Dawladdaha Hoose Ee Soomaliland..W/Qortay Hibo Ciise

0
Saturday 12th May 2018 10:57:16 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladdaha Hoose Ee Soomaliland..W/Qortay Hibo Ciise

    Dawladdaha Hoose Ee Soomaliland..W/Qortay Hibo Ciise Dawladdaha Hoose Ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladdaha Hoose Ee Soomaliland..W/Qortay Hibo Ciise Dawladdaha Hoose Ee


Dawladdaha Hoose Ee Soomaliland..W/Qortay Hibo Ciise


Muwaadin aqoon intee le’eg baad u leedahay dawladda hoose ee degmadaada?. Waa maxay xidhiidhka idinka dhexeeyaa? Waa maxey waajibaadka ay tahey iney kasoo baxaan xildhibaanada dawladda hoose ee Degmadaadu? Maxaa adiga kugu waajib ah si ay u shaqeyso dawladda Hoose ee magaaladaadu? Ma taqaanaa shaqada Duqa(Mayor)/ku xigeenkiisa, Xoghayhaha, Guddiga fulinta, Guddiga Joogtada ah & guud ahaanba xildhibaanada Gollaha Deegaanku? Ma taqaanaa adeegyada loo baahan yahay inay qabato dawladda hoose ee Degmadaadu? Haddii aad saluugto wax qabadka xildhibaanadii aad soo dooratey awoodaada maku kala diri kartaa? Wali ina dib ma u eegtay xeerarka la xidhiidha Dawladaha Hoose si cilmiyeysana ma ugu dabaqday waaqaca jira? Horumar intee le,eg bay ku talaabsatey degmadaadu tobankii (10) sanadood ee


u danbeeyay?

 

Madaama ay inagu soo socdaan doorashooyin ay ku jirto doorashada golayaasha deegaanadu. Waa muhiim in aad jawaabo u hayso su,aalahaa oo aad markasta xaalada aad ku sugantahay adiga, qoyskaaga iyo deegaankaagu aad ku miisaanto.

Bulshada Soomaalilaan waxay u badan tahay bulsho dhag kaliya wax ka maqasha , dhagtaasina waa dhagta dhanka qabiilka xigta, waa meel aynu ka damqano meesha ugu nugul. Lawaa in aynu si balaadhan wax u eegno, iinta taa inoo dheerina waxay tahay fiirsasho la,aan iyo fahan gaabni ay inoo raacdey tixraac la,aan oo aan ula jeedo in aynu hore u ahayn bulsho hadal (oral society) cilmigii iyo ilbaxnimadiina aanay waxba inaga badelin. Oo kii wax bartey iyo kii miyiga xoolaha ku raacayey ee aan aqoon diineed & tu duunyo toona hayn ay isku si wax u arkayaan una naqdinayaan.

muddo 27 sannadood ah baynu sidaa ahayn ilaa aynu wiiqnay hanaankii dawladnimo oo aynu sharcigii kufsanay. wax horumara oo la taaban karo na aynaan ku talaabsan. Siyaasigaad kursi saartaan idinkoo malaayiin qof ah muxuu idinku soo celin karaa? sideese ula xisaabtami kartaan?.

Golle Deegaan muxuu yahey? Waa Golle degmo laga soo doortay. Tusaale Caasimada Hargeysi waxay leedahay shan & labaatan (25) xildhibaan oo ay sida xeerku dhigayo tahey in ay soo doortaan dadka deegaanka u ah caasimada maadama ay yihiin dadkii matalayey bulshada ku dhaqan Degmadaa. Hanaanka saxda ah ee loo dooran lahaa waxay ahayd in degmo kastaa sida Axmed-Dhagax ay tiro xildhibaano ah soo xulato iyada oo shuruuda koobaad ay tahay in ay shanta ama afarta xaafadood ee degmadaa kala degan yihiin kana soo toosaan. Si ay dadka degmadaasi baahiyahooda si fudud ugu gudbin karaan dabadeena si fudud cabashooyinkooda kalfadhiyada loogu gudbiyo.

Halkay saa ka ahayd baynu inagu ka dhignay in xildhibaan degan xaafada Maslaha ay u codeeyaan 100 qof oo ka kala yimi Naas-Abaarso, 150ka, Siinaay, Laanta Hawada, Daami iyo meelo kaloo badan. Iyada oo lagu soo yidhi haloo kaco waa ina Hebel. Hadda garo,oo isna dadka kaama yaqaan.

Waxay ahayd in ku dhawaad soddomeeyahaa sannadood (30 sannadood) ay wax la taaban karo qabsoomaan. Dhakhtar inooma kordhin "ganacsiyada gaarka loo leeyahay ka hadli maayo”, iskuul inooma kordhin, waddooyin inooma kordhin, biyo ha sheegin, Nalka isaga hadalkiisa daa. Hadday kordheena waxay ku kordheen waa mucaawimooyinka shiisheeye oo leh hab xisaabeed mashaariicdooda lagu bixiyo kuna khasban yihiin gollaha deegaanka ee degmadu inay soo gudbiyaan xisaab celin. Kuwaasi oo aan baahiyaha bulshadeenu dhinacna kaga dhaceyn.

Miisaaniyada dawlada Dhexe iyo dakhligeedaba waa la shaaciyaa sidii la doonaba haloo kharashgareeyee balse xogta dawladaha Hoose ee Somaliland aad bay u adagtahay in si fudud loo helo tu maaliyadeed iyo miisaaniyadeedna kaba sii daran.

Dawladaha Hoose waa muraayada laga daawado dawladda idilkeedba, horumarka dhaqan-dhaqaale & Siyaasadeed ee wadan waxa uu kasoo bilaabmaa habka & hanaanka loo horumariyo deegaanadeeda, siyaasadaha loo dajiyo iyo siday u hirgalaan. Waa lagama maarmaan in uu jiro tiir weyn oo isku xidha dawladda dhexe iyo Dawladdaha Hoose si loola socdo dhaqdhaqaaqyada horumar & dib udhac ee ay hayaan dawladdaha hoose ee Deegaanadu. Tiirka u dhaxeeya imika waxa weeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo masuuliyadeeda koobaad tahey sugida Aminiga.

Sidoo kale ka bulsho ahaan waa in aynu keenaa hab xisaabtankii dawladaha hoose iyo bulshada inta aan doorashoba laysla gaadhin. Durtaba wataa laysla dhex yaacayo reer hebel baa meel ku shiraya oo musharaxoodii Gollaha Deegaanka iska soo dhex saaraya iyagoo damacsan in ay lugooyada ay hayn kari waayaan nagu soo daayaan. Sidoo kale waxaynu aragnaa dhalin badan oo baraha bulshada ka iclaaminaya inay musharixiin yihiin. Timirtii horeba dab loo waa. In aynu halkeenii uun dib ugasii noqono iyo in aynu hore u talaabsano ka bulsho ahaan innaga ayaa isku hayna.

Haddaba aynu isku dayno inaynu su,aalaha kor ku xusnan iyo jawaabo u helno inaga oo la kaashanayna xeerarka aynu dhiganay bulsho ahaan.

Dastuurka qaranka JSL iyo xeerarka ka sii farcama oo uu ugu balaadhan yahey xeerka ismaamulka Gobollada & Degmooyinka JSL XeerLam 23waxa ay si fiican u qeexayaan dhamaanba su,aalaha kor ku xusan. Qodobada muhiimka ah uunbay halkan ku taaban doonaa balse waxaa iga soo jeedin ah in la akhriyo dadkuna isku baraarujiyaan in ay ogaadaan xeerarka & shuruucda dalka guud ahaan.

QODOBKA 19’aad ee xeerka ismaamulka gobollada & degmooyinku waxa uu qeexayaa habka & Hanaanka DOORASHADA MUDANAYAASHA Gollaha deegaanka

  1. Doorashada Mudanayaasha Goboladda iyo Degmooyinka JSL waxa lagu dhaqayaa Xeerka Doorashooyinka Ee markaas dhaqan galka ah.
  2. Golayaasha Deegaamadu xil gudashadoodu waa tabaruc mana yeelanayaan hawl maalmeed joogto ah marka laga reebo Guddiga Fulinta iyo guddida joogatada ah.
  3. Golayaasha Deegaanku waxay ku iman doonaan Tartan doorashooyin Ee Nidaamka Saddexda Xisbi Qaran Ee loolanka Golayaasha Deegaanka.

QODOBKA 21’aad ee xeerkanina waxa uu qeexayaa WAAJIBAADKA MUDANAHA.

  1. Mudanaha la doortay waxaa ku waajibay u feejignaanta iyo la socodka baahida iyo tabashada dadweynaha, Xilna ka saaran yahay inuu u soo gudbiyo Golaha Deegaanka ee uu ka tirsan yahay
  2. Wacyigelinta iyo xidhiidhinta dadweynaha asaga oo ku hanuuninaya kaalinta ay kaga jiraan horumarinta Deegaankooda.
  3. Inuu hormood ka noqdo, Horseed, abaabulo arrimaha daryeelka iyo horumarinta Bulshada sida Caafimaadka waxbarashada, Biyaha, Laydhka, Nadaafadda Guud I.W.M.
  4. Inuu si daacadnimo, Xilkasnimo iyo wadaniyad leh u fuliyo waajibaadka iyo xilka ka saran xubinimada Golaha Deegaanka.

QODOBKA 22’aad waxa uu taabanayaa DIIWAANGALINTA HANTIDA MUDANAYAASHA si hadhaw marka wakhtigii la doortay ka dhamaado ama eedi timaado loo barbar dhigo hantida ay markaa haystaan.

  1. Mudanuhu, wuxuu bil gudaheed marka la doorto, ku diiwaangelinayaa hantida uu leeyahay mood iyo noolba.
  2. Xoghayaha Fulintu wuxuu samaynayaa, ilaalinayaa, kaydinayaa diiwaanka hantida mudanayaasha.

QODOBKA 25’aad oo qeexaya SHURUUDAHA WAAYIDDA XUBINIMADA MUDANAHA

Shuruudaha ka reeban laguna waayi karo xubinimada Golaha Degmada

waxaa ka mid ah hadduu: –

  1. Xubinta Geeri ku timaado ama xannuun suurtagalin waaya gudashada xilkiisa oo Guddiga Dhakhaatiirta Gobolku caddayso.
  2. Istiqaalad qoraal ah keeno, iskiisna shaqada uga tago, Goluhuna oggolaado.
  3. Shuruud ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay haddii ay burto.
  4. U hoggaansami waayo ama uu jabiyo Xeer Hoosaadka Golaha Degmada, Goluhuna ku ansixiyo kala badh mid lagu daray tirada Guud.
  5. U ololeeyo ka faa’iidaysi dan gaar ahaaneed xubinimadiisa.
  6. Caadaysto lunsi hanti qaran, laaluush, eex, Qabyaalad iyo qaraabo kiil.
  7. Abuurid ama ka qayb qaadasho hawlo lid ku ah Nabadgelyada iyo Xasiloonida qaranka.
  8. Ka maqanaado Golaha (10) toban fadhi oo isku xiga Sabab la’aan.
  9. Ku dhaco xukun Ciqaabeed oo Kama dambays ah oo Maxkamadeed.
  10. Haddii ay ku cadaato Lana Xaqiijiyo inuu Xil kale oo Qaran hayo.
  11. Haddii uu la yimaado anshax xumo diineed ama mid dhaqan

QODOBKA 29’aad oo loo cuskanayo markii ay timaado in LA KALA DIRO KARO GOLAHA.

  1. Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la’aan, Degmooyinka Darajada "A” & "B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan. Degmooyinka Darajooyinka C, & D hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan u qabsoomi waayaan.
  2. Marka ay (1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na ansixiyaan.
  3. Marka Guddi qaran oo gaara ah oo madax banana oo madaxweynuhu u magacaabay xilka kala diridda ay soo baadhaan gefafka dhacay ee lidka ku ah xilgudashadooda warbixin iyo talooyin cadna ka keenaan.

4.Marka dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka Darajada "A” (5,000) Shan Kun oo Qof Maxkamadda Gobolka iska diiwan galiyaan kuna hor saxeexaan, soona jeediyaan in la kala diro Golaha sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka "B” "C” & "D” na waa 2000 oo Qof.

  1. Dadweynaha soo jeedinaaya Codsiga kala dirida wax u shardi ah inay deggan yihiin Degmada kana diiwaan gashan yihiin, isla markaana buuxiyaan shuruudaha Codeynta Ee sharciga doorashooyinku jideeyeen.
  2. Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu ku qanco, hubiyana xaqiijinta inay jebiyeen ama ay ku sifoobeen Arrimaha ku xusan Qodobkan Ee sababta kala dirida Golaha, wuxuu Wasiirku Awood u leeyahay, in uu soo jeediyo kala dirida Golaha, una gudbiyo Madaxweynaha oo leh Awoodda kama dambaysta ah ee kala diridooda, iyada oo loo marayo maxakammadda awooda u leh kala diridooda ee Heer gobol.

QODOBKA 36’aad oo tilmaamaya XILKA & MAS,UULIYADA GOLAHA DEEGAANKA

  1. Golaha Deegaanka wuxuu awood buuxda u leeyahay hawl kasta oo ka mid ah kuwa lagu tilmaamay qodobkan oo looga fadhiyo ka midho dhalintiisa ee ku jira xadka Degmadooda, sida:
  2. a) Xoojinta iyo kor u qaadista Nabadda, deganaanshaha, kala dambaynta iyo wanaajinta xukunka Dawliga ah.
  3. b) Kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha. Xeerka Goboladda Iyo Degmooyinka lab.23/2003_ Dib2 Nov. 2006(MHK/AAK) 19
  4. c) Kobcinta iyo kor u qaadista Arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Laydhka, Nadaafadda I.W.M.
  5. d) Wax ka qabadka iyo hagaajinta deegaanka, Dhiraynta, Xoolaha iyo fulinta Awoodda kaabayaasha dhaqaalaha I.W.M.
  6. e) Aasaasida suuqyo badeeco, xoolaha iyo Kaluunka
  7. f) Kormeerka dhismooyinka cusub, kuwa la cusboonaysiinayo iyo kuwa u baahan in la dumiyo.
  8. g) Ka hor tagga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha .
  9. h) Daad guraynta dadweynaha hadii aafo dhacdo.
  10. i) Diyaarinta iyo fulinta barnaamijyada iyo Mashaariicda horumarineed.
  11. j) Horumarinta Fank, Isboortiga iyo Suugaanta.
  12. k) Dhismo goobo biyood oo magaalooyinka iyo tuulooyinka dhexdooda ah.
  13. l) Samaynta iyo dayac tirka wadooyinka.
  14. m) Soo jeedinta iyo codsiga wax ka beddalka iyo habaynta Naqshadda magaalooyinka Degmadu ka kooban tahay.
  15. n) Diiwaan gelinta dadweynaha Degmada.
  16. o) Diwaan galinta hantida ma guurtada ah ee dadweynaha

Degmada ku nool iyo tan Dawladaba.

  1. p) Habaynta iyo aasaasida goobo ganacsiga iyo farsamo oo loogu danaynaayo dadweynaha.
  2. q) Noolaynta Shacaa’iirta Islaamiga ah, wadaniga iyo Caalamiga.
  3. r) Diyaarinta iyo oggolaanshaha dib u eegista Miisaaniyadda D/Hoose.
  4. s) Daryeelka Horumarinta Miyiga iyo dhiirigelinta wax soo Saarka iyo abaabulidda
  5. t) Dhiirigelinta Mashaariicda isku tashiga Bulshada.
  6. u) Habaynta Hawlaha aaska ( Qubuuraha ) astaynta dhulka Qabuuraha.
  7. v) Samayn goobo nasasho, wax akhris iyo Daawasho.
  8. w) Isku dheeli tirka baahida shaqo xadaynta, qorshaynta iyo jaangoynya shaqaalaha ka hawl gelaya waaxyaha D/Hoose, iyadoo laga duulayo hadba heerka shaqaale iyo Darajada Degmo kasta.
  9. x) Ilaalinta iyo Daryeelka Goobaha taariikhiga ah.
  10. y) Dhiiri galinta Madax Banaanaynta (Privatisation) iyo maal galinta wadjireed ( Joint Venture) ee dawlada iyo shirkadaha gaarka ah ee adeegyada Bulshada sida Biyaha, Nalka Iwm.

Qodobadan aynu soo qaadanay oo ah kuwo aad u taabanaya bulshada Somaalilaan waxa loo baahan yahey in aynu si cilmiyaysan u dhuuxno dabadeedna aynu qaadno talaabooyinka haboon ee ay tahey in la qaado si aynu uga raysano cabashadan iyo kadeedkan taagan ee aynu haddana inagu gacmaheena ku wadano.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimada Jamhuuriyadda Somaalilaan waxaad aad ku arkaysaa qashinka iyo uskaga rasaysan laamiyada halbawlayaasha ee dhex mara. Sidoo kale marka ay roobabku da,aan wadooyinku badanaa way go,aan oo ciid iyo dhagaxaan baa qariya amaba godad baa ka dilaaca kuwaasi oo hakiya isku socodka gaadiidka magaalada dhexdeeda taasi oo ay ahayd in ay dawladda hoose aad uga shaqeyso una feejignaato.

LATEST NEWS