Madaxwayne Kuxigeenka JSL Waxa Ka Go'an Nabadaynta Colaada Udhaxysa Habar-Lamaan. Q: Abdishakur Gande.

0
Monday 9th July 2018 11:41:53 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 329
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Kuxigeenka JSL Waxa Ka Go'an Nabadaynta Colaada Udhaxysa Habar-Lamaan. Q: Abdishakur Gande.

    Bismillah...Madaxwayne Kuxigeenka JSL Oo u Guntaday Soo Af-jarida Iyo Nabadaynta Colaada Deegaanka Ceel-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillah...Madaxwayne Kuxigeenka JSL Oo u Guntaday Soo Af-jarida Iyo Nabadaynta Colaada Deegaanka Ceel-
Afwayn Ee Udhaxaysa Beelaha (Habar-Lamaan) Isagoo ku matalaya Xukuumada Kulmiye Two khaasatan Madaxwaynaha JSL Muuse Biixi Cabdi .






Madaxwayne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa safarakan waxa ku weheliya masuuliyiin katirsanxukuumada sidokale waxaa waftiga barbar socda qaybaha ugu doorka roon bulshada ergooyinkaa nabadeed oo ka kooban 66 kala ah Salaadiin, Cuqaal, waxgarad iyo culumaa'udiin.










Ma aha markii ugu horaysay ee Madaxwayne Kuxigeenka JSL uu arintan u ambabaxo lakiin safarkani baa ah mid daba socda safaradii nabadayneed ee uu kol hore halkaa kutagay isagoo intaa uu ka maqnaa na ay hawlahiisa shaqo ay ugu waynaayeen dedaalkii uu ugu jiray sidii halkaa nabad loogu heli lahaa dadkaa isdhalay marna wada dhashayna ugu xasili lahaayeen deegaankoogaa ilaahay kuwada dhaqay.










Ugudanbayn intaanu bixin rabi kabaryay in uu Ergadaa socota ee uu shirka bari hadii rabi raali kanoqdo uu ufuri doono kusoo asturo dadka deegaankaasi na xasilooni iyo is calool xaadhasho ku wada noolaado.










Madaxwayne Kuxigeenka JSL wuxuu caan kuyahay midnimada umada SL wax wadalahaanshiyaha, nabada & xasiloonida iyo horumarka qaranka sidaadarteed waxaa la go'an in dadkaasi dirirta ama colaadu dhextaalo gartaan inay wax wada leeyihiin oo ay iyagu isku dan yihiin dadka na iskaga dhawyihiin.










Ka shacab ahaan waxay kalsooni ku qabaan Madaxwayne Kuxigeenka JSL iyagoo arintan go'aanka ku farxsan way ku taageerayaan soona dhawaynayaan in uu waajibaakiisa masuuliyadeed sida ugu wanaagsan u gudanayo intii karaamkooga ah oo duco ugu horaysana way la garb taaganahay waxaanay ugu ducaynaynaan in Allah ku asturo arinta wanaagsan re muuqata oo deegaankaa nabadayntiisu ka go'an tahay madaxwayne Kuxigeenka taasoo astaan u ah sida wanaagsan ee uu waajibkiisa qaran uu u gudanayo.










Abdishakur Gande
634200882. 634454882
Hargaisa, Maroodijeex Somaliland.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS