Who Is The New Market Of Policy Guide? Yaa Hagaya Suuqa Cusub Ee Siyaasada. (Taxanaha Geeska Cusub), Q: 5aad, Qalinka:C.S.F(Jeesto).

0
Monday 9th July 2018 11:38:07 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Who Is The New Market Of Policy Guide? Yaa Hagaya Suuqa Cusub Ee Siyaasada. (Taxanaha Geeska Cusub), Q: 5aad, Qalinka:C.S.F(Jeesto).

    Wali waxaa inoo sii socota Qormadii Taxanaha Geeska-afrikaha cusub maanta waxaan naaqishi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wali waxaa inoo sii socota Qormadii Taxanaha Geeska-afrikaha cusub maanta waxaan naaqishi

doonaa cida hogaaminaysa Suuqa cusub ee Siyaasada Geeska-afrika ee hada furmi raba, Aan ku bilaabo qodabkaan iftiiminayo oo ku saabsan dhinaca Siyaasada hogaaminteeda ama jaan-goynteeda, Horta intaanan u galin mawduucayga aan isla fahano macnaha Erayga Siyaasad macnihiisa oo Af-soomaaligu ku gafey sida ay xuseen gudidii macnaysay oo sheegtay inay Erayo bulshada Soomaaliyeed dhexdooda ka liita ay la macno yihhin tusaale ahaan Eraygu asal ahaan waa Af-laatiini (Politics, Siyaasad af-soomaali ahaan), Hadaba maxaa Af-soomaali ahaan la macno ah, Waxa la macno ah Erayada Khiyaamo ama Kaarto mase aha micnaheedu sidaa way ka balaadhan tahay waa khaladka ay inoo sheegeen gudigii Af-soomaaliga qortey in lagu xad-gudbay macnaha Erayga (Politics).


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Intaanan galin wali mawduuca ii khaaska ah Macneeyo Eraygan (Politics :Siyaasad), What is the Politics???? Politics Is The Way You Succeeded The Guide-line Your Goal. Oo Macnaheedu tahay Af-Soomaali ahaan (Waa Dariiqa Loo Marayo Hagida Guusha Hadafkaaga), Horta kalmadaasi waa caynkaa aan soo xusnay waxaana muhiima in laysla fahmo waxaan ka hadlayno ama Waxay daaran tahay kalmadani, Bacda Arer aan guda-galo halkii ii calaamadsanayd oo ah Yaa Hagaya Siyasada Cusub ee imika ka dilaacday Geeska Cusub taasi oo isugu jirta Mid Ganacsi iyo Mid Hogaamin Siyaasadeed ah, Waxana tar-tankani dhex yaalaa dhamaan wadamada waaweyn ee ku yaala mandaqadan yadoo hada loo dareemayo si xawli ah xawaaraha laysu dhaafayo si loo helo hagitaanka Ganacsiga, Siyaasada, Iyo Maal-galinta Caalamiga ah ee Geeska Cusub, Maxaa yeelay dunidii waxay isha ku haysaa Geeska waxaanu noqday barta laga hagayo kala gooshida Ganacsiga dunida horumartey iyo tan soo koraysa oo yadu ah Suuqa laysu haysto cida kasbanaysaana waa Cid dan siyaasiya ku hesha khadkani.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa jira jaanisyo laysu dhaafayo oo lagu sii kasbanayo in la hantiyo Wakiilnimada dunida is haysata ee yadu laf-ahaan horumartey danteeduna ay tahay marin ay u hesho Suuqeeda Ganacsiga iyo kan Siyaasada, Wadamada fahansan mustaqbalka geeska ayaa yagu u sii gogol-xaadhaya inay ka faa,iideystaan albaabadan u furmay Gobalkooda, Kaliya danta la kala riixanayaa waxay ku salaysan tahay Dhaqaale ama Dan la xidhiidha Istaraatajiyada Aaladaha Caydhiin si ay dunidan horumartey u kasbato (Resource), Halka kuwan soo koraya ee Geeska u badanina ay ilaashanayaan dilaalnimada Wax-Soo-Saarka saaxiibada ay yeelanayaan, Ama waxan lagu magacaabo (Middle-manka) oo noqonaya xidhiidhinta mandaqadan ay ka tirsan yihiin iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee yagu wada (Products la kala iibsanayo), Wadanka nasiib u hela ama ay Siyaasadiisu u saamaxdaana uu noqonayo Hagaha ama hogaamiyaha Siyaasada Geeska-afrikaha cusub kaasi oo wax badan ka baddali doona Gobalkan lana Jaan-qaadsiin doona dunida inteeda kale xaal ay yeelato Kacaan Wax-soo-saar (Production Revolution).

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cida hogaamin doonta Geeska-afrikaha cusub waxay ku xidhnaan doontaa dalalkan tar-tamayaa siday u soo ban-dhigaan (Strategic Plane) Qorshe cad oo ku aadan waxa ay dunida ka iibinayaan , Sidoo kale waxaan yadna ka maqnayn meesha (Raw Materail And Cannel of Mariners), Kani waa suurta-galnimada lagu kala xulayo wadamada u boratamaya hogaanka Geeska ee isla mandaqada ku yaala, Geeska intiisa badan waxa uu leeyahay meelo laga xakameeyo xidhiidhka dibloomaasiyada waxana ugu caansan laba wadan oo kala ah (Kenya, Ethiopia) waa xarumaha ugu badan ama albaabada dunidu ay ka soo gasho haday tahay qolyaha (Bani-aadamtinimada , Dibloomaasiyada, Iyo Dhamaan Socail Functionka), Sidaan ku helay xaqiiqooyin ay baahiyeen khubaro ku xeel-dheer Arimaha geeska oo inta badan Falan-qeeya ayaa tibaaxay in loolanka ugu badani dhex yaalo labadan dal inta kalena ay yagu la kala safan doonaan waa sida ay hadalada u dhigeene, Aragtiyaha ka soo baxaya imika xiliyadii u danbaysay ayaa laga dheehan karayaa Mustaqbalka hogaaminta.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qodobada Ugu Muhiimsan Ee Laysu Garab Marayo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

1: Marinada Biyaha Ee Xamuulka Baddaha:- Waa meelaha bud-dhiga u ah waxyaabahan loo loolamayo ee ay isu urursadeen bah-weynada caalamiga ah, Hadaba marinada la doonayo in la helo waxa ka mid ah Xeebaha balaadhan ee Soomaaliya Sida (Kismaayo, Boosaaso, Hobyo, Iyo Muqdisho), Iyo Xeebaha ugu muhiimsan geeska ee ku yaala dalka Somaliland (Berbera iyo Saylac), Wadamada istaraatajiyadaa ku loolamaya ee loo soo kala badinayaa waa labadaa dal.

 

 

 

2: Sal-dhigyada Milatariga:- Wadamada loo dan leeyahay si loo sugo xasiloonida iyo Amniga mandaqada Geeska-afrika , Kuwana waxa ugu cad-cad dalalka Djabouti, Somaliland, Iyo Soomaaliya oo ku yaala meel muhiim u ah hagitaanka Ciidamada ku teedsanaan doona ilaalinta xasiloonida Gobalka iyo Danaha gaarka ah.

 

 

 

3:Aaladaha Caydhiin:- Wadamada loo tirinayo inay leeyihiin (Resource) waxa ka mid ah wadanka (Ethiopia) oo kaliya inta ilaa haatan la hubo waayo waa dalka kaliyaatee aan la gumaysan ee aan la taaban Aaladihiisa Caydhiin, Sidaa awgeed da,a tirsiga iyo waayo-aragnimada soo jireenimo yadu ku dilaysa dhigeeda oo dhan.

 

 

 

4: Cida ujeedada leh lama oga balse waxa u adeegaya Dawladaha Khaliijka Carabta oo yagu ah Gacan-yarayaasha Fir-fircoon ee u adeega Daneeyayaasha Caalamiga ah , oo yagu si toosa u muuqan kuna gabanaya dawladahan dhexe ee Carabta ah kuwaasoo si toosa u fulinaya danahooda.

 

 

 

 

 

 

 

Horaanta Tar-tanka Waxa Sal U Ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

1: Talaabooyinka nabadeed ee ay wado Dawlada Itoobiya isla markaana uu hogaaminayo Ra,iisal-wasaaraha cusub ee dalkaasi Dr. Abiy Ahmed Ali.

 

 

2: Xafiisyada Dibloomaasiyadeed ee ay Kenya ka furanayso dalalka afrika intooda badan oo ay u badan yihiin wadamada Geesku.

 

 

3: Xaalada Midnimada ay Soomaaliya ku baaqeyso oo ah kuwa ay ku loolamayso si ay u hesho hanashada Lead-gareynta hogaanka Geeska.

 

 

4: Suuqyada Xorta ah ee ay sameynayso wadanka Djabouti oo yadna kaga qayb-galayso amuuraha is-baddalka geeska cusub.

 

 

 

 

 

 

Hadaba waxa muhiima in la ogaado cid hogaanka qaban doonta waa lama taabtaan in Is baddelkan daruurihiisii ay dul joogaan umada ku nool mandaqadan, Waayo durba waxa jira hirdanka aan kala dhacayn ee wadan kastaa gaarkiisa isu tabaabushaynayo si uu kaalintaa u kaamil yeelo, Wax badan waan idinla wadaagay waxaan soo baadhey ama aan ogaa aan ka dhur-sugno maxsuulka iman doona mustaqbalka dhaw. La Soco Qaybaha Danbe...........

 

 

 

 

 

 

 

 

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

 

Diplomatic Annalism.


Gabiley/Somaliland.

 

 


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS