Colaada Ceel Afweyn Iyo Xaalkeeda Wakhtigii Hore!!!!!W/Q Cabdifataax Axmed

0
Friday 11th May 2018 12:29:52 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaada Ceel Afweyn Iyo Xaalkeeda Wakhtigii Hore!!!!!W/Q Cabdifataax Axmed

    Colaada Ceel Afweyn Iyo Xaalkeeda Wakhtigii Hore!!!!!W/Q Cabdifataax Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Colaada Ceel Afweyn Iyo Xaalkeeda Wakhtigii Hore!!!!!W/Q Cabdifataax Axmed Colaada Ceel Afweyn Iyo Xaalkeeda Wakhtigii Hore!!!!!W/Q Cabdifataax Axmed

Waxa aan shaki ku jirin in xukuumaddu aanay daacad ka ahayn colaaddaa Ceel Af-weyn, karti iyo awood kale oo dawladnimo ha joogtee! Madaxweyne Muuse wali wuxuu ku faraxsan yahay in uu xallinta dhibtaas u maro casuumida wasiiro beelahaa ka soo kala jeeda oo kow ka yahay saaxiibkii Mohamed Kaahin, halka ciidankii qarranka ee gobolka Sanaag uu u kala baxay reero, una diyaarsan yihiin in dhexdooda is-laayaan iyagoo beelaysan, qarranimadiina ka kufriyay!

0px 0px 6px; font-family: inherit;">Awoodda dawladnimo waxa ay quwad ku leedahay marka is-aaminka iyada iyo muwadiniinteeda ka dhaxeeyaa uu xooggan yahay. Haddii se is-aaminku dhibto, dawladnimo saqiirtay. Colaaddaa 4 bilood ka hor wax ka qabasho ayay lahayd, maanta se hallisteedii way tobban-jeer jibbaarantay. Madaxweyne, qarranka colaaddaasi halis bay ku tahay maanta, ee amma Ina Kaahin raaligeli amma qarrankaaga raalligeli!

 

"Meel hoo u baahan haddal wax kama taro." Wacdi iyo waano uma baahna hawshaasi e, waxa ay u baahan tahay shaqo degdeg ah, daacad na laga yahay; waa se horta in garraadkii lagu fahmi lahaa iyo dammiirkii lagu hawl-gali uu jiraa!

Waxa aan soo jeeddin sidan:-

1. Wasiir Mohamed Kaahin waa in hawshan laga wareejiyo masuuliyadeeda, waayo kartidii, daacadnimadii iyo is-aaminkii lagu hawl-gali lahaa ayuu lumiyay;


2. Waa in xaalad degdeg ah lagu soo roggaa dhulkaas dadka kibray ay fasahaadiyeen;
3. Waa in saraakiisha ciidanka qarranka ee beelahaa dagaalamaya ka soo jeedda laga soo bedelaa gobolka, saraakiil aan beelahaas dagaalamaya ahayn oo ay, ugu yaraan, bulshadu aamini karto waa in la geeyaa aaggaas;

4. Waa in baadhis qoto-dheer lagu sameeyaa cidda jabbisay heshiiskii la galay, ciidanka si uun uga qayb-galay colaaddaasi, la soo bandhigaa si ban-yaal ah dadka collaaddaa huriyay, isla markaana loola xisaabtamaa si aan tudhaale lahayn, ilaa heer qisaaseed! Bil shurruud wakhti yar gudaheed intaa xiisaddu taagan tahay!
5. Waa in ciidanka aaggaas ka hawl-gala isku shaandhayn lagu sameeya, loo na kala baddalaa goboladda kale si loo hubiyo in aanay caqabad ku noqon saraakiisha cusub ee aagaas ka hawlgalaya iyo awaamiirta culculus ee ay bixinayaan. Sidoo kale waa in ciidanku ammar lagu siiyaa in wadada lagu toogto ninka qori gurigiisa kala baxa ee suurqa la maraya;
6. Waa in baadhis lagu sameeyaa odaya-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada si uun uga qaybgalay bilowga, abbaabulka iyo hurinta colaadaas, horayso iyo dambaysaba. Waa in loo soo ban-dhigaa si ban-yaal ah, loo lana xisaabtamaa si aan tudhaale lahayn;
7. Intan ka dib ayay suurogal tahay in sababaha kale ee colaadan keenaya iyo wixii lagu heshiisiinayo ba in si cilmiyan ah loo darso. Waa se in la muujiyaa awood dawladnimo oo aan naxariis u haynin daalimiinta iyo shar-wadayaasha. Waa in ninka xabbadda ridisteeda ku raaxaysta ay dawladnimadu ajasha dhaafisaa, iilkana uu ku karaahiyaystaa qaadista qoriga iyo niyaynta in uu xabbad iska rido!

Abdifatah Ahmed

LATEST NEWS