Waa Kuma Hogaamiyaha Boqolka Milan Lagu Aaminey Inuu Hago, Dr. Abbiy Ahmed Ali (Ethiopian Prime-minister), Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

0
Monday 16th April 2018 07:22:49 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Hogaamiyaha Boqolka Milan Lagu Aaminey Inuu Hago, Dr. Abbiy Ahmed Ali (Ethiopian Prime-minister), Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Waa Kuma Hogaamiyaha Boqolka Milan Lagu Aaminey Inuu Hago, Dr. Abbiy Ahmed Ali (Ethiopian Prime-minister), Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Hogaamiyaha Boqolka Milan Lagu Aaminey Inuu Hago, Dr. Abbiy Ahmed Ali (Ethiopian Prime-minister), Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Qormadani waxay koobsanaysaa dhamaan Taariikh-nololeedka Raysal-wasaarada cusub ee dhalinyarada ah ee Ethiopia hada u cumaamadey jagadaasi, Gudoomiyaha xisbul-xaakimka dalka Ethiopia (EPRDF), (Ethiopia People's Revolutionary Democratic Front), Dr. Abbiy Ahmed Ali ahna Gudoomiyaha (OPDO), (Oromia Population Democratic Organization), Waxa uu ku dhashay (Beshasha Town una dhaw agagaarka Magaalada Agaro oo ka tirsan gobalka Jimma zone ee deegaanka Oramadu ku dhaqan tahay), Xiligaasi oo taariikh ahaan aheyd 23kii April sanadii 1976kii.

Qoys ahaan waxa uu ka soo jeedaa qoys isugu jira Laba diimood oo kala ah Muslimiin iyo Masiixiyiin , Kasoo ay kala qaybiyeen Aabihii iyo Hooyadii oo uu aabihii yahay Muslim halka Hooyadiina tahay Masiixiyad yadoo waliba isaga lagu tiriyo inuu u badan yahay dhinaca hooyadii oo uu Masiixi Yahay, Qoyskooda ayaa ka kooban 5 qof oo walaalo ah iyo Labadii waalid ee dhalay yaga shantooda oo kala ah Laba wiil iyo Saddex Gabdhood, Dr. Abbiy Ahmed waxa uu waxbarashadiisii hoose iyo tii dhexe ku qaatey Dugsi ku yaaley magaaladii uu ku bar-baarey ee lagu magacaabi jirey (Agaro), Ka dib waxa uu u soo dhinaca gobalka Jimma si uu dugsiga sare halkaa uga sii wado nasiib-wanaag halkaasuu ku dhameeyey waxbarashadii heer dugsiga aheyd.

Ka dib waxa qaadatey oo uu ka mid noqday Ciidamada Itoobiya (Ethiopian National Defence Force) , Isagoo halkaa jooga ayuu diyaariyey Frist Bechular Degreegiisii (Computer Engineering in microlink Information Technology College In Adis Ababa sanadihii 2001- 2005tii Isla xiligaa waxa uu helay tababer dhinaca Itga ah oo South-Africa ah), Second degree ama Master Programmekii waxa uu ku (Master Of Art In Transeformational Leadership And Change) oo aheyd Business School at Green-wich University London, Sidoo kale waxa uu Master ahaan ku diyaariyey Business Adminstration waa isla sanadkaa 2011kii ee uu London ka yimidey Adis-Ababa, Hadana 2013kii waxa uu ku darsadey (Leadstar College Of Management And Leadership) oo ah Master Programme yadna waa jaamacada Ashland University in Adis Ababa.

Wixii intaa ka danbeeyey waxa Bilaabey heerkii ugu sareeyey waxbarashada oo ah Third Degreega jaamacad ku taala Adis-ababa oo lagu magacaabo (Institute For Peace And Security Studies) oo ka qaatey shahaadadii heerka saddexaad ama P.H.D. Waana maalintii ay magaaciisa xaga hore ka raacdey Dr. Abbiy Ahmed Ali , Waxa kale oo uu leeyahay xirfado milatari isagoo ka mid ahaa ciidanka difaaca itoobiya waxa hawl-galkii ugu horeeyey loogu direy dalka Rewanda Genocidekii ka dhacay waa saraakiishii hogaaminaysay hawl-galkaa bani-aadamtinimada ku salaysnaa ee halkaa ka dhacay, Dhan kale waxa uu khabiir dhinaca tiknoolajiyada ee milatariga itoobiya la shaqeeya isagoo ugu danbayntii yeeshay khibar ciidanimo oo buuxda waayo waxaa loo dhiibay hogaaminta dagaalkii la odhan jirey (Ethio-Eriteria Border War),oo uu guul ka soo hoyey.

Hogaamiyaha dhalinyarada ah ee dalka Itoobiya hada hogaaminayaa waxa uu khibrad u leeyahay dhinaca culuunta amniga (Security) oo uu ku diyaariyey Shahaadadii ugu danbaysay , Sidaa darteed waxa u soo qabtey shaqooyin xul ah dhinaca amniga sida (United Nations Peace Keeping Force), UNAMIR. Hay,adan caalamiga ah oo uu la shaqeeyey ee amniga dunida ka shaqaysa waxa intaa u dheer waa Aas-aasihii Barta Sir-doonka Itoobiya ama Wakaalada Macluumaadka Tiknoolajiga Ilaalisa, ee lagu magacaabo (Insa , Ethiopia Information Network Security Agency), Waxaanu wakaaladan ka noqdey Gudoomiyaheeda Guud iyo ku-xigeenba isagoo fikirkaasina ku guulaystay.

Hogaamiyahani lagu magacaabo Dr. Abbiy Ahmed Ali kuma yara khibrad iyo shaqo waayo sidoo kale waxa uu ahaa Xubin ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Itoobiya (Federal Parliament Assembly), Oo laga soo doortey Deegaanka Agaro sanadkii 2010kii , Hogaamiyahani waxa uu dheeraa madaxda isagoo shaqaynaya oo macaa dagaalo loo direy ayaa uu Waxbarasho dhinac ka waday , Runtii waa hawl-kar tacajib galiyey itoobiya, Ugu danbayntii sanadkii 2015kii waxa uu noqday wasiirka tiknoolajiyada iyo sayniska ee Itoobiya mudadii u dhaxaysay 0ct 2015kii ilaa Oct 2016kii waa mudo laba iyo toban bilood ah, Sanadii uu qaatay shahaadada ugu sareysa ee PHDda waxa yadna garab socotey waa 2017kiiye inuu noqdo Gudoonka guud ee (Oromia Revolution Organisation).

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS