Maamulka Xamar Oo Furanaya Dacwad ka Dhan Ah Saldhigga Millatari Ee Imaaraadku ka Dhisanayo Berbera +[Goorta Dacwado La Furayo Eeg]

0
Monday 16th April 2018 06:55:45 in Wararkii Maanta by Xafiiska Sare
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Xamar Oo Furanaya Dacwad ka Dhan Ah Saldhigga Millatari Ee Imaaraadku ka Dhisanayo Berbera +[Goorta Dacwado La Furayo Eeg]

    Maamulka Xamar Oo Furanaya Dacwad ka Dhan Ah Saldhigga Millatari Ee Imaaraadku ka Dhisanayo Berbera +[Goorta Dacwado La Furayo Eeg]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Xamar Oo Furanaya Dacwad ka Dhan Ah Saldhigga Millatari Ee Imaaraadku ka Dhisanayo Berbera +[Goorta Dacwado La Furayo Eeg]

Dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay
qorshaynayso sidii ay u furan lahayd dacwad maxkamadeed oo ka dhan ah saldhigga
millatari ee uu dalka Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo madaarka caalamiga ah ee
magaalada Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay warbixin lagu faafiyey telefiishanka Press TV ee laga leeyahay dalka
Iiran oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, waxa ay Soomaaliya ka cadhootay
heshiisyada kala duwan ee Imaaraadka Carabtu la saxeexday Somaliland, iyadoo taasina
keentay inuu xumaado xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadku.
"Xukuumadda Soomaaliya ee ay beesha caalamku badhi-taarto, waxa ay qorsaynayaan
inay furtaan dacwad sharci oo maxkamadeed (legal complaint) oo ay laga soo horjeedaan
saldhigga millatari ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu (UAE) gooni-u- goosatada aan la
aqoonsanayn ee Somaliland,” ayaa lagu yidhi warbixinta uu baahiyey telefiishanka Press
TV.


Xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya
iyo dalalka Khaliijka Carabta, gaar ahaan waddanka Imaaraadka, ayaa sii xumaanaya
muddooyinkii u dambeeyey, iyadoo ay maamulka Muqdisho ka xun yihiin, kana hinaaseen
cillaaqaadka fiican ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Geesta kale, warbixinta telefiishanka laga leeyahay dalka Iran, ayaa lagu sheegay
dawladda Imaaraadka Carabtu maalgelin ku samaynayso dekedda magaalada Berbera ee
Somaliland, halka sidoo kale ay saldhig millatari ka samaysanayaan gudaha Somaliland si
ay ugu ilaashadaan danahooda gaadiidka badda ee maraya Gacanka Cadan (Gulf of
Aden), iyadoo sidoo kale ay Imaaraadku tababar siinayaan millatariga Somaliland.
Waxa kaloo warbixinta lagu sheegay in madaxda Somaliland ay safar martiqaad ah ku
tegeen Imaaraadka Carabta, iyadoo ay arrintaasina muujin u tahay in Imaaraadku doonayo
sidii uu aqoonsi rasmi ah u siin lahaa Somaliland.

"Somaliland waxa ay ku taal marinka istaraatiijiga ah ee Bab al-mandeb oo ka soo gudba
dhinaca dalka Yemen, goobtaas istaraatiijiga ah oo ah marinka ugu mashquulka badan ee
ay isticmaalaan gaadiidka baddu, gaar ahaan waa marrinka ay ka gudbaan gaadiidka
xambaara shidaalka iyo gaastu, markaa si ay Imaaraadka Carabtu awood maamul oo
xooggan ugu yeeshaan marin-biyoodkan istaraatiijiga ah, waxay isku ballaadhinayaan

degaanka Bariga Afrika, gaar ahaan Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi
warbixinta telefiishanka Press TV.
Khilaafkan u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, ayaa sababay in madaarka
magaalada Muqdisho lagu qabto diyaarad Imaaraadku leeyahay oo siday lacag dhan $9.6
milyan oo doollar, taasoo loogu talogalay ciidanka loo tababaro Soomaaliya, waxayna
arrintaasi keentay in la kala diro ciidanka uu tababarka siiyo Imaaraadka Carabtu, halka
sidoo kale ay degaannada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ka baxeen
saraakiil ka socda Imaaraadka Carabta, kadib markii la joojiyey hawlihii tababarka ciidanka
ee ay halkaas ka bixin jireen.

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa si xooggan u cambaaraysay tallaabada ay sirdoonka
Soomaaliya kula wareegeen lacagta saarnayd diyaaradooda ee loogu talogalay tababarka
ciidabka, taasoo ay ogaayeen madaxda Soomaaliya.
 

4

‘Waxa aan ahay Xoghayihii Guud, Shirweyne ayaa la igu
Doortay oo Shirweyne ayaa la igaga Qaadi Karaa Xilka’
Xoghayihii xisbiga WADDANI oo daadafeeyey go’aan ka soo baxay Guddida Fulinta
oo uu Guddoomiye Cirro ku sheegay in xilkii lagaga qaaday

Hargeysa (Jam)- Xoghayihii guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed
Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sheegay in lagu doortay shirweyne xisbi, xilkana lagaga qaadi
karo isla shirweyne uu yeesho xisbigu, waxaannu sharci-darro ku sifeeyey go’aan ka soo
baxay Guddida Fulinta WADDANI oo lagu caddeeyey in xilkii iyo xubinimadiiba lagaga
qaaday.

Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa
shalay, waxa uu dhaliilo kala duwan u jeediyey Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo uu ku
sifeeyey inuu masuul ka ahaa guul-daradii ay kala kulmeen doorashadii Madaxtooyada
Somaliland.


"Anigu waxaan ahay Xoghayihii Guud, shirweyne ayaa la igu doortay, shirweyne ayaa la
igaga qaadi karaa, wixii sharcigu i mariyana waan oggolahay, laakiin waxa uu malmaluuqay
shalay [14/04/2018] Guddoomiye Cirro, wax dalkana ka jira iyo xisbigana ka jira ma’aha,
waxaanan oggolahay si nadiif ah oo walaalnimo ah in go’aankayga dembe aan dib u dhigto,
taageerayaashaydiina, Golaha Dhexe xisbigu iyo Fulintii iga codsadeen waxay in aannu
tashanno, waxa aan jecelahay in aan waqti siiyo, maadaama ummadda xisbigan dadkii ugu
horreeyey ugu baaqay ka mid ahay, in aanan dulmin oo aanan cidlo kaga dhaqaaqine aan
tixgeliyo culayskooda.
Markaa arrintaas iyo waxaan ka yeelayo iyo sidaan Xoghayenimadaydii u wadayo waxa aan
ka hadli doonaa ayaan dhaw Insha Allah, waanan idiin yeedhi doonaa, ummaddana
waanan u soo bandhigi doonaa,” ayuu yidhi Md. Uurcadde.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; "Waxaan leeyahay, Guddoomiye aan ku saxee, qodobka
16-aad, faqradiisa 3-aad ee xeerka xisbiga WADDANI, waxay leedahay; ‘Shirweynuhu waa
hay’adda ugu sarreysa ee xisbiga.’ Waanna shirweynaha labadeenaba la innagu doortay si
simman, laakiin kala sarreysa, shirweynaha waxa ku xiggaana waa Golaha Dhexe,
hay’adda ku xigtaana waxa weeye Fulinta, waa sidaa jaran-jarada xisbigu aan ku saxee.”
Md. Uurcadde, ayaa sidoo kale sheegay shirka Guddida Fulintu ahaa mid aan
dhammaystirnay, waxaannu yidhi; "Waxa aad shalay [14/04/2018] u yeedhay oo aad shir u
qabatay tiro aan dhammeyn oo aad ku sheegtay Guddigii Fulinta oo dadka intii badnayd ay
dibedda ka joogtay, qaarna kaa baxeen, runtiina aad iyo aad aan uga xummahay inaad
xisbiga dhexdiisa kala naqeysato, oo in adiga ku oggol aad shirka ugu yeedho.
Waxaan Guddoomiye, ama ummaddaba aan u sheegayaa, maadaama waan
waafaqsanayn shuruucda dalka iyo shuruucda xisbiga oo aannu meelnaba ka soo gelin,
arrintaas uu dhoob-dhoobay ee uu sameeyey Guddoomiyuhu waa qayrul-sharci, umana
hoggaansamayo, mana oggoli, waxaanan yeelayo gadaal ayaan idiinka sheegayaa.
Laakiin, waxaan idiin sheegayaa oo aannu sinaba sharciga Somaliland iyo sharciga xisbiga
meelna aannu ugu lahayn.”

Xoghayihii Guud ee xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale iska difaacay eedaymo uga yimmi
guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaannu yidhi; "Guddoomiye Cirro, waxa uu igu
eedeeyey in aan ka soo horjeestay go’aankii xisbigu uu gaadhay, isaga oo tusaale u soo
qaatay DP World iyo Saldhigga Milatari ee Berbera. Waxaan leeyahay, Guddoomiye aan ku
saxee, anigu waxa aan u jawaabay dawladda Soomaaliya oo dalkeena cadaw ku ah oo
tidhi; ‘Somaliland lama maalgashan karo, ma jiri karto, wax jira ma’aha.’ Inaad dhibsatay
ayey u egtahay jawaabta Soomaaliya, balse muwaadin dalkiisa jecel ayaan ahay.
Arrinta DP World ee aad igu eedeeynayso ee marka aan soo qaado aad i leedahay;
‘Berbera dekeddeeda maan bixin, Golayaashuna [Guurtida iyo Wakiillada] may ansixin.’
Waxaan u arkaa inay tahay dambi qaranka aad ka galayso. Waa dambi, waa khiyaamo
qaran, waxaad ku pass-garreysay [ku-meel marisay] 68 cod oo ay Golaha Wakiilladu ku

pass-garreeyeen [ku-meel marisay], qoraalna waad ku bixisay, Abu Dabayna [Abu Dhabi]
laba goor ayaad la kulantay tiraba inta aan hubo shirkadda DP WOLRD.”

"Cirro (Guddoomiyaha WADDANI) waxa aan u sheegayaa, walaalow in badan ayeynu soo
wada noolayn, dad walaalo ah ayeynu nahay, waxa aan jirin ummadda inaad u sheegto ka-
xishoo, Somaliland-na nin Ilaahay abuuray oo burburin karaa oo aannu ka yeelaynaa ma
jiro. Waxaynu isku haysanaa, taas ayaa bilaw u ah, aniguna Somaliland kursi iyo waxaan
siisanayaa midna ma jiro, halkan dhiig ayaa lagu shubay, nafo ayaa ku dhintay, ummad
dhan ayaa ku burburtay, maalkii dadku lahaa ayaa ku rogmaday, haddaad adigu Finland iyo
Russia joogtay oo aad Ruushka fadhiday, rag ayaad xabbaalahoodii ku dul ciyaaraysaa, oo
aad Guddoomiye ku tahay, oo aad murrashax ku tahay,” ayuu yidhi Md. Uurcadde.
Waxa kaloo uu sheegay in waxayabaha sababta u ahaa in xisbiga WADDANI ku guul-
darraysto doorashadii Madaxtooyada ee dalka qabsoontay bishii November ee sannadkii
2017 ay sabab u ahayd in Guddoomiye Cirro si cad u sheegi kari waayey in aannu xisbigu
wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliya.
"Anigu hadda waxa aan ahay, ninka kursigiisa lagu soo duulay, waxaan beeshayda u
sheegayaa, oo aan taageerayaashayada u sheegayaa, oo aan ummadda reer Somaliland
gude iyo dibedba u sheegayaa, arrintaasi inay ku kooban tahay ay gaar u tahay Cirro, qof
kale oo ku weheliyaa in aannu jirin oo beel ah, oo koox ah, oo cid kale ah.
Cidda uu jeebadda ku sitaana isaga ayey gaar u tahay, arrinka uu gaadhay inuu sharcigii
dalka iyo sharcigii xisbiga ku baabi’iyo nin uu jeebadda ku rito uu ku beddelana, waxaan u
arkaa inay runtii tahay sharci-darro. Laakiin, waxaan ku cel-celinayaa arrintaas socotaa
isaga ayey gaar u tahay, reerkaas in badan ayaan la soo shaqeeyey, waxaan Illaahay la
hortagayaa inay yihiin; ‘Reer gob ah.’ Waar gob weeyaan, waxan kuma jiraan, waxaa dadku
wado yaan la wadin,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Waxaannu intaas ku daray; "Reerkaygana waxaan leeyahay, xisbiga aniga iyo Cirro ayaa
wada sameysanayee, kursiga haddii uu iga qaado iyo haddii aannu iga qaadin, idinkana idin
kalamaan tashan, cid kalena kalamaan tashan, haddii uu awood uu leeyahay, isagu ha iga
qaado ee ha iigu imanina, nin iigu yimaaddaa ayuu jirin, meesha waxa yaalla waa arrin
siyaasadeed. Arrin siyaasadeedna in beelaha la geliyo ma’aha, cidda soo gashaa waa cid
doonaysa wax kale oo xummaan ah ee ma’aha cid wanaag doonaysa. Annaguna taas
diyaar uma nihin ee waxaannu diyaar u nahay in aannu sharciga ku kala baxno.”

LATEST NEWS