|
|
Garnaqsigii Reer Burco W/Q Garyaqaan Zakarie Sulub Suleiman(Cakaash)
Garnaqsigii Reer Burco
W/Q Garyaqaan Zakarie Sulub Suleiman(Cakaash)
Awalan Umada Reer Somaliland Way Salaaman Yihiin gaar ahaan Saxaafadda Somaliland, Waxaan Halkan Ka diraynaa warqad garnaqsi ah oo ka socota Bulshada burco kuna socota Madaxweynaha qaranka iyo xukuumdiisa gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha waana Sidan garnaqsigii reer burco oo kooban. Mudane madaxweyne magaalada burco waa caasimada labaad ee qarankan waana magaaladii lagaga dhawaaqay gooni isu taagii qarankani ku taaba galay waana magaalo fac weyn taariikh weyna ku leh Somaliland tii hore (1960) dawladii dhexe ee kacaanka Iyo Somalilandta Cusub (1991). Intaas iyo ka badanba adigoo ogsoon, hadana waxaa marag
madoon ah in dayac badana kaga yimi xukuumadihii kala danbeeyay ee taadu
ku jirto oo burco hagraday taason aan adeegyada dawlada iyo
mashaariicda aan burco wax ku filan la siin, oo ay weliba u dheer tahay
maamul xumo.
Mudane madaxweyne intaas iyo ka badan adigoo og hadana
halka ay burco kasii go,day waxaa weeye dawladda hoose ee burco oo uu
ugu horeeye maayar calooshiisa la ciyaar ah oo burcaba jeebka sare ku
sita siduu doonayana burco u gala.
Mudane madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa ugu horayn in aad
burco la doorto maayar cusub oo magaalada bilicdeedii dib usoo noolayn
karaaya. Garyaqaan Zakarie Sulub Suleiman (Cakaash)
Gudoomiyihii Ololaha Dhalinyatada Gobolka Togdheer ee Xisbiga Waddani. FIIRO GAAR AH:Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!! |
Copyright © 2010 - 2019 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |