudhi Karaa waxaanay wada Mataleen C/raxmaan Dheere Waxanay wada qadayan Suul dhabaale waa haddal waxa kalo ku jirta Wisiisii waxaaa Riwayadaa Sameeyey Cabdi Cali Wayd isla Sandkaas waxa ya Matashay Riwaayad kale oo la odhan jiray Bad Jacayl Badanaa oo uu Sameeyey Maxamed Aaden Daca
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS