Wasiir' Maxamed Kaahin Axmed iyo Madaxweyne' Muuse Biixi Cabdi W/Q:- fadxi garaad ciise

0
Thursday 10th May 2018 11:51:54 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir' Maxamed Kaahin Axmed iyo Madaxweyne' Muuse Biixi Cabdi W/Q:- fadxi garaad ciise

    Wasiir' Maxamed Kaahin Axmed iyo Madaxweyne' Muuse Biixi Cabdi W/Q:- fadxi garaad ciise

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir' Maxamed Kaahin Axmed iyo Madaxweyne' Muuse Biixi Cabdi W/Q:- fadxi garaad ciise

Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arimaha gudaha iyo Ammaanka Maxamed Kaahin Maxamed, Madax dhaqameedka Dalka iyo Xeerbeegtida, Waxaan Kula Talinayaa In Colaadaa Soo laa- laabanaysa ee xambaarsan Dhagarta iyo dhiiga Sokeeye, isla markaana u dhaxaysa Dadka Abwadaagta ah, ood wadaagta ah, Xigtada ah, Xididka ah, Xigaalka ah, Ee Isku deegaanka Ku Dhaqan.


In Hadii Colaadan Lagu dhammaaday, Taasoo Hore Loogu kala qaaday Dhaar iyo Xeerar nabadeed oo Lagu kala badbaadinayo ummadaas, Isla markaana ay goob joog ka ahayd xukuumada iyo Madax dhaqameedkuba, Ay xal iyo Xalinta Colaadaa Noqon Weyday, Isla markaana Xaalku sii Xumaanayo, Baaq nabadeed Oo Xukuumada iyo Shacabkuba diraan Aanay kala bad baadineyn Dadkaasi Dirirta Colaadeed Ku dhex marayso deegaanada Ceel Afweyn, Waxaa Haboon in la Adeegsado Dhanka "Qisaasta" Oo ah Qofkii Qof Qudh gooya In Loo Qisaaso Ama Loo dilo, Isla markaana Qof kasta Lagu Qaado sida uu dhigayo Sharciyadeena Islaamku Oo Qofkii Qof dila Loo Dilo. Sidoo kalena La xidhxidho Oo xabsiga La dhigo Cid kasta Oo Abaabulka Rabshadaa Colaadeed Lug Ku yeelata Lana Mariyo Ciqaab Adag.



Sababtoo ah' Imika Xaaladu waa ay dhaaftay In Gogol Nabadeed loo dhigo labada daraf ba, Isla markaasna Qodobo Iyo Xeerar Nabadeed Oo cusub la dhaqan geliyo, Hadii Aan sidaa aan la samayna Ilama aha in Xal Loo helayo Xaaladaa Nabad gelyo Xumo ee ka taagan Deegaankaasi.


W/Q: Fadxi Garaad Ciise

Contact:- 063-4001631

gmail:[email protected]

facebook:- aqoonyahan fadxi garaad


LATEST NEWS