[SPORTS] Barcelona Oo U Duushay Dalka Koonfur Afrika, Valverde Oo Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Soo Saaray Iyo Xogta Kulanka

0
Wednesday 16th May 2018 08:24:09 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [SPORTS] Barcelona Oo U Duushay Dalka Koonfur Afrika, Valverde Oo Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Soo Saaray Iyo Xogta Kulanka

    Barcelona Oo U Duushay Dalka Koonfur Afrika, Valverde Oo Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Soo Saaray Iyo Xogta Kulanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona Oo U Duushay Dalka Koonfur Afrika, Valverde Oo Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Soo Saaray Iyo Xogta Kulanka
 

Ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda Barcelona ayaa u duulay dalka qaarada Afrika ku yaal ee Koonfur Afrika iyada oo sidoo kale Valverde uu soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee safarkan galay. Kooxda Barcelona ayaa maalintii May 10, 2018 si rasmi ah u shaaciyay in dalka Koonfur Afrika ay kaga qayb gali doonto kulan lagu xusayo dhalashadii 100 aad ee ka soo wareegtay markii uu dhashay halyaygii Afrika iyo South Afrika ee Nelson Mandela.

Barcelona ayaa South Afrika u duushay waxayna ka degi doontaa magaalada Johannesburg maalin ka hor waqtiga la ciyaari doono kulanka sanad guuradii boqlaad ee dhalashadii Nelson Mandela waxayna Barcelona la ciyaari doontaa kooxda ree South Afrika ee Mamelodi Sundowns.

Kulanka Barcelona iyo Mamelodi Sundowns ayaa la ciyaari doonaa May 16,2018 wuxuuna ka dhici doonaa garoonka FNBStadium kaas oo loo yaqaan Soccer City Stadium, waxayna ciyaartu bilaami doontaa 6:15 saacada South Africa iyo waliba waqtiga badhtamaha iyo bariga Yurub.

Koobka xuska dhalashada 100 aad ee Nelson Mandela ayaa loo bixiyay "Mandela Centenary Cup”, waxayna ciyaartani fursad dahabi ah u noqonaysaa jamaahiirta Koonfur Afrika iyo waliba kuwa qaarada Afrika ee kulankan fursada u heli kara in ay ku daawan karaan ciyaartoyda ugu muhiimadan Barcelona.

Waxaa hore loo sheegay in heshiiska dhaqaale ee ay Barcelona kulankan ku aqbashay uu qayb ka ahaa in xidiga muhiimka ah ee Blaugrana ayna kulankan ka maqnaan waxaana liiskan ku soo abxay dhamaan ciyaartoyda muhiimka ah ee Barcelona.

Lionel Messi, Luis Suarez, Andres Iniesta, Coutinho , Busquets, Rakatic iyo dhamaan xidigaha kooxda kowaad ee Barcelona ayaa safarka South Afrika qayb ka ah iyada oo lagu soo daray liiskan ciyaartoyda da’yarta ah ee Alena. R de Galarreta iyo J Cuenca.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka markii ay ciyaartoyda Barcelona u duuleen South Afrika:

 

Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Southa Afrika U Duulay:Ter Stegen, Cillessen, Semedo, Piqué, Rakitic, Sergio, Denis, Iniesta, Suárez, Messi, Dembélé, Coutinho, Paulinho, Alcácer, Alba, Digne, S Roberto, André Gomes, A Vidal, Y Mina, Aleñá (26), R de Galarreta (40) & J Cuenca (41)



LATEST NEWS